urchin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
urchin
/erjin/ (n) ciyaala-suuq. urge/erj/ (v) 1. ku qal-qaalin; ka codsasho (v) 2. u soo-jeedin (u sheegid) (n) 3. rabitaan (rabid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskooris
m. n. one who from the end of childhood provided for his own subsistence; urchin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qodaxbadeed
f. n., [compound] sea-urchin, stinging sea, plural, ant species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaala suuq
(n) 1. street child. 2. mischievous youngster or child; urchin (erjin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskooris
a: iskoris
de: one who from the end of childhood provided for his own subsistence; urchin
lx: iskooris
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: iskooris
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qodaxbadeed
de: sea-urchin, stinging sea-plant sp.
lx: qodaxbadeed
pd: (-da)
ps: n-f-cmp
key: qodaxbadeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burshin
m.dh (-imo, m.l) 1. Labada xubnood ee ku wareegsan afka nafleyda, kana qeyb qaadata codaynta. 2. Labada xubnood ee ku wareegsan xubinta taranka ee haweenka. la-mid: bishin, bushin (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burshin
m.dh (-imo, m.l) 1. Labada xubnood ee ku wareegsan afka nafleyda, kana qeyb qaadata codaynta. 2. Labada xubnood ee ku wareegsan xubinta taranka ee haweenka. la-mid: bishin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burshin
-ta: (magac, dhedig, keli) cantoobo caleen ah; in gacan lagu qaban karo oo caleen ah. Burshin aalo ah ayuu noo soo goray.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
chin
(n) the central forward portion of the lower jaw.
gadh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chin
/jin/ (n) garka (xubinta afka ka hoosaysa kaliya, oo aan timuhu ku jirin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
chin
n., daan, -ki, lafta gadhka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urin
(Urin-ta)
Sanka wax ku dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urin
m.f.dh eeg uri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanku ur ku dareemid.
urin -ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, ur qudhmuun u yeelid. Dh: uris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urshi
(Urshi-ga)
Nuxrur gaar ah oo cunnada iyo daaqu yeeshaan; uraad; saacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urshi
m.dh la-mid: uraad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
urshi
m. n., [collective] nourishment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urshi
-ga: (magac, lab, keli) nuxur gaar ah oo cunnada iyo daaqu yeeshaan. Urshi ma laha fufku laakiin waa bi'iyaa gaajada. Dh: saacad, saac, uraad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
urshi
de: nourishment
initial: u
lx: urshi
pd: (-ga)
ps: n7-m-col
key: urshi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
machin
machin, n.m. - Wax.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
orchid
/oorkidh/ (n) geed ubax badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sachin
-ta: (magac, dhedig, keli) sacab tumid; sacab garaacid; sabcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turcin
m.dh la-mid: tircin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turcin
-ta: (magac, dhedig, keli) turci ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u dhin
v. hurt, harm, do something bad to someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_dhin
de: hurt, harm, do s.t. bad to s.o.
initial: u
lx: u dhin
pd: (dhimay)
ps: v1=expr
xe: I wont hurt you.
xv: Waxba kuu dhimi maayo.
key: u_dhin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
urbain
urbain, adj. - reer magaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg uritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursiin
(Ursiin-ta)
Qof kale sankiisa wax u dhoweyn si uu ugu uro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursiin
m.f.dh eeg ursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ur dareensiin; qof kale sankiisa wax u dhoweyn. Ursiinta ayaa eygu cid ku bartaa oo dabadeed gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ururin
(Ururin-ta)
Isu geyn; isu keenid; uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururin
m.f.dh eeg ururi. la-mid: aruurin, ururis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururin
vl. n. gathering, collecting, collection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ururin
-ta: (n) collection (ko-lek-shan); receiving (ri-siiv-ing) ~ururis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ururin
Collezione
Collection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, alaab iyo wax la mid ah oo kala daadsan meelo ka soo qaadqaadid oo isku keenid. Ururinta alaabta aan ku horraynno Dh: isugeyn, isukeenid, ururis, uruurin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururin
de: gathering, collecting, collection
initial: u
lx: ururin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: ururin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ururin
تجميع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcurin
m.f.dh eeg curcuri. la-mid: curcuris.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
prochain
prochain, adj. - u dhaw meel ahaan dhaw reer ahaan; isku qoys yihiin
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
punching
ku dhufasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurcelin
de: contraception
initial: u
lx: uurcelin
pd: (-ta)
ps: n -f-cmp
key: uurcelin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
zucchino
(o zucchina) s.m. - bocor.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
archaic
/arkeyik/ (adj) wax ama shay aad u qadiim ah, aad u da' weyn. e.g. Archaic language is found in the Bible.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
archaic
/arkayik/ (adj) shey qadiim eh amy walaaghi mariithi eh. Archaic language.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
archive
/arkeyv/archives; (n) ururin ama meel lugu kaydiyo warqadaha iyo warbixinada ku saabsan shirkad, dawlad ama dad gaar ah; (arkiifiyo, xusuus-dhig). e.g. The archives of the company were moved from the headquarters.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Archive
Arkiif
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
archive
archive, n.f. - Meesha lagu kaydsho waraaqaha iyo warbixinada dawladda ama dadweynaha; Aarkiifiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardhin
-ta: (magac, lab, keli) calaamad dhibicdhibic ah. Bardhin madaw baa ku taalla shaadhkaaga. Dh: dhibic, bar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barshin
m.l/dh la-mid: barkin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barshin
m. n. wooden pillow, neck rest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barshin
-ta: (n) a pillow made of wood used for neck rest ~ barshi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barshin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah salliyada Soomaalidu dhaqanka u lahayd. Barshir kuwii loo goglee bi'iyey beesheenna, allow yaa budeeyoo bowdka kaga saara. Dh: salli, darmo, caw, bal, cawsgogol.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Barshin
Madaxa tusmoreebta ee jirjir raaca looxa la xariiqayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barshin
a: barkin
de: wooden pillow, neck rest
lx: barshin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barshin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burciid
(Burciid-ka)
Bur ciid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burciid
burciid¹: m.l (-dyo, m.dh) In yar oo carro ah oo is haysta.
burciid²: m.dh Meel bannaan oo ciid jilicsan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burciid
m. n. lump of dirt, clod, sand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burciid
-ka: (magac, lab, keli) meel carro taagan ah oo dhulka intiisa kale ka sarraysa. Dh: burco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burciid
de: lump of dirt, clod, sand
lx: burciid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: burciid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bururin
m.dh eeg bururi. la-mid: Bururis; burburin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bururin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqin oo muuq iyo dheecayn ka keenid. Muuska bururinta ka daa oo saani u cun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buudhin
m.f.dh eeg buudhi. la-mid: buudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaalin geel ah oo u baahata awr abaahiya. Buudhinta qaalintu barwaagadii baasha ka orgootay. Dh: buudhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carshin
(Carshin-ta)
Dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carshin
m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carshin
m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carshin
f. n. grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carshin
-ta: (magac, dhedig, keli) tigaadda xooluhu daaqaan; dhulka tigaadda leh ee xooluhu daaqaan. Dh: dalsan, dhulxoolaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carshin
de: grazing land
lx: carshin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: carshin
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cérchio
s.m. - goobaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirshin
-ka: (magac, lab, keli) cirka ama xagga sare. Cirshinkuu ka yeedhaa gunburi caawaduu di'iye. Dh: cirsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cruchon
cruchon, n.m. - Dhalada weyn ee biyaha lagu shubto; weyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durriin
(Durriin-ka)
Waxkasheeg; durid; hurin; (ama durniin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durriin
m. n. criticism; repeal; restriction, qualification (of a law)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durriin
-ka: (n) injection (injekshin) ~ mudis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durriin
de: criticism; repeal; restriction, qualification (of a law)
lx: durriin
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: durriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firdhin
(Firdhin-ta)
Kala tuurtuurid; kala yaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firdhin
m.f.dh eeg firdhi. la-mid: firirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firdhin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala eryid; midba meel ka ridid. Dh: baahin. Li: ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furniin
m.l la-mid: furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furniin
vl. n. divorce; act of opening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furniin
-ka: (n) legal dissolution of a marriage: divorce (divoorsi) ~ furitaan, furriin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furniin
a: furriin
de: divorce; act of opening
lx: furniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: furniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furriin
(Furriin-ka)
Furid; furitaan; (ama furniin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furriin
m.l la-mid: furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furriin
vl. n. divorce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furriin
-ka: (n) legal dissolution of a marriage; divorce (divoorsi) ~ furitaan, furniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furriin
-ka: (magac, lab, keli) guntin xidhnayd, sii kala deyn.
furriin-ka: (magac, lab, keli) kala tagga ninka iyo haweenayda isqabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furriin
a: furniin
de: divorce
lx: furriin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: furriin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
furriin
طلاق تطليق
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) fuudh ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gundhin
(Gundhin-ta)
1. Soo dhifasho; jiidid; dhaqaajin.
2. Qandhuufasho; ciddi ku jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gundhin
m.f.dh eeg gundhi². la-mid: gundhi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gundhin
-ta: (magac, dhedig, keli) in la gudhiyo; kala boodid. Hashu gudhin bay u baahan tahay si ay u dhasho mar kale. Dh: jiidid, dhaqaajin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gundhin
Hinjin, kiintaarin, dallicid, kuunyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurniin
gurniin: m.l la-mid: gurid.
gųrniin: m.l la-mid: gųrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurniin
-ka: (magac, lab, keli) alaab ama wax kale oo meel ku sugnaa hadba mid qaadid, oo meel kale geyn.