unuungooyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungooyo
-da: (magac, dhidig, kali) madax ka goyn neef amma aadame. Dadkii la laayay waa la wada unuungooyay. Dh: unuungoyn, kurgoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unuungooy
v., [compound] behead, decapitate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unuungooy
de: behead, decapitate
initial: u
lx: unuungooy
pd: (unuungooyey)
ps: v2a=cmp
key: unuungooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Nafley madaxa ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoo
(fal) noole madaxa ka goo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuungoyn
(Unuungoyn-ta)
Madaxa ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoyn
m.f.dh eeg unuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) noole madaxa kagoyn; nafta goyn. Dh: unuungooyo, dilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuungooy
v. cut someone's throat; take someone's means of sustenance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuungooy
de: cut s.o.'s throat; [fig.] take s.o.'s means of sustenance Alt sp: dhuungoo
lx: dhuungooy
pd: (dhuungooyey)
ps: v2a=tr
key: dhuungooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn. m.f.dh, dhuungoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoo
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha xidha oo loo dhinto.
dhuungoo -ga: (magac, lab, keli) qof bakhayl ah oo aan cidda u dhaw waxba siin.
dhuungoo-ga: (magac, lab, keli) qof wax gawraca oo xoolaha dhuunta jara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggooyo
(Luggooya-da)
Wax qof waqti ka lumiya ama faa'ido seejiya ama mihiya ama si kale dhibaato u gaarsiiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggooyo
m.dh Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. la-mid: luggoyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggooyo
m.dh Hagardaamo iyo dibindaabyo cid loo geysto. la-mid: luggoyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luggooyo
f. n. fruitless effort, waste of time
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luggooyo
-luggooyada: (n) vain (veeyri); without success; wild-goose chase ; futile effort
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Luggooyo
Perditempo
Waste of time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggooyo
-da: (magac, dhedig, keli) hantaaqid iyo wakhtilumin cid wax sugaysay loo geysto. Dh: hagardaamo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luggooyo
de: fruitless effort, waste of time
lx: luggooyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: luggooyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgooyo
m.dh Naf ka goynta cid nafta laga gooyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qurgooyo
-qurgooyada: (n) beheading; decapitating
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surgooyo
m.dh Nabar cid surka si xoog leh looga dhufto.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ARUUNDOOY
(Arundoi) S Erlangea centauroides (S. Moore) S. Moore. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoyn
m.f.dh eeg dhuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid oo dhuubta ka jarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoys
m.l (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaangooyo
(Jaangooya-da)
1. Wax la dhisi doono ama la toli doono ama si kale loo qorshayn doono, oo intaan la bilaabin la asteeyo oo la muujiyo qaabka loo yeeli doono, waxa ku bixi doona, kd.; qorshe.
2. Jaan; kar; sargoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaangooyo
m.dh 1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. la-mid: jaangooyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaangooyo
m.dh 1. Qorshe habaysan oo la raaci karo. 2. la-mid: jaangooyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaangooyo
n., [compound] plan, design; taking of a foot measurement to make shoes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaangooyo
-jaangooyada: (n) planning (palaaning)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jaangooyo
Progettazione
Planning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaangooyo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qaban doono ama la dhisi doono qaab u samayn. Jaangooyaa Jaabirow reerka loo jaraye. Dh: sargooyo. jaangoyn -ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhisi doono ama la tolaayo qaab u yeelid. Dh: sargoyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaangooyo
de: plan, design; taking of a foot measurement to make shoes
lx: jaangooyo
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: jaangooyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laangooyo
m.dh 1. la-mid: laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laangooyo
m.dh 1. la-mid: laangooyn. Goynta xilli abaar ah xoolo loo gooyo geedaha magoolay laamahooda. 2. Jaridda meel jiq ah laame laga jaro si loo maro. 3. Astaan lagu muujiyo jaho la aaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangooyo
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad rabtay in aad waddo ka samayso dhirta ku dhowdhow goyn ama jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qudhgooyo
-da: (magac, dhedig, keli) dil ama gawrac naf bixin ah; nafta ka saarid; qudha ka jarid. Haddii ay qudhgooyiyo, joogto qoorta soo dhigo, wallee gabay ma qurux tiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shangooyo
-da: (magac, dhedig. keli) ciyaar dhagameed laga ciyaaro gobollada Soomaaliyeed ee Itoobiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqongooyo
m.dh la-mid: boqnagooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqongooyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg boqnagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangooyo
m.dh Cid magan laga ballan qaaday u gooynteeda. la-mid: magangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuungorayo
m.dh la-mid: hamuungorgor.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuungorayo
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo olol ah oo aan cuntada lala sugi karin. Dh: hamuun, jiniinto.
hamuungorayo -da: (magac, dhedig, keli) qofka jecel inuu degdeg wax u cuno hamuumtiisuna ay badan tahay. Dh: haliilyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xuddun goobo
Center of a circle