uq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uq
m.dh la-mid: cuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uq
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cuq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
upgrade
/ap greydh/ upgrading; (v) kor-uqaadid; dallacsiin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
voluntary
/volanteri/ voluntarily (adv); (adj) 1. iskaa-ah, (ikhyaarkiisa qofku u sameeyo, ee aan lugu khasbin, lacag lagu siin iwm) (adj) 2. Iskaa-wax-uqabso.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Alzare
Kor uqaad
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cyphers
Sarbeeb-uqor
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Elevator
kor uqaade
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Incubator
Uqeeye
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Provision
Uqoondayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suxal
-ka: (magac, lab kali) xiddig faaliyuhu u adeedsado faalka oo naxsi ah, Uqle iyo Inkays buu na leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaldhac
-a: (magac, lab, keli) wanaag la isu taray oo aan la gudin. Abaaldhac uquubo ayuu dhalaa. abaaldhigad -ka: (magac, lab, keli) cid wax u tarid iyada oo abaal danbe mustaqbalka laga sugayo. Soomaalidii hore abaaldhigad bay lahayd. Dh: abaaldhigasho. Li: abaaldar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqdad
-da: (magac, dhedig, keli) xusuus dheeriya oo dhibaato hore u soo martay ama ku dhacday ay qof ku reebto oo saamayn weyn ku yeelata noloshiisa. Dh: uqdad.
cuqdad -ka: (magac, dhedig, keli) cidhiidhi ah oo qaad iyo mug yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuqle
-ha: (magac, lab, keli) min ka mid ah minanka faalka. Dh: uqle.
cuqle-ha: (magac, lab, keli) qof cadho iyo xumaan badan oo aan cabasho kala joojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxaadi
(fal) wax meel yaal ama weel ku jira. dusha sare ka yara qaadid.
dulxaadi: (fal) arrin hoos ha uqu dhaadhicin. Li: doox.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumar
-ka: (magacwadareed) dadka inta dhedig. Dumar iyo haween baa nolol lagu hawaystaa.
dumar -ka: (magacwadareed) qayb ka mid ah minanka faalka, waana afar min oo kala ah: Minsubagle, Inkays, Bayaad iyo Uqle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dul tumid, la dhicid. Dh: garaacis.
garaacid-da: (magac, dhedig, keli) dilid oo ul iwm la dhicid. Neefka garaacidda ka daa uqubo iyo aaqilo ayuu leeyahaye. Dh: ulayn.
garaacid -da: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho; ka adkaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matatarin
-ta: (magac, dhedig, keli) buur sinteed socod ku marid. Matatarinta waad ku kufiye kabo adag qaado. Dh: matataris.
matatarin -ta: (magac, dhedig, keli) si xoog iyo xeeladiba ka buuxda wax meel uqu cadaadin oo ka dusin. Taladu matatarin ayay u baahan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolee
(fal) dhukur oo moolo u yeel; timaha ka wada xiir oo madaxa idiin aan timo lahayn ka dhig. Ka moolee askariga cusub. Dh: moolay, dhukuri.
moolee: (fal) geesaha ka daadi. Dibiga geesaha ka moolee uqubadiisa Ilaahay ha kuu sahlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uquun
-ka: (magac, lab, kali) wax la cuno. Uquunkii buu iga hor joogsaday. Dh: urquun, quud.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
haussement
haussement, n.m. - kor uqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buq
(Buq-da)
1. Meel biyo ka soo burqadaan.
2. Ceel biyo badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buq
buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jooloji) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buq
buq¹: m.dh (-qo, m.l) 1. Meesha ay biyaha ka soo burqadaan. 2. Ceel biyo badan leh. 3. Hogaha shaxda midka dhexda ku beegan.
buq²: m.dh (-qo, m.l) 1. (jool.) Qulqul biyood joogto ama xilliyeed oo dhulka ka imaanaya, wuxuu samaysmaa marka biyaha roobku dhulka hoos u galaan ilaa bar gaar ah, halkaasoo ay ku ururaan aakhiritaankana ay kor u soo burqadaan. 2. (juqraafi) Loolalka dhexena waa xilliga jilaalka ku xiga, xiddigis ahaanna loo tixgeliyo inuu ku dhammaado kubbadbadhka woqooyi min caanomaallada isle'eg ee Guga (ilaa 21 maarso) ilaa hornaqa xagaaga (ilaa 21 juun).
buq³: f.mg1 (-qay, -qday) Biyo, neef, gaas iyo wixi lamida oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celinayay tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho. m.f.dh, buqid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Buq
Fountain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buq
v. burst, split
buq [feminine] n. source of a stream; spring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buq
(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqadha wax bud lagu dhuftay oo kale.
buq-da: (magac, dhedig, keli) il biyo ka soo burqdaan. Buqda ceelka biyaha ka soo baxaa harraad lagu daweeyaaye.
buq-da: (magac, dhedig, keli) ceel aad u af yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuq
(Cuq-da)
Dulfariisadka shinbiruhu ugaxdooda dul fariistaan oo u kululeeyaan taniyo inta ay ka dillaacaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuq
m.dh 1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. la-mid: uq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuq
m.dh 1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. la-mid: uq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuq
f. n. incubation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cuq
-da: (n) complex (kompalakis); repressed feelings or thoughts ~ cuqdad, cuqdo
cuq -da: (n) incubation (in ku bey shin); the act of egg hatching
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuq
-da: (magac, dhedig, keli) dulfadhiisadka ay shinbiraha ama digaaggu ugxantooda dul fashiistaan ee ay u kululeeyaan tan iyo inta ay ka dillaacayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuq
de: incubation
lx: cuq
pd: (-da)
ps: n0-f
key: cuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duq
1. (Duq-a) ) Nin fil weyn; waayeel; oday. b) Madax, taliye. c) Gaboobey.
2. (Duq-da) a) habar. b) (cayaar) foorad, dhibic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duq
duq¹: m.l (-qey/-qeyti, m.dh) 1. (-qow, m.dh) Qof da' weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay.
duq²: m.l Biciid dheddig oo curad ah.
duq³: m.dh 1. Haweenay da' weyn. 2. Foorad, dhibic (cayaar).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duq
m.l (-qey/-qeyti, m.dh) 1. (-qow, m.dh) Qof da' weyn. 2. (-qey/qeyti, m.dh) Qof bulsho madax u ah. 3. D. ah: wax gaboobay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duq
m. n. old man
duq m. n. elder, leader, chief; mayor
duq [feminine] n. old woman
duq [feminine] n. old female camel
duq [feminine] n. winning point (in game) {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duq
-a: (n) 1. elder (eldherf, chief (jiif) ~ odaga, madaxa.. 2. old man. 3. duq -da: (n) old woman ~ islaanta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duq
Vecchio; anziano
Old; senior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duq
-a: (magac, lab, keli) noole muddo dheer jirey. Dh: waayeel.
duq -da: (magac, dhedig, keli) ruux dumar ah oo da'weyn ama waayeel ah. Dh: habar. Li: dhoorray.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
duq
شیخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuq
(Fuq-a)
Afka labadiisa qalbac midkood; qal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuq
fuq¹: m.l (-qaq, m.l) 1. Labada daan oo afka midkood. 2. Wax, wax kale oo adag ka soo go'ay. 3. la-mid: fuqid.
fuq²: f.mg1 (-qay, -qday) Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fuq
f.mg1 (-qay, -qday) Wax, wax uu ka mid ahaa ka soo go'id. m.f.dh, fuqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuq
v. be yanked off ~ out
fuq m. n. jaw; front, face
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuq
-ay / day: (v) come apart, fall apart, fall off; break up (bareek ap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuq
(fal) «ka ~» go'; ruq.
fuq -a: (magac, lab, keli) afka labadiisa qalbac, midkood. Dh: gafuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huq
m.dh 1. Dareen xooggan oo murugo leh. 2. Uurkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huq
m.dh 1. Dareen xooggan oo murugo leh. 2. Uurkutaallo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huq
-da: (magac, dhedig, keli) saamayska kuddada ah ee naxdintu keento; naxdin degdeg ah. Dh: haq.
huq-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo caloolxumo. Dh: ciil. Li: farxad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juq
v. swallow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juq
(fal) ka hel oo aad ugu bog: isaga buseel oo caashaq xad-dhaaf ah u qab. Li: dhibso.
juq: (ereycodeed) tilmaama wax caaro yuuban leh oo meel lagu muday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juq
bw: juqsii
de: swallow
lx: juq
pd: (juqay)
ps: v1=
syn: dhunji, liq
key: juq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quq
(ereycodeed) hungaacada lagu tusmeeyo. Xalay oo dhan ayuu hungaaco quqda hayay Dh: haq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruq
ruq¹: m.dh R. ah: neef xoolo ah oo caato la kici waayay. la-mid: ruqo¹.
ruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruq
ruq¹: m.dh R. ah: neef xoolo ah oo caato la kici waayay. la-mid: ruqo.
ruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Geed wax xididdadiisu dhulka ka soo wada fuqeen noqosho. m.f.dh, ruqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruq
inch. v. be uprooted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruq
-ay / day: (v) uproot (ap-ruut); pull up from the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruq
(fal) fuq oo meel aad ku naban tahay ka go'. Dh: fuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruq
de: be uprooted
lx: ruq
pd: (ruqay)
ps: v1=inch
key: ruq