uqle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uqle
-ha: (magac, dhidig, keli) min ka mid ah minanka faalka. Haddii la dhigo oo uu soo hadho wuxuu u daran yahay nin daranyo hayso. Nin wax haystana wadkii weeyaan. Dh: cuqleh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqle
-ha: (magac, lab, keli) min ka mid ah minanka faalka. Dh: uqle.
cuqle-ha: (magac, lab, keli) qof cadho iyo xumaan badan oo aan cabasho kala joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqle
m.l la-mid: Muqlay; muqlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqle
m. n. resin producing tree species; resin of such a tree
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUQLE
(Muglai) C, NFD, 0g, May, S Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.
C, N Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
N Commiphora trucata Engl. Burseraceae.
C Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqle
-ha: (magac, lab, keli) cudur shilin la yidhaa oo xoolaha ku dhaca oo ay dhici karto in shilin qaniintayi sababto, Dh: shilin, shilinow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqle
a: muqlay
de: resin producing tree sp.; resin of such a tree
lx: muqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: muqle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suxal
-ka: (magac, lab kali) xiddig faaliyuhu u adeedsado faalka oo naxsi ah, Uqle iyo Inkays buu na leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumar
-ka: (magacwadareed) dadka inta dhedig. Dumar iyo haween baa nolol lagu hawaystaa.
dumar -ka: (magacwadareed) qayb ka mid ah minanka faalka, waana afar min oo kala ah: Minsubagle, Inkays, Bayaad iyo Uqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uhle
-ha: (magac, lab, keli) cudur geela ku dhaca. Uhle ayaa haya geela sannadkan. Dh: uh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqley
-da: (magac, dhedig, keli) shinbir weyn oo hilibkeedu la mid yahay ka gorayada. Juqlayda indhaheedu way wareegaan oo hore iyo dib ba wax bay ka aragtaa.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MUQLEY
Boswellia microphylla 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuqle
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqle
(Biqla-ha)
(gammaan) lugaha danbe oo wax lagu haraatiyo; biibbiile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqle
m.l 1. la-mid: biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. la-mid: biqlo. Sarreen magooliyay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biqle
m.l 1. la-mid: biqlayn. Haraati iyadoo labada addin ee dambe oo wada jiraan dameeruhu gadaal wax ugu dhuftaan. 2. la-mid: biqlo. Sarreen magooliyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biqle
m. n. backwards kick (of a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biqle
-biqlaha: (n) backward kick of an animals, especially donkey or horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biqle
-ha: (magac, lab, keli) labada lugood ee dambe oo wadajira oo wax lagu haraatiyo. Biqle dameer nin leh ma jabshee nimaan lahayn buu jebiyaa. Dh: biibiile.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biqle
de: backwards kick (of a horse)
lx: biqle
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: biqle
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Budle
nickname-m club, cudgel; lit: he who is in the habit of carrying a club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budle
magaca ama naanaysta wiil dagaal badan oo dadka laaya oo badanaa bud wata.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bugle
/bagal/ (n) turunbada ciidamada (loo dhawaajiyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bugle
/bagal/ (n) turumby. build/bild/ (v) dhisow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugle
-ha: (magac, lab, keli) geedgaab ka baxa buuraha markuu dhulku barwaaqada yahay miro buurbuurana bixiya oo ay ciyaalku ku ciyaaraan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bugle
bugle, n.m. - Bililka ama Turuumbada ciidammada loo afuufo
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUULE
(Bule) S,C Dasysphaera robecchii Lopr., Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufle
m.l Marka sabuulka galleyda ama meseggadu aysaan iniinyahoodu waaweynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugle
m.l Nafley caato ah oo tabardaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulle
-ha: (magac, lab, keli) ul dheer oo suun amaba xadhig ku xidhan yahay oo lagu kaxeeyo dibida marka beerta lagu qodayo. Dh: shaabuug.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dulle
Soofe ka tirsan soofeyaasha birta lagu soofeeyo ee ah bog la'aan duuban oo isku wada siiban afkana usii dhuubta oo lagu soofeeyo duleellada birta ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunle
-ha: (magac, lab, keli) marada dunta ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duqee
f.g/mg2 (-qeeyay, -qeysay) 1. (f.g) Hub culus meel ku garaacid. 2. (f.g) Wax burburin. 3. (f.mg) Kharabid (matoor). 4. (f.mg) Ka d.: arrin oday ka noqosho. m.f.dh, duqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duqee
v. hit, crash, run over; pound, knock; annoy, criticize negatively; attack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqee
-yey / duqeysay: (v) 1. collide (kolaaydhy crash (karaashy make a dent in. 2. bombard (bam-baardh); attack with bombs, shells, or missiles ~ rushee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqee
(fal) madaafiic meel ku garaac.
duqee: (fal) meel ama wax kale, jiidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duqee
de: hit, crash, run over; pound, knock; [ext.] annoy, criticize negatively; attack
lx: duqee
pd: (duqeeyey)
ps: v2b=
xe: The plane crashed into ( ~ attacked) the statue.
xv: Diyaarad baa duqeesey taalladii.
key: duqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duule
(Duula-ha)
1. Habaar-qabe; lala-tage; alla-qaad.
2. Ku colka duullaanka ah kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duule
duule: m.l (-layaal, m.l/dh) Qof dhibaato badan, dhallin yar.
dųule: m.l (-layaal, m.l/dh) Col; qof dųulaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duule
m. n. aggressor, attacker, invader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duule
ama Duulaan, wiil dhashay xilli uu aabihii duullaan tegayay ama ku maqnaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajaynayo in uu noqdo mid duula oo cadawga weerara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duule
de: aggressor, attacker, invader
lx: duule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqre
-ha: (magac, lab, keli) eeg fukhre.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuule
(Fuula-ha)
1. Docda fardaha laga fuulo.
2. Kan fuulaya ama fuula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuule
m. n. rider, horseman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuule
-ha: (magac, lab, keli) dhinaca ama docda fardaha laga fuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuule
de: rider, horseman
lx: fuule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fuule
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucle
(Gucla-ha)
Orod; xusulduub; rucle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucle
m.l Orod gaaban. la-mid: rucle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gucle
vl. n. slow running, jogging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gucle
-guclaha: (n) slow, steady running; jogging (jaaging) ~ rucle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucle
-ha: (magac, lab, keli) orod gaaban oo aan xowli dheer lahayn laguna daalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gucle
de: slow running, jogging
lx: gucle
pd: (/ha)
ps: vn-m
key: gucle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
guile
/gayl/ (n) khatal (siiba si xeelad leh loo sameeyo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
guile
(see cheat).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guule
name-m giver of victory; God (pagan name)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
huile
huile, n.f. - saliid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqle
(Jaqla-ha)
Cudur maqasha laaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqle
m.l Cudur maqasha laaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaqle
m. n., [collective] fatal disease of goats
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqle
-ha: (magac, lab, keli) cudur maqasha ku dhaca oo dila. Jaqle ayaa maqasha haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaqle
de: fatal disease of goats
lx: jaqle
pd: (/ha)
ps: n0-m-col
key: jaqle
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jugle
Puse
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax caarad fiiqan leh wax ku mudmudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax caarad fiiqan leh wax ku mudmudid. m.f.dh, juqayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juqee
v. poke, tap (with finger ~ stick); provoke, stimulate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juqee
-yey / juqeysay: (v) jab or poke with a pointed object repeatedly; poke (pow&); jab (jaab); prod (paroodh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqee
(fal) wax caaro yuuban leh, ku mudmud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juqee
cf: mud, shuqee
de: poke, tap (with finger ~ stick); [ext.] provoke, stimulate
lx: juqee
pd: (juqeeyey)
ps: v2b=tr
key: juqee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqle
m.l la-mid: maqli (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqle
m. n. fry pan; sauted meat recipe (liver ~ meat with spices fried in fat ~ ghee)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqle
-ha: (magac, lab, keli) weel jaandi ah oo ballaaran oo hareeraha soo laaban oo dabo dheer oo la qabto leh oo wax lagu shiilo. Magle soo qaad oo beerka innoo shiil. Wa: maqlayaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqle
a: maqli
de: fry pan; [ext.] sauted meat recipe (liver ~ meat with spices fried in fat ~ ghee)
lx: maqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: maqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muqlo
(Muqla-da)
Shilinta qaniinyadeedu, cudurka ay keento; shilimmow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muqlo
m.dh 1. Cudur neefka socodkiisa miisaanka lumiya ama uu la dheeldheeliyo oo uu ka qaado shilin cuntay. 2.Shilinta qaniinyedeeda cudurkaa keento. la-mid: muqle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muqlo
f. n., [collective] disease carried by tick bites
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MUQLO
(Muglai) C, NFD, 0g, May, S Boswellia microphylla Chiov. Burseraceae.
C, N Boswellia neglecta S. Moore. Burseraceae.
N Commiphora trucata Engl. Burseraceae.
C Boswellia rivae Engl. Burseraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muqlo
-da: (magac, dhediq, keli) cudur shilin la yidhaa oo xoolaha ku dhaca oo ay dhici karto in shilin qaniintayi sababto. Dh: shilin, shilinow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muqlo
bw: shilin
de: disease carried by tick bites
lx: muqlo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: shilimmow
key: muqlo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nuque
nuque, n.f. - Tunka; luqunta gadaasheeda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
quale
agg. e pron. kee, tee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quble
(Qubla-ha)
1. Roob aan kicinna dhabna u di'in.
2. Neef tuman oo aan wax rimin; malloolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quble
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. la-mid: qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quble
m. n. soft, steady rain
quble m. n. castrated ~ impotent animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quble
-ha: (magac, lab, keli) lab xiniinyaha laga qu tumo ama laga saaro oo aan goodh ahayn. Dibi que quble ah ayaa beerta lagu godaa. Dh: mallooli, bohon. Li: qoodh.
quble-ha: (magac, lab, keli) roob aan si buuxda u di'in. Roobku waa quble oo weli aad uma curan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
QUULE
(Kule) NFD Acacia edgeworthii T. Anders. Mimosaceae.
NFD Acacia turnbulliana Brenan. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqle
(Raqla-ha)
(fardo) orod yar oo aan hardafka gaarin; saqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqle
m.l Orod tartiib ah oo gammaanku sameeyo. la-mid: ragle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqle
m. n. horse's trot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqle
-ha: (magac, lab, keli) orod yar oo aan hardaf ahayn oo farduhu ordaan. Raqle faras orod ma aha rahna biyo kama maarmo. Dh: saqle, kadle.
raqle -ha: (magac, lab, keli) orod iyo qaylo isku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqle
de: horse's trot
lx: raqle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: raqle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rucle
(Rucla-ha)
Orod yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rucle
m.l Orod aan la dheeraanayn oo dadku ordo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rucle
m.l Orod aan la dheeraanayn oo dadku ordo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rucle
m. n. jog, trot; slow run
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rucle
-ruclaha: (n) the act of jogging (joog-ging); running (ran-ning)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rucle
cf: gaalib
de: jog, trot; slow run
lx: rucle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: rucle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqle
(Saqla-ha)
(fardo) orod gaabiya (ama raqle).