ummulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulid
(Ummulid-da)
Ilmihii uurka ku jirey ifka u soo saarid; dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulid
m.f.dh eeg ummul².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummulid
vl. n. child-bearing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ummulid
Maternità
Maternity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulid
-da: (magac, dhedig, keli) dhowaan dhalid, ilmihii uurka ku jirey, dhalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummulid
de: child-bearing
initial: u
lx: ummulid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: ummulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummuli
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo ka dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummuli
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo ka dhalin. m.f.dh, ummulin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummuli
v. deliver a baby; attend a woman in labor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ummuli
-yey say: (v) deliver (di-liiver); deliver a baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummuli
(fal) (ka ~) haweenay uur leh oo foolanaysa ka dhali; ilmaha uurka ku jira ka soo saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummuli
de: deliver a baby; attend a woman in labor
initial: u
lx: ummuli
pd: (ummuliyey)
ps: v2a=
key: ummuli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulin
(Ummulin-ta)
Ilmo ka dhalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulin
m.f.dh eeg ummuli. la-mid: ummulis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ummulin
-ta: (n) delivery (di-li-vari); parturition (paar-tuu-ri-shin) ~ dhalin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulin
-ta: (magac, dhedig, keli) haweenay foolanaysa ka dhalin. Ummulintii baa ku dheeraatay oo ay ku dhabiibtay haweeneydu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulis
m.l la-mid: ummulin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulis
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) eeg ummulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalid
(Dhalid-da)
1. Ummulid.
2. Ilmo ama carruur aabbe ama hooyo u noqosho.
3. Soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalmo
(Dhalma-da)
Wax dhalidda; ummulidda.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
parto
s.m. - ummulid (da), dhalid (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
partorire
v.tr. - ummulid, dhalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalis
-ta: (magac, dhedig, keli) caloosha ilmo ka soo saarid. Dh: dhalid, ummulid.
dhalis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhalin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enfantement
enfantement, n.m. - ummulidda; dhalidda
douleurs de l'enfantement - foolashada; xanuunka dhalidda
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enfanter
enfanter, v. - dhalid; ummulid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumbulid
f. n. mask; cover
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumbulid
de: mask; cover
lx: gumbulid
pd: (-da)
ps: n1-f
key: gumbulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbulid
m.f.dh eeg humbul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbulid
-da: (magac, dhedig, keli) qaab hilan oo kuusan u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummuliso
(Ummulisa-da)
Naag hawsheedu tahay inay haweenka ka dhaliso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummuliso
m.dh (-ooyin, ml.) Haweeney aqoon u leh sida loo dhaliyo naagaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummuliso
m.dh (-ooyin, ml.) Haweeney aqoon u leh sida loo dhaliyo naagaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummuliso
f. n. midwife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ummuliso
-ummilisada: (n) mid-wife (mid-waayf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummuliso
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney shaqadeedu tahay in ay dumarka ka ummuliso oo xannaanisa kolka ay foolanayaan. Labo ummuliso oo keli ah ayaa ka shaqeeya cisbataalkayaga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummuliso
de: midwife
initial: u
lx: ummuliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ummuliso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummuliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Nin yaqaan sida loo dhaliyo ummuliyo haweenka ummulaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umlid
m.f.dh eeg umal². la-mid: umashood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umlid
-da: (magac, dhedig, keli) ciil iyo cadho dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummul
(Ummu-sha)
Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummul
ummul¹: m.dh (-lo, m.l) Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Ilmo uur ku jiray dhalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummul
ummul¹: m.dh (-lo, m.l) Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Ilmo uur ku jiray dhalid. m.f.dh, ummulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummul
f. n. woman who has just given birth, during her period of seclusion after childbirth
ummul: v. give birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ummul
-ummusha: (n) new mother; recuperative period following delivery [childbirth]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummul
(fal) foolo oo ilmo dhal.
ummul -sha: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo dhowaan ilmo dhashay. Aamina waa ummul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummul_1
de: woman who has just given birth, during her period of seclusion after childbirth
hm: 1
initial: u
lx: ummul
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: ummul_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummul_2
cf: dhal
de: give birth
hm: 2
initial: u
lx: ummul
pd: (ummushay)
ps: v1=
key: ummul_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulan
(tilmaame) mid imika uun ummushay, mid mar dhow dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulow
(Ummulow-ga)
Cudur haweenka ummula ku dhaca; ummullaashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulow
m.l Cudur ku dhaca dumarka ummula.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummulow
m.l Cudur ku dhaca dumarka ummula.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummulow
m. n. disease of childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulow
-ga: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca ummusha nafaqadarro awgeed. Dh: ummulaashi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummulow
de: disease of childbirth Involves inflammation of the membrane of the mouth or the vagina
initial: u
lx: ummulow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: ummulow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulbixid
(Ummulbixid-da)
Ummul ahaantii ka bixid; afartanbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulbixid
m.f.dh eeg ummulbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulbixid
-da: (magac, dhedig, keli) afartanbaxa haweenay dhowaan ummushay. Dh: ummulbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maammulid
(Maammulid-da)
Si maammul leh ku wadid; agaasimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maammulid
m.f.dh eeg maammul². la-mid: maammul¹ (2), maamul¹, maamulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummulbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn. m.f.dh, ummulbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummulbixi
v., [compound] assist a new mother for the first 40 days
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ummulbixi
-say: (v) help new mother during recovery period following delivery, about 40 days
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulbixi
(fal) hooyo dhashay baxnaanaynteed inta ay afartanbaxayso. Ayaan la rarin reerka ee ha la ummulbixiyo marantida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummulbixi
de: assist a new mother for the first 40 days
initial: u
lx: ummulbixi
pd: (ummulbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: ummulbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusid
(Aammusid-da)
Hadal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusid
m.f.dh eeg aammus². la-mid: aammus¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dumaalid
(Dumaalid-da)
Guursashada walaalku guursado afadii walaalki ka dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumaalid
m.f.dh eeg dumaal². la-mid: dumaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumaalid
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh nimaad xigto tihiin ka dhintay guursashadeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxid
m.dh la-mid: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbulid
(Hunbulid-da)
Wax hunbulan ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama qaab hunbulan ama kuusan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kammilid
m.dh la-mid: kaamild.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamulid
m.dh la-mid: maammulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamulid
-da: (magac, dhedig, keli) maarayn oo meel taladeeda gacanta ku hayn oo kolba sida fiican ka yeelid. Maamulidda shirkadaha waaweyn waxa loo dhiibaa qof aqoon iyo waayo aragnimo leh. Dh: maamulis, maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudmudid
-da: (magac, dhedig, keli) meelo badan ka daldaloolin. Shiinuhu mudmudid ayay dadka ku daweeyaan. Dh: turturqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murmurid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib jarjarid oo yaryarayn. Dh: muqmadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulqulid
(Qulqulid-da)
Shubmid yar oo aan kala go'ayn oo biyaha dhulka korkiisa marayaa sameeyaan; (ama qolqolid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulqulid
m.f.dh eeg qulqul³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulqulid
-da: (magac, dhedig, keli) qulqul samayn. Qulqulidda biyaha jooji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumbulad
m.dh (-do, m.l) Bambo weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumbulad
m.dh (-do, m.l) Bambo weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qumbulad
f. n. bomb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumbulad
-da: (n) atomic bomb; hydrogen bomb (haay-darojiin-bamb); nuclear bomb ~ qunbulad, qumbulad duriyaha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qumbulad
bw: Arabic
de: bomb
lx: qumbulad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: qunbulad
key: qumbulad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulid
m.dh la-mid: qafilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulsulid
m.dh la-mid: sunsumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumburid
m.f.dh eeg tumbur. la-mid: tumburyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumburid
-da: (magac, dhedig, keli) tantoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulbax
(Ummulbax-a)
Naag dhashay oo afartan maalmood u dhammaato; afartanbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulbax
ummulbax¹: m.l Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummulbax
ummulbax¹: m.l Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho.
ummulbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho. m.f.dh, ummulbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummulbax
v., [compound] emerge from the period of seclusion after childbirth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummulbax
(fal) ummulitaankaaga ka dib, afartanbax.
ummulbax -a: (magac, lab, keli) dhammaadka afartanka casho ee ka danbaysa ummulitaanka hooyada. Dh: afartanbax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ummulbax
de: emerge from the period of seclusion after childbirth
initial: u
lx: ummulbax
nt: usually with feminine gender agreement
pd: (ummulbaxay)
ps: v1=cmp
key: ummulbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumburid
-da: (magac, dheddig, keli) fadhi hanbash ah oo jilbaha iyo gadhka la isku dhaweeyo fadhiisasho. Yumburidda ayuu aygu kaaga baydhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummuladoox
-a: (magac, lab, keli) qof marka colaadaha aan cidba dhaafin, xataa birimageydada sida haweenka uurka leh iyo ummusha. Dh: issirtir.
ummuladoox: (fal) colaad xun aawadeed, cid ba ha reebine, ummulaha na doox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummulbixin
(Ummulbixin-ta)
Naag dhashay ummulnimo ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummulbixin
m.f.dh eeg ummulbixi.