ure
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
URE
(Ure) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ure
-ha: (magac, lab, keli) wax ur leh; wax ura. Ure la ma jecla oo waa la karhaa. Dh: qadhmuune.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangooye
(Magangooya-ha)
Cayayaan quraanyada iyo jiraca u eg, kase waaweyn oo kolkii la cariyo ur aad u qurmuun sii daaya; nooloo'ure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holac-kaadimareen
m.l (-cyo .., m.dh) (daawo) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noole-ure
m.l la-mid: nooloo-ure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nooloo-ure
m.l Jinac weyn; magangooye. la-mid: noole-ure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ureed
m.l (-dyo, m.dh) (baayoloji) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holackaadimareen
m.l (-cyo .., m.dh) (daaw.) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ureed
m.l (-dyo, m.dh) (baay.) Dareenka urta ama dariiqadda wax lagu uriyo; tani oo lagu helo qaabilayaasha urta ama qaabilayaasha ku jira organnada ureed, sida sanka, kuwaas oo xasaasi u ah hawada ama kiimikooyinka ka dhasha biyaha. Nashaadinta qaabilayaashaasi waxay sababtaa inay u gudbiso wararka maskaxda iyaga oo sii maraya dariiqa dareen wadaha ureed.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory
Ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory bulb
Badhi ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory cells
Unugyo ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory epithelium
Ibitiiliyam ureed
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Olfactory nerve
Dareen wade ureed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cureeji
pr. n., [feminine] Ureeji
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadimmareen
m. n., [compound] urethra
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-UREED
(Ged-ured) N Otostegia hildebrandtii (Vatke & Kurtz) Sebald. Labiatae.
May Ocimum superbum. Musch et Muschler Labiatae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUBTAANYA
(Gubtania) S Acalypha sp. Euphorbiaceae.
C, S Tragia hildebradtii Muell-.Arg. Euphorbiaceae.
N Forsskaolea viridis Webb. Urticaceae.
N Urtica urens L. Urticaceae.
N Arnebia hispidissima (Lehm) DC. Boraginaceae.
N Lindenbergia sinaica (Decne) Benth. Scrophulariaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GUBTAANYO
(Gubtanio) S Acalypha sp. Euphorbiaceae.
C, S Tragia hildebradtii Muell-.Arg. Euphorbiaceae.
N Forsskaolea viridis Webb. Urticaceae.
N Urtica urens L. Urticaceae.
N Arnebia hispidissima (Lehm) DC. Boraginaceae.
N Lindenbergia sinaica (Decne) Benth. Scrophulariaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UR-URE
(Ur-ure) S Basilicum polystachyum (L) Moench. Labiatae.
S Endostemon gracilis (Benth) Ashby. Labiatae.
S Cassia longiracemosa Vatke. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
URE-TUKO0W
(Ure-tuku) N Albuca abyssinica Jacq. Liliaceae.
N Scadoxus multiflorus (Martyn) Raf. Amaryllidaceae.
N Crinum zeylanicum (L) L. Amaryllidaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UREEY
(Urei) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bure
m.l la-mid: bire.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bure
m. n. milk vessel made of wood
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bure
a: bire
de: milk vessel made of wood
lx: bure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: bure
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
cure
(n) a method or course of medical treatment used to restore health; an agent, such as a drug, that restores health; remedy.
daawo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cure
/kiyuur/ (n) 1. daaweyn (v) 2. la daaweeyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cure
n, (restoration to health) bogsiis, -ki, bogsiin, -ti, boski, -gi.
cure, v.tr., (restore to health) bogsii; be cured, bogso; he is cured, bogsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dure
m.l Jiilaalka bartamihiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fure
(Fura-ha)
Qalab ilko leh oo badanaa bir ah oo inta daloollada qufullada iyo wixii la mid ah la gesho, lagu wareejiyo oo lagu furo; muftaax; qaliid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fure
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iyo wixi lamida. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fure
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qalab bir ah oo qaabab iyo weynaan kala duwan leh oo lagu furo ama lagu xiro qufullada iyo wixi lamida. 2. Xal. 3. Calaamad loo adeegsado tusmada maababka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fure
Switch
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fure
Key
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fure
m. n. key; opener
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fure
-furaha: (n) [Pl. furayaasha] key (kii); device for locking and unlocking ~ muftaax, miftaax
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Fure
Chiave
Key
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fure
-ha: (magac, lab, keli) qalab ilko leh oo badanaa bir ah oo inta daloollada qufullada iyo wixii la mid ah la gesho ee lagu wareejiyo, lagu furo; bir yar oo ilko leh oo qufullada lagu furo. Dh: muftaax, miftaax, qaliid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fure
de: key; opener
lx: fure
pd: (/ha)
ps: n7-m, n2a-m
syn: muftaax
key: fure
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fure
يفتاح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gure
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qarsin. 2. Fandhaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gure
m. n. ladle; scoop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gure
-ha: (magac, lab, keli) fandhaal weyn oo wax lagu guro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gure
cf: fandhaal, qaaddo
de: ladle; scoop
lx: gure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hure
-ha: (magac, lab, keli) qof niyad wax u baxsha. Dh: deeqsi, gacanfurane. Li: waakade, bakhayl.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lure
/lur/ (n) 1. soo jiidasho leh 2. lacaaf, dabin (wax xayawaanka lugu soo dabo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lure
(see allure).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Pure
Saafi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pure
/pyuur/ (adj) 1. saafi ah( aan waxba ku qasnayn) 2. nadiif ah (siiba xaga akhlaaqda qof dhawrsan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pure
avv. e cong. - xataa, weliba, haddana.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pure
a., miiran.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sure
/shur/ (adj) 1. hubid (hubanti ah). (adv) 2. hubaashii (xaqiiqdii).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sure
(fal) ganto meel sare ku taal, ka soo laadlaadso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sure
a., huba; be sure, hub.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
urge
v.tr., muquuni.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
urne
urne, n.f. - sanduuqa warqadaha codka doorashada lagu rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urre
m.l Aboorka kiisa labka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urre
-ha: (magac, lab, keli) aboorka kiisa lab. Urraha ayaa wax dhisa oo difaaca aboorka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
re
/rii/ (prep) ujeeddo (ku saabsan, waxaa lugu qoraa bilowga warqadaha xafiisyada loo diro).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ré
s.m. - boqor, suldaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ur
1. (Ur-ka) Garashada iyo dareemidda sanka u gaarka ah.
2. (Ur-ta) Dabaysha lixdii biloodba dhinac ka dhacda; neecaw; dabayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ur
ur¹: m.l (-rar, m.l) 1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.
ur²: m.dh 1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso. 3. la-mid: ur¹.
ur³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ur
ur¹: m.l (-rar, m.l) 1. Wax sanku jecleysto ama necbaysto ee uu dareemo. 2. Qurun.
ur²: m.dh 1. Dabayl lixdii bilood doc ka timaadda; neecaw; dabayl. 2. Dhanka dabayshu ka dhacayso.
ur³: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Ur qurmuun yeelasho. 2. U u.: wax nicid. 3. U u.: wax ur qurmuun leh dareemid. m.f.dh, urid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ur
v. smell, give off a smell, emit an odor
ur m. n. smell, odor; bad smell; aroma
ur [feminine] n. air movement, wind direction; direction, indication
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ur
-ka: (n) smell (ismeel); odor (oodar) also odour (oodor). Ex: ur qarmuun; bad smell (odor) -ur -ay -tay: (v) have a smell or emit an odor; stink (istingk). Ex: iskaalsooyinkaagu waa urayaan; your socks smell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ur
(fal) wax sanku dareemo, keen ama soo daa.
ur: (ereydhawaaq) lagu yidhaahdo marka wanka iyo dibiga la eryayo.
ur-ta: (magac, dhedig, keli) dareenka sanka ee wixii udgoon ama qadhmuun.
ur-ta: (magac, dhedig, keli) dabaysha lix bilood mar doc u dhacda. Urtii waa is beddeshay oo deryr baa la galay. Dh: neecaw, dabayl.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ur
رائحة
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ère
ère, n.f. - muddo taariikheed.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gré
gré, n.m. - rabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ore
Bit caydhlin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ore
/oor/ (n) dhadhaab ama dhagax macdanta laga dhex helo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pré
pré, n.m. - daaqsin yar; meel yar oo doog leh
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tre
agg. - saddex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tusaale: “Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uri
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax urkooda dareemid. 2. Wax qurmin. Tusaale: Kalluunkii bakhtiyey baddii buu uriyey. m.f.dh, urin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uri
v. smell something, sniff
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uri
-yey -say uraya: (v) smell (ismeel); snuff (isnaaf); sniff (isniif) ~ urso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uri
(fal) sanka wax ka dareen.
uri: (fal) wax ama meel, ur qudhmuun u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uri
de: smell s.t., sniff
initial: u
lx: uri
pd: (uriyey)
ps: v2a=tr
key: uri
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
use
/yuus/ (n) 1. isticmaal (adeegsi) (v) 2. isticmaalid (adeegsasho).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
usé
usé, adj. - qashin; dayacid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
use
n., waxtar, -ki; be of use, wax tar; of no use, ma taro.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
autre
autre, adj. - wax kale
l'un l'autre - midba midka kale.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
azure
/aazar/ (adj) midab buluug ah oo barxan (aan tikh ahayn). e.g. The azure sky.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
azure
n., madow cadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burde
(Burda-ha)
Qasiido caan ah oo Nebi Maxamed lagu ammaana hayo; waxaa tirshey Sheekh Maxamed Buusiiri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burde
m.l.u Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burde
m.l.u Qasiiddo nabi ammaan ah oo uu tirshey Maxamed Buusiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burde
m. n. chanting in praise of the Prophet Mohammad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burde
-ha: (magac, lab, keli) Nebi'ammaan caan ah oo uu tiriyey Sh. Maxame Bawsari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burde
de: chanting in praise of the Prophet Mohammad
lx: burde
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: burde
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Nafley bur la dhicid. la-mid: buraree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buree
v. clobber, beat someone with a club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buree
(fal) inta dadka in ka badan sii: dadka uga badi. Agoonka u buree ilmahaagu ha qadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buree
a: buraree
de: clobber, beat s.o. with a club
lx: buree
pd: (bureeyey)
ps: v2b=tr
key: buree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burge
m.l Fuley. la-mid: burje.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burge
-ha: (magac, lab, keli) nin aan kalsooni dhiirranaaneed lahayn. Burge iyo waxaa ii arrimin buqulkii gaabnaaye. Dh: fuley, fule. Li: geesi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burje
m.l la-mid: burge.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.