ur-ure
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UR-URE
(Ur-ure) S Basilicum polystachyum (L) Moench. Labiatae.
S Endostemon gracilis (Benth) Ashby. Labiatae.
S Cassia longiracemosa Vatke. Caesalpinaceae.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Alopochen aegyptiacus
(I) Oca egiziana;
(E) Egyptian Goose;
(S) Calole gur (B. G.: ‘Alole gur o gir); Baal geduud (B. G.; Bàl gedud; A G.: Bata gedud); Uur uurei (Benadir: Ur ūrei)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Sarkidiornis melanotus
(I) Oca caruncolata, Sarcidiorne;
(E) Knob-billed Duck;
(S) Calool gur (B. G.: ‘Alole ğur o ğir); BAAL MEDOW (B. G.: Bal medow); Uur uurei (Benaadir: Ür ūrei)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murmure
-ha: (magac, lab, keli) cad jiidh ishin ah oo la yaryareeyo oo inta subag lagu shiilo muqmad laga dhigo. Dh: oodkac, luqmad, muqmad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
murmure
murmure, n.m. - gungunuus; gunuunucid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nurture
/nerjar/ (v) korin (bar-baarin). nut/nat/ (n) 1. lafta miraha ku dhex jirta 2. daloolka boolku ku xirmo 3. qof yara waalan (maskax khafiif ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urre
m.l Aboorka kiisa labka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urre
-ha: (magac, lab, keli) aboorka kiisa lab. Urraha ayaa wax dhisa oo difaaca aboorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urur
1. (Urur-ka) Dad badan oo meel isugu yimaada; kulan; shir; isu'imaad.
2. (Urur-ka, Urur-ta) Xiddigaha u dhexeeya listan iyo cadaad; lixo; laxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urur
urur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.
urur²: m.l (-rro, m.dh) 1. (kiimika) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiimika) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.
urur³: m.dh Xiddigo dhawr ah oo meel isugu yimaada oo isla socda.
urur⁴: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley tiro badan meel isugu imaansho. la-mid: urursan¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urur
urur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Seddax horimood oo ciidan ah. 2. Dad aragti siyaasadeed ku midoobay. 3. Tiro isku wax ka hadlaysa oo is buuxinaysa.
urur²: m.l (-rro, m.dh) 1. (kiim.) Marka la eego tusaha falgalka curiyayaasha, waa tax curiyayaal ah oo kiimika ahaan isu'eg lehna ratibaad elektaroonikaad oo isu'eg. Ururku waa curiyayaasha joog u taxan ku wada jira ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Marka la eego kiimikada orgaanikada ah, waa atam ama koox atamyo ah oo xukuma astamaha gaarka ah ee molikiyuulada ku wada jira bah gaar ah. 2. (kiim.) Ururinta walxo nooc kasta leh. Walxaha sameeya urur waxa lagu magacabaa kutirsaneyaasha ama xubnaha urur.
urur³: m.dh Xiddigo dhawr ah oo meel isugu yimaada oo isla socda.
urur⁴: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley tiro badan meel isugu imaansho. m.f.dh, ururid. la-mid: urursan¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Urur
Cluster
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Urur
Set
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
urur
m. n. meeting, assembly, gathering; organization, federation; union, association; group, set {mathematics}; battalion
urur v. assemble, meet; accumulate, gather
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
urur
-ka: (n) organization (or-gana-zeey-shin); union (yuun-yan); association (a-soo-si-yeey-shin); club (kalaab); league (liig)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Urur
Organizzazione
Organization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urur
(fal) (soo ~) kulan; isu'imaw. Dadow, berri isku soo urur.
urur -ka: (magac, lab, keli) hey'ad kulmisa dad siyaasad ahaan is ku mabda' ah oo astaan lagu garto leh. Ururro badan baa la furtay markii doorashadii soo dhowaatay.
urur -ka: (magac, lab, keli) kulan iyo isu'imaad weyn; meel dad badani ku soo ururo. Urur iyo salaw baa ka jiray tuuladii saaka. Dh: kulan; isu'imaad
urur -ka: (magac, lab, keli) xiddigo toddoba gaadhaya oo u dhexeeya listan iyo cadaad. Laxaha iyo ururkii haddaan eegay labadiiba. Dh: ido, laxo.
urur -ta: (magac, dhedig, keli) magaca goodirka dhedig, kolka uu ishinka yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. la-mid: aruuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ururi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax meel isugu keenid. 2. U u.: kaalmo cid la siinayo dad kala duwan uga qaadid. m.f.dh, ururin. la-mid: aruuri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ururi
v. collect, gather, cause to assemble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ururi
-yey / say: (v) gather together; bring together; collect (ko-lakti); pick up (pik ap)~aruuri Ex: uruuri koobka jajabay; pick up the broken pieces of glass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ururi
(fal) wax kala daadsan meel isugu keen. Abaadirow, soo ururi caashaqa!
ururi: (fal) wax kala daadsan ama kala fog, meel isugu keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ururi
de: collect, gather, cause to assemble
initial: u
lx: ururi
pd: (ururiyey)
ps: v2a=tr
key: ururi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruur
f.mg1 (ray, -rtay) la-mid: aruur².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
usure
usure, n.f. - duugnimada dharka.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
armure
armure, n.f. - Hu' ama dahaadh bir ka samaysan oo difaaca loo xidho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ordure
ordure, n.f. - qashin; wasakh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
unsure
/an shuur/ (adj) aan-hubin (aan ku kalsoonayn).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
urlare
v.intr. - qaylin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
urtare
v.tr. - hardin, ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruuri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: aruuri.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
courbure
courbure, n.f. - Qalloocin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
fourrure
fourrure, n.f. - dhogorta xayawaan gaar ah sida bisadaha, bakaylaha iwm.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
murmurer
murmurer, V. - hoosta ka gunuusid; hadal hoos u dhigid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tournure
tournure, n.f. - hab fiican oo wax loo sheego ama loo hadlo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uruuriye
-uruuriyaha: (n) collector (ko-le-ktar)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
URUURIYE
Riscuotitore
Collector
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
brûlure
brûlure, n.f. - Gubidnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burburi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. la-mid: bururi (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
burburi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax is haystay cadad yaryar u kala jejebin. m.f.dh, burburin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burburi
v. crumble, break, crumple; demolish, destroy, ruin, wreck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burburi
-yey / say: (v) destroy (distarooy); smash (ismaash); break something into pieces; crumble (karambel) ~ jajabi, kharib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burburi
(fal) kala daadi, kala furfur. Burburi baaddilka xaqana dhis. Dh: jajabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burburi
de: crumble, break, crumple; demolish, destroy, ruin, wreck
lx: burburi
pd: (burburiyey)
ps: v2a=
key: burburi
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Culture
Beerid
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
culture
(n) (m) the growing of microorganisms in a small dish.
saxan yar ayaa lagu abuuray jeermis si u taarmo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
culture
/kaljar/ (n) 1. dhaqan (n) 2. abuurista-jeermiska (n) 3. barbaarin.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Culture
Dhaqan, hiddo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
culture
culture, n.f. - Dhagan; aqoon; abuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
curcuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhudhun wax ku cabbirid. m.f.dh, curcurin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
curvare
v.tr. - qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduri
durduri: f.mg2 (-iyay, -isay) Biyo si joogto ah oo aan kala go' lahayn u socosho.
dųrduri: f.mg2 (-iyay, -isay) Si culus u ordid (geel); baabbacayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduri
v. cause to flow; make run, stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durduri
-yey / say: (v) run (ran); stampede (istaam-piidy run by galloping, cantering (kaante-ngr)-, trotting (taroot-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduri
(fal) tirfatirfee oo sida qaalin dheregtey u roor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduri
de: cause to flow; make run, stampede
lx: durduri
pd: (durduriyey)
ps: v2a=tr
key: durduri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduro
°(Durdura-da)
Orod culus oo xooluhu ay u ordaan, kolkay barwaaqaysan yihiin oo ladan yihiin; orod-cayaareedka xoolaha; baabbaco; birinbirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduro
dųrduro: m.dh Orod xawli ah oo geela iyo wixi lamida ordaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduro
f. n. running ~ gamboling (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durduro
-durdurada: (n) running (ran-mg); galloping (gaalaping)-, cantering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduro
-da: (magac, dhedig, keli) orodka geelu ordo marka uu caleenta iyo barwaaqada ka dhergo. Durduro geel baa ku jaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduro
de: running ~ gamboling (of animals)
lx: durduro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: facle
key: durduro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durfule
-ha: (magac, lab, keli) xayawaanka cayngalka ah ee baydada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durruje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Nooc quraca waaweyn ka mid ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
friture
friture, n.f. - shiilid; dubid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furfuro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furfuro
f.g/mg3 (-rtay, -ratay) 1. (f.g) Wax xubnihii uu ka koobnaa u kala baxsasho. 2. (f.mg) Tolmo duntii isu haysay ka furasho. 3. (f.mg) Wax xubnihii uu isugu jirey u kala bixid. m.f.dh, furfurasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furfuro
v. come untied, loose ~ apart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furfuro
(magac, lab, keli) farax oo bulshee.
furfuro: (fal) wax xidhxidhan, kala baxbaxso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furfuro
de: come untied, loose ~ apart
lx: furfuro
pd: (furfurtay)
ps: v3b=pl
key: furfuro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gerçure
gerçure, n.f. - qolofta bishimada ka kacda qabow awgi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gravure
gravure, n.f. - loox ama dhagax wax lagu dhexgoro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Huruuse
name-m black; darker
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mercure
mercure, n.m. - Curiye; macdan bir ah oo misna (had iyo jeer) dareere ah; qalabka kulbeegga baa ku shaqeeya iwm. (calaamad: Hg)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
morsure
morsure, n.f. - qaniinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murmuro
-ha: (magac, lab, keli) eeg murmure.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nervure
nervure, n.f. - Feedh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parjure
parjure, n.m. - dhaar been ah ama dhaar aan la fulin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
perjure
/perjar/ perjury; (v) hadal been ah ku dhaarasho (siiba maxkamad horteed been ka sheegid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
perjure
(yourself), v.tr., been ku dhaaro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
procure
/prowkyuur/ (v) 1. helid (kasbasho; wax dadaal lugu helo) 2. u fataalid (u ruuf-yaamid; ama naag u keenid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
procure
v.tr., hel.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
purgare
v.tr. - qarasbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurquri
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore si dhaqso ah u cabbdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qurquri
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore si dhaqso ah u cabbdi. m.f.dh, qurqurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurquri
v. drink off in one draught
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurquri
-yey / say: (v) swig (isweeg); gulp (goolp); especially drink liquid in great gulps
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurquri
fal) dareere si degdeg ah oo aan neefsasho lahayn u cab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurquri
de: drink off in one draught
lx: qurquri
pd: (qurquriyey)
ps: v2a=tr
key: qurquri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurquro
(Qurqura-da)
Liqid badan oo isdabajoog ah, oo aan afka weelka laga qaadin, oo wax loo cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurquro
m.dh 1. Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. la-mid: qurqurin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurquro
f. n. one gulp ~ single draught
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurquro
-qurqurada: (n) swig (isweeg); draft (dharaaft); deep draft, especially of liquid swallowing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurquro
-da: (magac, dhedig, keli) in yar oo dareere ah oo la qurquriyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurquro
de: one gulp ~ single draught
lx: qurquro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qurquro
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
rupture
(n) forcible tearing or disruption of tissue; a hernia.
qarax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rupture
/rapjar/ (n) 1. kala-jab (dillaac), 2. sheelo (eeg hernia).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rupture
rupture, n.f. - kala jajabid; kala jabin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rupture
n., (hernia) doxniin, -ti.