unuungoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Nafley madaxa ka jarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoo
(fal) noole madaxa ka goo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unuungooy
v., [compound] behead, decapitate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unuungooy
de: behead, decapitate
initial: u
lx: unuungooy
pd: (unuungooyey)
ps: v2a=cmp
key: unuungooy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungooyo
-da: (magac, dhidig, kali) madax ka goyn neef amma aadame. Dadkii la laayay waa la wada unuungooyay. Dh: unuungoyn, kurgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gahlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dabasocodka boholyowgu ku jiro oo lala naqastuuro. Sidii giir lo'aad oo ilmaha laga unuungooyey, oo loo sido gandaalkiisii bay daba gahlaysaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuungoyn
(Unuungoyn-ta)
Madaxa ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuungoyn
m.f.dh eeg unuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) noole madaxa kagoyn; nafta goyn. Dh: unuungooyo, dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Nafley dilid; qurgoyn. 2. Cunaqabatayn. m.f.dh, dhuungoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoo
-ga: (magac, lab, keli) cudur cunaha xidha oo loo dhinto.
dhuungoo -ga: (magac, lab, keli) qof bakhayl ah oo aan cidda u dhaw waxba siin.
dhuungoo-ga: (magac, lab, keli) qof wax gawraca oo xoolaha dhuunta jara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuungooy
v. cut someone's throat; take someone's means of sustenance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuungooy
de: cut s.o.'s throat; [fig.] take s.o.'s means of sustenance Alt sp: dhuungoo
lx: dhuungooy
pd: (dhuungooyey)
ps: v2a=tr
key: dhuungooy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuun
(Unuun-ka)
1. Madax; kur.
2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta kasii xaraar oo laysku daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuun
m.l 1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unuun
m. n. head (including the neck)
unuun m. n. plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UNUUN
(Unoon) S, May Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
unuun
-ka: (n) head (heed) ~ kur, madax. Ex: laba nin baa Sacuudiga unuunka looga gooyey; two men were beheaded in Saudi Arabia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuun
-ka: (magac, lab, keli) geed u eg qaraha kase yar oo sidiisa u faalala oo qadhaad. Waa geed nagaadh wax lagu daweeyo. Dh: qaraddameeraad.
unuun -ka: (magac, lab, keli) jidhka inta ugu sarraysa ee ay dareemayaasha intooda badani ku yaalliin. Dh: madax, kur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungoo
(fal) shey cidhibtir oo tafiirtir. Dh: sayngoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuugmo
(Nuugma-da)
Nuugidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuugmo
m.dh la-mid: nuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuugmo
vl. n. suckling, act of sucking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuugmo
-da: (magac, dhedig, keli) jaqitaanka laftiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuugmo
de: suckling, act of sucking
lx: nuugmo
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nuugmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
urugoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Tiiraanyo dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urugoo
(fal) tiiraanyo dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuntoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Neef dheddig, lab orgeeya waayid. la-mid: guuntow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunsoo
(fal) qosol dhoolla caddayn ah oon weyneyn qosol. Kolkood qoslaysid afka ha waaxine muunsoo. Dh: muusood, dhoollacaddee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuxgoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Nafley nafta ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ruuxgoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Nafley nafta ka qaadid. m.f.dh, ruuxgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuxgoo
(fal) dil oo noole nafta ka goo; kaw ka sii. Ruuxgoo maska inta aanu ku qaniinin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unuun_1
cf: madax
de: head (including the neck)
hm: 1
initial: u
lx: unuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: unuun_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unuun_2
de: plant sp.
hm: 2
initial: u
lx: unuun
pd: (-ka)
ps: n-m
key: unuun_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunuf
unuunuf¹: m.l Af-ku-urursiga cunta yar oo dhulka daadsan afka lagu uruursado. la-mid: anaanuf¹
unuunuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Nafley cunto yar oo dhulka ku daadsan uruursasho. la-mid: anaanuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunuf
(fal) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka ururso.
unuunuf -ka: (magac, lab, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urqungo'
(fal) eray habaar ah oo la nuxur ah 'dhimo'. Dh: kadabgo'.
urqungo' -a: (magac, lab, keli) dhimashada oo tilmaan u ah in noolaha geeriyooday uu risiqiisii dunidu go'ay ama dhammaaday.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ARUUNDOOY
(Arundoi) S Erlangea centauroides (S. Moore) S. Moore. Compositae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunugnimo
-da: (magac, dhedig, keli) cunug ahaan; ciyaalnimo; carruurnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuungoyn
m.f.dh eeg dhuungoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuungoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid oo dhuubta ka jarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuungoys
m.l (taar.) Qalab ama aalad loo isticmaal ijiray in dambiilayaasha lagu surgooyo, gaar ahaan waxa laga isticmaali jiray dalka Faransiiska waqtiyadii hore.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruushoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Dhuxul noqosho (wax dab ku gubtay).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku hungow
v. be disappointed, wind up empty-handed, feel frustrated
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_hungow
a: hungoob
de: be disappointed, wind up empty-handed, feel frustrated
lx: ku hungow
pd: (hungoobay)
ps: v1=expr
key: ku_hungow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamuunyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qamuunyoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid. m.f.l, qamuunyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qamuunyoo
(fal) aad u murugoo oo isciilbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunso
(fal) mintid ama ku dadaal. Kutuntuunso shaqadaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuunufid
m.f.dh eeg unuunuf². la-mid: anaanufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuunufid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan calaf iyo cunto badan lahay, wax yar ka urursi.