ultamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ultamid
(Ultamid-da)
Ulo ku cayaarid; ul isla dhicid cayaareed; ultan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ultamid
m.f.dh eeg ultan². la-mid: ulootamid, ulootan¹, ultan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ultamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ama xus ulaha la isku tumo; ulo isku garaacid; ulo ku ciyaarid. Ultamiddu waa ciyaar miyi oo aad u naxariis daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ultan
(Ultan-ka)
Ulo ku cayaarid; ul isla dhicid (cayaar); ultamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulootan
ulootan¹: m.l la-mid: ultamid.
ulootan²: f.mg1 (-amay, -antay) la-mid: ultan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ultan
ultan¹: m.l la-mid: ultamid.
ultan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Laba qof ama ka badan cayaar ulo yaryar laysla dhacayo ku tartamid. la-mid: ulootan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulootan
-ka: (magac, lab, keli) dad badan ama labo qof, ulo ki ciyaarid. Dh: ultamid.
ulootan -ka: (magac, lab, keli) ulo ku ciyaarid. Dh: ulootamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulootamid
m.dh la-mid: ultamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulootamid
-da: (magac, dhedig, keli) ulo ku ciyaarid. Dh: ultamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaamid
(Bulaamid-da)
Hadal bulaan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaamid
m.f.dh eeg bulaan². la-mid: bulaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hugmid oo hadal badan oo aan kala qeexnayn ku hadaaqid Nin buka bulaamid ma seego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulxamid
(Bulxamid-da)
Bulxan samayn, hadal farax iyo qosol leh, badin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulxamid
m.f.dh eeg bulxan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulxamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal faraxad leh ku hadlid. Bulxamiddu bilaash maahee waa farxad bilowgeede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cubtamid
(Cubtamid-da)
Cubtan dadka cayaara haya ku kala doorasho; (ama cugtamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubtamid
m.f.dh eeg cubtan². la-mid: cubtan¹ (2), cugtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xulasho ay dadka cayaarayaa cayaartoyda ku kala doortaan; wax kala doorasho. Dh: cugtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugtamid
m.dh la-mid: cubtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cukamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuntamid
(Cuntamid-da)
(u cuntamid) Cunto u noqon kara; u dhigmid; u qalmid; ku habboonaansho; istaahilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntamid
m.f.dh eeg cuntan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntamid
-da: (magac, dhedig, keli) u qalmid; habboonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqamid
m.dh la-mid: dalqamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntamid
m.f.dh eeg guntan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel guntan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulkamid
(Hulkamid-da)
(dab) shidmid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulkamid
m.f.dh eeg hulkan². la-mid: hulkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulkamid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidmid, bixid, hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltamid
m.f.dh eeg kaltan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltamid
-da: (magac, dhedig, keli) moogaysi, moogtan, meertaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miltamid
m.dh la-mid: mitamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yulqamid
(Yulqamid-da)
Hadal badan oo aan milgo lahayn tixid; bulxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yulqamid
m.dh la-mid: yoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yulqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oon milgo lahayn ku goohid. Yulqamid badani waa laqwi. Dh: hugmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wax kale la jaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxamid
m.f.dh eeg alxan². la-mid: alxan¹ (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
alxamid
-da: (n) welding (welding); soldering (soodering); brazing (bareyzing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxamid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dhalaalinta biraha iyada oo la adeegsanayo kulayl xoog weyn. Dh: laxaamadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitamid
m.f.dh eeg mitan². la-mid: miltan¹, miltamid, mitan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ortamid
m.f.dh eeg ortan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ortamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ortan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unkamid
m.f.dh eeg unkan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, bilaabmid; unug noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugtamid
m.dh la-mid: dhaqtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhoog ku tartamid. Dh: dhoogtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullaamid
m.dh la-mid: dillaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dullaamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid oo u wiliilsamid. Dh: ciirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalmid
m.f.dh eeg gulaalan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaalmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad rabtay ku hungoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaaqmid
-da: (magac, dhedig, keli) laaqmid iyo yalaalugood ay xanuun darteed calooshu samayso. Cunto aan nadiif ahayni hulaaqmid way keentaa.
hulaaqmid-da: (magac, dhedig, keli) dab, qiiqaabid; soo hurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugtamid
m.f.dh eeg tuugtan². la-mid: tuugtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugtamid
-da: (magac, dhedig, keli) baryootan: yaboohsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaagmid
m.f.dh eeg halaagan¹. la-mid: halligmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alxanmid
m.f.dh eeg alxaman¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alxanmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo cad iyo wax ka badan oo biro ah isku dhegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awtaamid
m.f.dh eeg awtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballamid
(Ballamid-da)
Wax isku ogaansho; ballan dhigasho: wacad isu gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballamid
m.f.dh eeg ballan². la-mid: ballan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballamid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl, shir ama wax kale, bal u qabsasho. Ballamid baynu isku ogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcamid
(Bilcamid-da)
Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcamid
m.f.dh eeg bilcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcamid
-da: (magac, dhedig, keli) bilcan noqosho Bilcamid ninkii doonayoow geel cas baad bixine. bilcan: (fal) gabadh, oori ka dhigo. Gabadh la la yaabay buu bilcamay. Dh: guurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaamid
m.f.dh eeg bitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaalid
(Bulaalid-da)
Aad u tarmid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalid
m.f.dh eeg bulaal². la-mid: bulaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u tarmid oo isa sii dhaldhalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulxamis
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal iyo qosol farxad ku dheehantahay samayn. Bulxamis badanaa maxaa loo sheegay duulka caawa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caytamid
(Caytamid-da)
Hadallo cay ah, la yiraahdo, la isdhaafsado; (ama caytan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caytamid
m.f.dh eeg caytan². la-mid: caytan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caytamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale hadallo cay ah ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqamid
(Dalqamid-da)
Hadal badan shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqamid
m.f.dh eeg dalqan². la-mid: dalqan¹ (2), dulqami, dulqan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqamid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi amal xummad darteed oo qofku war badan fiirsasho la'aan iska sheego. Xummaddu dalqamid bay qofka ku riddaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, dhinac u ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmarid
(Dulmarid-da)
Hadal dulmar ah ku hadlid; guudmarid; kormarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulmarid
m.f.dh eeg dulmar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulmarid
vl. n. over-flight, passing over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dulmarid
-da: (n) 1. the act of flying or passing over. 2. summarization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulmarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushiisa marid oo ka sarrayn. Dulmaridda xadhkaha korantadu waa halis.
dulmarid -da: (magac, dhedig, keli) hadal aan toos ahayn oo sarbeeb ah odhasho; hadal guudmar ah dhihid. Dadka waaweyni dulmaridda ayay wax ku fahmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulmarid
de: over-flight, passing over
lx: dulmarid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: dulmarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulqamin
m.f.dh eeg dulqami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan istaag lahayn. Dh: duryamid, dhawdhaw. Li: aamus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duryamid
m.dh la-mid: guryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falkamid
m.f.dh eeg falkan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fatahmid
m.f.dh eeg fatahan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahmid
-da: (magac, dhedig, keli) webi iyo wixii la mid ah, geerka sare dhaafid oo daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fillamid
(Fillamid-da)
Dhib ama hawl ama wax la bixina hayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid, dhabiiltamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fillamid
m.f.dh eeg fillan². la-mid: fillan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
footamid
-da: (magac, dhedig, keli) caanawadaag ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatamid
(Gaatamid-da)
Socod gaatan ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatamid
m.f.dh eeg gaatan². la-mid: gaatan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod gaarrin ah; aayar u socod. Dh: gaatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaamid
m.f.dh eeg galaan². la-mid: galaamis².