unugwaalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unugwaalid
-ka: (magac, lab, keli) unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unug-waalid
m.l (-gyo ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Unugga ay ka soo farcamaan ama ka samaysmaan unugyada kale marka qaybsanka unugga dhaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

uugaabid
m.f.dh eeg uugaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamid
m.f.dh eeg uugaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo isku duuban meel isugu imaad oo marba dhinac u dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duggaalid
m.dh la-mid: duggaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruqmaalid
m.dh Shaqo gacmeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shagan sasho oo cudud ku meelmarid. Dh: shaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugaali
(fal) wax, dugsi ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaarid
(Ugaarid-da)
Ugaar dilid; soo qabasho, layn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarid
m.f.dh eeg ugaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo dabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaabi
(fal) cid kale guubaabi oo wax ku tirtirsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaami
f.g2 (-iyay, -isay) Geel in uu uugaan sameeyo ku kallifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaami
(fal) cid kale wax ku guubaabi. Dh: uugaabi, tirtirsii.
uugaami: (fal) xoolo urursan si degdeg ah u wad oo jahee. Uugaami adhiga oo u diid in ay kala leexleexdaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaagid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la jiritaankiisa la tirtirid, cayntiisa goyn. Dh: cidhibtirid, baabbi'in, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaalid
(Bulaalid-da)
Aad u tarmid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalid
m.f.dh eeg bulaal². la-mid: bulaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u tarmid oo isa sii dhaldhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigaalid
(Cigaalid-da)
Riddo dheer, ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigaalid
m.f.dh eeg cigaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo sharraxaad kale wax ku qurxin. Dh: shaqlid. cigaalid -da: (magac, dhedig, keli) riddo dheer, ridid. Cigaalida warmaha aad baan u aqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duggaali
f.g2 (-iyay, -isay) Ka d.: wax duggaal ka dhigid. la-mid: duggaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaalid
(Dumaalid-da)
Guursashada walaalku guursado afadii walaalki ka dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumaalid
m.f.dh eeg dumaal². la-mid: dumaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh nimaad xigto tihiin ka dhintay guursashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalid
m.f.dh eeg gulaal². la-mid: gulaal¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudaalid
(Kudaalid-da)
1. Faras aan la lahayn fuulid oo la cararid oo dhul fog la aadid.
2. Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudaalid
m.f.dh eeg kudaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulaalid
(Kulaalid-da)
Dab ama wax la mid ah oo kulul ag fariisasho, dhaxanta isaga bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaalid
m.f.dh eeg kulaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dab ama wax la mid ah oo kulul ag fariisasho oo dhaxanta isaga bi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kabo ragcad ku samayn. Kabatolahaasi nacaalidda si fiican ay u saaraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogaalid
(Rogaalid-da)
Rogaalcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogaalid
m.f.dh eeg rogaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Su'aalid
(Su'aalid-da)
Hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, cid u jeedin, kula hadlid; wax weyddiin; waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'aalid
m.f.dh eeg su'aal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'aalid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, weyddiin; ka waraysi; ka waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) guubaabin iyo tirtirsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg guubaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamin
m.f.dh eeg uugaami. la-mid: uugaamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wax ku guubaabin. Dh: uugaabin, tirtirsiin, uugaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugaamis
m.l la-mid: uugaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uugaamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg uugaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusaasid
-da: (magac, dhedig, keli) si hoose u dilid, uus-aasid baa lagu dilay adeerkay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubaalid
m.f.dh eeg buubaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duggaalin
m.f.dh eeg duggaali. la-mid: duggaalid, duggaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duggaalis
m.l la-mid: duggaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dullaalid
(Dullaalid-da)
Dad wax kala gadanaya oo laysu geeyo oo la dhex galo oo la heshiisiiyo oo wax laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaalid
m.dh la-mid: dąllaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaalid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo labo dhinac kala iibsanayaan, u dhaxayn oo dillaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqlaalid
m.f.dh eeg duqlaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgaalid
(Galgaalid-da)
(xoolo, kd.) galgaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgaalid
m.f.dh eeg galgaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgaalid
-da: (magac, dhedig, keli) naag ama neef aan dhalin, oo aad u cayila noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gungaarid
m.f.dh eeg gungaar². la-mid: gungaar¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugqaadid
m.f.dh eeg lugqaad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mugsaafid
m.dh (kiim.) Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mugsaafid
-da: (magac, dhedig, keli) hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga Milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartib ah looga soo daayaa mitimiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagraacid
-da: (magac, dhedig, keli) meel naq ka jiro u guurid. Naqraacid ayaanu halkan ku nimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuqsaamid
m.f.dh eeg nuqsaan². la-mid: nusqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuqsaamid
-da: (magac, dhedig, keli) intii la rabay ka dhinnaan ama ka gaabasho. Dh: nusqaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nusqaamid
m.dh la-mid: nuqsaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuunaasid
(Nuunaasid-da)
Hadal nuunaas ah ku hadlid; guryamid; gunuunucid; guraabbaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuunaasid
m.f.dh eeg nuunaas². la-mid: nuunaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuunaasid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal iyo diidmo ku gurxamid. Dh: duryamid, gunuunucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurwaayid
m.f.dh eeg qurwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) yeel iyo ujeeddo ama meel u qasdid. Dh: tiigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uus'aasid
-da: (magac, dhedig, keli) hoos u dilid; si qarsoon wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walwaalid
(Walwaalid-da)
Wax culus oo laallaada sidid; dandaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walwaalid
m.dh la-mid: waldaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax culus oo laallaada sidid. Dh: dandaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagmaalid
m.f.dh eeg xagmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duuflaalid
m.f.dh eeg duuflaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagwaayid
-da: (magac, dhedig, keli) tamar u waayid ama awood u waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalwaalid
m.f.dh eeg waalwaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalwaalid
-da: (magac, dhedig, keli) (is ~) qof waalan iska yeelyeelid.
waalwaalid -da: (magac, dhedig, keli) hareeraha qabasho oo wax culus qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantalaalid
m.f.dh eeg cantalaal². la-mid: cantalaal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudurdaarid
m.f.dh eeg cudurdaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudurdaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gef uu sameeyay, sabab lagu dhaafo u raadin; qof gef sameeyay, saamixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugunraacid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhanka dadku u kacaan u raacid. Dh: aameel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maleewaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mala'awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgugaafid
-da: (magac, dhedig, keli) hor iyo dabo qabasho oo xoog u tuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjuraafid
m.f.dh eeg qunjuraaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quuriwaayid
m.f.dh eeg quuriwaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuriwaayid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, huriwaayid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtagalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caqliga gali kara ahaansho. Hadal suurtagalid u dhaw ayaa uu nagu yidhi odaygu. Dh: hirgalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulraacid
(Ummulraacid-da)
Ummul ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulraacid
m.f.dh eeg ummulraac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulraacid
-da: (magac, dhedig, keli) ummul ku dhimasho. Ummulraacidda waxa keena dhiigla'aanta ama dhiigbaxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budhkummaalid
-da: (magac, dhedig, keli) budh lala dhaco keliya lagu maalo ama wax ku tara. Dh: budhkummaalis.