unug-dareenwade
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
unug-dareenwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unug-dareen-wade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Unug dheeraaday oo faracyo leh, kaasi oo ah halbeegga aasaaska u ah habdhiska dareenwadka, gaarna u ah gudbinta gujooyinka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
unug-dareendhaqaaq
m.l (-gyo ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Unug ama organ soo saara jawaab fisiyoolojyiyeed marka uu nashaad iyo guyo dareen wade. Tusaale: Muruqyada iyo qanjidhada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habdhis-dareenwade
m.l (-dayaal, m.l) (baay.) Habdhiska unugyada iyo nudaha xayawaannada unugyo badanleyda ahi ay ugu kala gudbiyaan wararka unugyada dareenka iyo organnada dhaqdhaqaaqa, sida, muruqyada iyo qanjidhada.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Unug Danyaal
Daniel cell
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoog-danabwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (fiisikis) (XDW) Keyd faraqa ugu weyn ee uu dhaliyo il-danab (sida baatari), una dhexeeya cidhifyada il-danabka. Xoogga danab wadidda isha danabka (baatari) waxaa si sahlan loo cabbiri karaa, marka aanu ku xidhnayn mareeg danab. Waxa lagu cabbiraa foolt (V).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xoog-danabwade
m.l (-dayaal, m.l/dh) (fiisikis) (XDW) Keyd faraqa ugu weyn ee uu dhaliyo il-danab (sida baatari), una dhexeeya cidhifyada il-danabka. Xoogga danab wadidda isha danabka (baatari) waxaa si sahlan loo cabbiri karaa, marka aanu ku xidhnayn mareeg danab. Waxa lagu cabbiraa foolt (v).