urbain
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
urbain
urbain, adj. - reer magaal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
urban
/erban/ (adj) magaalo (balad).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Urban
Magaalo
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Magaalo
urbain.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durbaan
(Durbaan-ka)
Qalab cayaaraha lagu tunto; wuxuu ka samaysan yahay qalab xoldhan oo af ama labada afba ka daloola oo harag ama xuub xalleefsani ku rogan yahay oo sacabbada lagu garaaco; reeme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durbaan
m.l (-nno, m.dh) (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. la-mid: gurbaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durbaan
m. n. drum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durbaan
-ka: (n) drum (daraani)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durbaan
-ka: (magac, lab, keli) agab ka samaysan xeedho harag afka lagaga tigtigay loona isticmaalo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo caroosyada. Nin durbaan tumay ilaaq dalbay. Dh: gurbaan, def, narso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durbaan
de: drum
lx: durbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: durbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurbaan
m.l la-mid: durbaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurbaan
m. n. drum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurbaan
-ka: (n) drum (dhraam), musical instrument ~ durbaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurbaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar dhex marta ragga iyo haweenkaba oo la ciyaaro habeenkii oo kaliya, waxayna caan ku tahay gobolka Shabeellada dhexe ee Soomaaliya iyo meelo kale. Qalabka lagu gu tumo ama lagu ciyaaro, waxaa ka midah maqaar la jilciyey lana taagay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurbaan
a: durbaan
de: drum
lx: gurbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gurbaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbayn
(Kurbayn-ta)
Kurbo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbayn
m.f.dh eeg kurbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kurbo gelin; kurbo ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurbaan
(Qurbaan-ka)
Cunno lagu Allabbaryo, lagu duceysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurbaan
m. n., (mass n.): food eaten at a religious ceremony
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
QURBAAN
[URBAN] Indigofera ruspolii 05.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaan
-ka: (magac, lab, keli) cunno iyo hilib lagu Alla baryo oo lagu ducaysto. Dh: Alla bari, duco, daraaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurbaan
de: food eaten at a religious ceremony
lx: qurbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: qurbaan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bain
bain, n.m. - Qubaysi; Maydhashada jirka; Qubeys (suuli)
prendre un bain - Biyo ku shubid; dabaalasho; qoyn
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rain
Roob
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rain
/reyn/ (n) roob.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rain
n., roob, -ki; long and lasting rain, mayay or macay, -gi; rain water, xareed, -di; rain is over, roobki qaad; v.i., da'; it rains, da', cirki da'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urin
(Urin-ta)
Sanka wax ku dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urin
m.f.dh eeg uri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urin
-ta: (magac, dhedig, keli) sanku ur ku dareemid.
urin -ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, ur qudhmuun u yeelid. Dh: uris.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Brain
Maskax
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
brain
(n) a portion of the central nervous system that is responsible for the interpretation of sensory impulses, the coordination and control of bodily activities, and the exercise of emotion and thought.
maskax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brain
/bareeyn/ (n) maskax
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brain
/breeyn/ masqang, maang, miir.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brain
n., maskax, -di.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
drain
(v) to remove or empty liquid, esp. to remove fluid from a wound or internal cavity.
dheecaan baa ka dareeraya
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drain
/dhareyn/ (v) 1. shub-mid, daadasho, ka-shubid (v) 2. biyo-ka qalajin, engejin (v) 3. faaruqin, marin (n) 4. dhuunta ama tuubada bullaacadda qaada.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Drain
Biyo-mar
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
drain
v.tr., (draw off water) biyaha gudhi or goo or liq.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Grain
Xabuub
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grain
/greyn/ (n) 1. badar (iniinaha la beerto oo la cuno sida qamadiga, galleyda iwm) (n) 2. jab-yar, xabbad, sida iniinyaha jariirta oo kale. e.g. a grain of salt. (n) 3. samayska dusha kore ama daliigyada shay ka samaysan yahay, siiba alwaaxda iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
grain
grain, n.m. - xubuub, sida badarka, sarreen, galleyda, masaggo, badar, hadhuudh
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
grain
n., iniin, -ti, messego, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
train
/treyn/ (n) 1. tareen (n) 2. fal- xiriirsan (fal taxane ah) (n) 3. faraq ama dabo maro ka laalaada (v) 4. tababarid (tababarasho) (v) 5. ku shiishid (ku aaddin, sida qori jiho lugu aaddiyo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
train
train, n.m. - tareen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubxin
m.f.dh eeg ubxi. la-mid: ubxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubxin
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ama geedo, ubax samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durban
[adverb] or [adverbial] [expression] already
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durban
de: already
lx: durban
ps: adv
see: durba
key: durban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurbin
(Gurbin-ta)
Wax badan on yaryar oo daadsan, mid mid u qaadid; uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurbin
m.f.dh eeg gurbi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurbin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaryar oo kala baahsan gurid. Dh: gurid, ururin, qaadqaadid. Li: saydhin, firdhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jurbin
m.f.dh eeg jurbi. la-mid: jurbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbin
(Kurbin-ta)
Xeero yar oo qori ah oo bun-sharuurka lagu shubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbin
m.dh (-no, m.l) Xeero yar oo bunka lagu shubto. la-mid: kur² (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbin
m.dh (-no, m.l) Xeero yar oo bunka lagu shubto. la-mid: kur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbin
f. n. wooden bowl for serving fried coffee-beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurbin
(tilmaame) xeedho yar oo qori ah oo bunsharuurka lagu shubo. Dh: kur, xeedho. Wa: kurbino.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbin
bw: kur
cf: xeero
de: wooden bowl for serving fried coffee-beans
lx: kurbin
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: kurbin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ordain
/oordhayn/ (v) 1. wadaadnimo u caleema saarid (wadaad weyn u magacaabid, siiba diinta gaalada) 2. ku amrid (ku farad yeelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qurub-qurub laga dhigay ahaansho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
turban
/terban/ (n) duub (cimaamad).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
turban
turban, n.m. - cimaamad Hindidu madaxa ku duubtaan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
turban
n., cimaamad or camaamad, -di; arrange his turban, u cimaamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugbaan
m.f.dh eeg ugub². la-mid: ugbaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugbaan
f. n., [abstract] state of mature female that has not yet given birth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugbaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ugub ahaan; dhedig aan weli curan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugbaan
de: state of mature female that has not yet given birth rw: ugub
initial: u
lx: ugbaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: ugbaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
urbane
/erbeyn/ urbanely; (adj) reer magaal ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
urchin
/erjin/ (n) ciyaala-suuq. urge/erj/ (v) 1. ku qal-qaalin; ka codsasho (v) 2. u soo-jeedin (u sheegid) (n) 3. rabitaan (rabid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg uritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ursiin
(Ursiin-ta)
Qof kale sankiisa wax u dhoweyn si uu ugu uro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursiin
m.f.dh eeg ursii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ur dareensiin; qof kale sankiisa wax u dhoweyn. Ursiinta ayaa eygu cid ku bartaa oo dabadeed gartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ururin
(Ururin-ta)
Isu geyn; isu keenid; uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururin
m.f.dh eeg ururi. la-mid: aruurin, ururis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururin
vl. n. gathering, collecting, collection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ururin
-ta: (n) collection (ko-lek-shan); receiving (ri-siiv-ing) ~ururis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ururin
Collezione
Collection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad, alaab iyo wax la mid ah oo kala daadsan meelo ka soo qaadqaadid oo isku keenid. Ururinta alaabta aan ku horraynno Dh: isugeyn, isukeenid, ururis, uruurin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururin
de: gathering, collecting, collection
initial: u
lx: ururin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: ururin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ururin
تجميع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xurbin
1. (Xurbin-ka) Ul yar oo madaxa ilko ku leh, oo wax lagu xurbiyo.
2. (Xurbin-ta) a) Caano garoor ah ama ukun ama wax la mid ah, xurbin ku qasid, ku labid. b) Xurbiye ku daloolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xurbin
xurbin¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iyo wixi lamida lagu walaaqo. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. la-mid: xurbiye, xurbo, xurub.
xurbin²: m.f.dh eeg xurbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xurbin
m.l (-nno, m.dh) 1. Ul dheer oo afka ganto ku leh oo caanaha iyo wixi lamida lagu walaaqo. 2. Ul gaaban oo af buuran leh oo soorta la karinayo lagu walaaqo. la-mid: xurbiye, xurbo, xurub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xurbin
m. n. whisk (stick with a rounded ~ spiked head for stirring food)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xurbin
-ka / ta: (n) mixer (mik-ser)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurbin
-ka: (magac, lab, keli) ul yar oo madaxa ilko ku leh oo wax lagu xurbiyo. Xurbinka ii keen.
xurbin-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig carruurtu ku ciyaarto oo intay labada dhinac qabtaan ay aad u wareejiyaan mid ama labana ka boodboodaan isaga oo wareegaya. Xurbinta ha ka daalin illaa aan anu daalayo. Dh: xurbis.
xurbin-ta: (magac, dhedig, keli) caano qasid oo xurbin ku dhexwareejin. Caanaha kulul xurbintoodu way fududahay. Dh: xurbis.
xurbin-ta: (magac, dhedig, keli) wax adag xurbiye ku daloolin. Looxaantu xurbinta badan way ku jabtaa. Dh: xurbis.
xurbin-ta: (magac, dhedig, keli) qori qiiq leh weel caano lagu liso ama lagu dhigo ku ugid. Kidiga ama kulanka ayaa xurbinta ugu wanaagsan. Dh: ugid, cugid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xurbin
Madkayn, waraarin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xurbin
de: whisk (stick with a rounded ~ spiked head for stirring food)
initial: x
lx: xurbin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: xurbin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbarin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac marin; barbar u leexin.
barbarin -ta: (magac, dhedig, keli) «is» dhinac isu badin. Isbarbarin ku qaad foosta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burburin
(Burburin-ta)
Wax burbursan ka dhigid; jejebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburin
m.f.dh eeg bururi. la-mid: burburis (2), bururin, bururis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburin
vl. n. ruining, ravaging (of a country)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburin
-ta: (n) the act of destroying, smashing , mashing or crumbling into pieces ~ jajabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburin
-ta: (magac, dhedig, keli) waxa aan jirin ka dhigid sida dhisme ama maamul. Burburinta guryaha dawladda amartay. Dh: baabi'in.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburin
de: ruining, ravaging (of a country)
lx: burburin
pd: (-ta Pl: burburimo (/ha))
ps: vn1-f
key: burburin