ulakas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakas
-ka: (magac, lab, keli) eeg ulakac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ulakac
(Ulakac-a)
Kas; maag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulakac
m.l.fk Samaynta fal kas iyo ogaal loo sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ulakac
intentional
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ulakac
v., [compound] do something deliberately, on purpose
ulakac: vl. n., [compound] deliberate act
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ulakac
-ah: (adj) deliberate (dili-bi-reeyt), intentional (in teen shanal); on purpose (on peer-pas) ~ kas -ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ulakac
Deliberato
Deliberate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakac
-a: (magac, lab, keli) wax badheed iyo ukas u samayn. Ulakac buu u falay denbiga loo haysto. Dh: ukas, bilcaani, maag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jacbur
(Jacbur-ka)
1. (suugaan) gabay ama wax la mid ah oo ulakas loo deelqaafiyo.
2. Wax si qaab xun isugu rakiban; wax gurracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ulakicid
(Ulakicid-da)
Iyadoo aan lagu gefin, kas iyo bareer wax ugu falid; ulakasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakasid
-da: (magac, dhedig, keli) ula'kicid wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laas
(Laas-ka)
1. Ceel yar.
2. (') Xariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laas
laas¹: m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) Ceel yar.
laas²: m.l (-sas, m.l/-syo, m.dh) (juqraafi) Bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laas
Oasis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laas
m. n. small well, water hole
laas m. n. silk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laas
-ka: (n) shallow hand-dug well
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laas
-ka: (magac, lab, keli) ceel gaaban oo inta badan meelaha daadmareenka laga qodo, cimri dheer na aan lahayn. Dh: mataan.
laas -ka: (magac, lab, keli) injiin aan qoris danbe lahayn oo laga soo laastay.
laas -ka: (magac, lab, keli) juqraafi ahaan, bed lamaddegaanka bartamahiisa ku yaal oo biyaha laga helo agtood bacrin ah.
laas-ka: (magac, lab, keli) dhar jilicsan oo qurxoon qaalina ah oo duntiisa ay samayso diirdiirxariireedu. Dh: xariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ukas
-ka: (magac, lab, keli) wax aan kama' ahayne, badheedh ah. Ukas buu qalinka iiga jebiyay Cali. Dh: bilcaani, badheedh. Dh: ogaan. Li: kama'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lagas
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lagas
-ka: (magac, lab, keli) (halbeeg) summadda (Lx.) halbeegga caalamiga (H.C.) ee lamahuraannimo 537 iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka hal luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lakab
(Lakab-ka)
In is-haysata oo fidsan oo isku qiro ah; baal; dabool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lakab
lakab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. In is-haysato oo fidsan oo isku qira ah; baal; dabool. 2. Ilig agtiisa ilig kale ka soo baxo.
lakab²: m.l (-byo, m.dh) (jooloji) Ha badnaado hase yaraadee waa lakab gooni ah oo dhadhaabeed, oo ka mid ah rasooyinka dhulka oogadiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lakab
lakab¹: m.l (-byo, m.dh) 1. In is-haysato oo fidsan oo isku qira ah; baal; dabool. 2. Ilig agtiisa ilig kale ka soo baxo.
lakab²: m.l (-byo, m.dh) (jool.) Ha badnaado hase yaraadee waa lakab gooni ah oo dhadhaabeed, oo ka mid ah rasooyinka dhulka oogadiisa.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakab
Rational
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lakab
Stratum
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lakab
m. n. layer, coat (of paint, etc.); overlapping tooth; stratum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lakab
-ka: (magac, lab, keli) joolaji ahaan, raso gooni ah oo dhadhaabeed, oo ka mid ah rasooyinka dhulka oogadiisa.
lakab-ka: (magac, lab, keli) wax balballaadhan oo is dul saarsaaran mid ka mid ah. Lakab ka sare ee malabka soo fuji. Dh: raso. Wa: lakabyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lakab
de: layer, coat (of paint, etc.); overlapping tooth; [ext.] stratum
lx: lakab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: lakab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lakad
-ka: (magac, lab, keli) qof dabeecad adag oo qandhadh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqas
-ka: (magac, lab, keli) huurada iyo calyo afka lagu yeesho. Dh: huuro, laqash.
laqas -ka: (magac, lab, keli) uskag iyo boodh fuula qofka socotoda ah ama caruurtu kolka ay ciyaaraan. Lagaska iska soo maydh. Dh: wasakh, boodh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Makas
(Makas-ta)
Dadka intiisa aan cilmiga iyo aqoonta badan lahayn; caamo; maangaab; jaahil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makas
m.dh.u 1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. la-mid: makasto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makas
m.dh.u 1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. la-mid: makasto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
makas
f. n. (adj.): ignorant person; dumb, stupid, childish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makas
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maati.
makas -ta: (magac, dhedig, keli) qof ciyaar badan oo dadka an waxba uga tudhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
makas
de: ignorant person; [atr.] dumb, stupid, childish
lx: makas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: makas
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u kas
v. do purposely, intentionally ~ knowingly; concede, allow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_kas
de: do purposely, intentionally ~ knowingly; concede, allow
initial: u
lx: u kas
pd: (kasay)
ps: v1=expr
key: u_kas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaas
(Ugaas-ka)
Nin tol u taliya; madax; garaad; wayeel; iimaan; wabar; islaan; beeldaaje.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaas
m.l Nin tol madaxnimadiisa loo caleemasaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugaas
m.l Nin tol madaxnimadiisa loo caleemasaaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaas
m. n. chief, king, sultan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ugaas
name-m chief; king; sultan; boss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaas
-ka: (n) chieftain (jiif-tan), tribal chief; clan or tribe chief ~ garaad, malaaq, islaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ugaas
ama Ogaas, magac loo baxsho wiil saansaanyihii madaxda leh oo la filayo ama loogu ducaynayo in uu noqdo hoggaamiye ummadeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaas
-ka: (magac, lab, keli) madaxdhaqameed beel u taliya oo qayb ka ah dhaqanka Soomaalida. Wil yar baa laga dhigay ugaas. Dh: suldaan, garaad, iimaan, wabar, beeldaaje, islaan, malaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaas
cf: boqor, malaakh
de: chief, king, sultan
initial: u
lx: ugaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: ugaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulays
m.l la-mid: ulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulays
-ka: (magac, lab, keli) ul ku garaacis; ul la dhicis. Ulayska ayuu wax ku maqlaa qofkii madax adagi. Dh: dhengedays.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Abakas
Abacus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg falakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg halakayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u la kac
v. do something deliberately ~ on purpose
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_la_kac
a: u kas
bw: sp: ulakac
de: do s.t. deliberately ~ on purpose
initial: u
lx: u la kac
pd: (kacay)
ps: v1=expr
key: u_la_kac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ulakac_1
de: do something deliberately, on purpose
hm: 1
initial: u
lx: ulakac
pd: (ulakacay)
ps: v1=cmp
key: ulakac_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ulakac_2
de: deliberate act
hm: 2
initial: u
lx: ulakac
pd: (-a)
ps: vn2a-m-cmp
key: ulakac_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakicis
-ta: (magac, dhedig, keli) badheedh wax u samayn. Ulakicis baa laga soo qaaday dilkii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alabbas
alabbas¹: m.l 1. Orod aan caadi ahayn oo baqdini ku jirto. 2. la-mid: alabbasid.
alabbas²: f.mg1 (-say, -stay) Orod aan caadi ahayn oo baqdin ku jirto samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alabbas
(fal) baxso oo cagaha wax ka day.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaas
alalaas¹: m.l 1. Mashxarad. 2. la-mid: alalaasid.
alalaas²: f.mg1 (-say, -stay) Mashxarad samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alalaas
m.l Mashxarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaas
(fal) qayli adiga oo carrabka lulaya; samee codka alalaaska. Dh: dalamee, damalee.
alalaas -ka: (magac, lab, keli) codka iyo qaylada carrabka la adeegsado ee xilliga farxadda. Dh: dalamo, damalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunacas
f. n. yellow-neck
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunacas
de: yellow-neck
lx: cunacas
pd: (-ta)
ps: n-f
key: cunacas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakay
(fal) figay ama fuudhafuudhay; cid kale, u xidh si adag oo ciqaab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fulayad
f. n. coward (female)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fulayad
-da: (n) coward woman [female]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fulayad
de: coward (female) Alt sp: fuleyad
lx: fulayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: fulayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golacas
m.dh 1. Nooc sagaarada ka mid ah. 2. Qorraxda galabnimo, gaar ahaan markay ugu kulushahay. 3. Dawaco khatar ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golacas
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc sagaarada ka mid ah.
golacas-ta: (magac, dhedig, keli) qorraxda galabnimo, gaar ahaan markay ugu kulushahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakan
Halka kan; kobtaan; meeshaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halakan
adv-loc: here, in this place
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halakan
a: halkan
de: here, in this place
lx: halakan
ps: adv-loc
key: halakan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakay
(fal) nabarro gaadhsii; aad u waxyeellee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mu'asas
m.l (-syo/-siin, m.dh) Fikrad urur aasaasta (cid).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mu'asas
bw: Arabic
de: founder, establisher
lx: mu'asas
pd: (-ka Pl: mu'asasiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: mu'asas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudakar
-ka: (magac,lab,keli) qof da'yar ha yeeshee xilkas ah oo waajibaadka iyo xuquuda yaqaan. Dh: xilkas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ula tag
v. take something away with oneself, go off with ~ carrying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ula_tag
de: take s.t. away with oneself, go off with ~ carrying
initial: u
lx: ula tag
pd: (tagay)
ps: v1=expr
key: ula_tag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulaaxis
m.l la-mid: ulaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulaaxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ulaaxin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ULO-CAS
(Ulaas) N Reseda migiurtinorum Chiov. Resedaceae.
C Curroria decidua Planch. Asclepiadaceae.
N Pistacia aethiopica Kokwaro. Anacardiaceae.
S Reseda oligomeroides Schinz. Resedaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulabajis
-ka: (magac, lab, keli) fule, ka cabsiin oo baqe gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulsamays
m.l (-lal ..., m.l) (fiisikis) Tamarta la sii daayo ama la nuugo marka hal mooloo iskudhis ahi ka samaysmo curiyayaasha uu ka koobanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulsamays
m.l (-lal ..., m.l) (fiisikis) Tamarta la sii daayo ama la nuugo marka hal mooloo iskudhis ahi ka samaysmo curiyayaasha uu ka koobanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulacyays
m.l la-mid: mulacyayn.