ulaaxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulaaxin
m.f.dh eeg ulaaxi. la-mid: ulaaxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) sidii neef wabaxsan u socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laaxin
(Laaxin-ka)
Hadal si aan toosnayn loo qoro ama loo kiciyo; gef; deelqaaf; qalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaxin
m.l Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laaxin
m.l Hadal siduu u dhawaaqi lahaa aan loo qorin ama loo akhrin; gef; qalad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laaxin
m. n. slip of the tongue, faux-pas, tactless remark; error, mistake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laaxin
-ka: (n) mispronunciation; the act of pronouncing badly or incorrectly ~ laxni, si khaldan ugu dhawaaqid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaxin
(fal) hawraar xeerar iyo shuruuc lagu akhriyo leh, sida Qur'aan, gabay iyo wixii la mid ah, si ka baxsan xeerka u dheh. Dh: deelqaaf, gef.
laaxin -ka: (magac, lab, keli) hawraar xeerar iyo shuruuc lagu akhriyo leh, sida Qur'aan, gabay iyo wixii la mid ah, si qalad ah u dhihid. Laaxin baa galay, beydka gabayga ah. Dh: qallooc, khalad. Li: sax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laaxin
a: laxni
de: slip of the tongue, faux-pas, tactless remark; error, mistake
lx: laaxin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: laaxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulaaxi
f.mg2 (-iyay, -isay) Sida neef caato ah oo biyo ka dhergey uu u socdo, u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulaaxi
(fal) sida neef caato ah oo biyo ka dhergey uu u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulaaxis
m.l la-mid: ulaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulaaxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ulaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxin
m.f.dh eeg mullaaxi. la-mid: mullaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxin
m.f.dh eeg aslaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) hagaajin iyo suubbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) ladnaan, raaxo iyo caafimaad qab. Bullaale keligi buu halkan bulaacin ku noolyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalin
m.f.dh eeg bulaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cida lo'da xilliga ay doog iyo biyo wanaagsan isku helaan. War maxaad sida dibida bunaaxinta la waddaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaabin
(Culaabin-ta)
Culaab u yeelid; culaabeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaabin
m.f.dh eeg culaabi. la-mid: culaabeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays dulsaarid. Dh: culaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubaaxin
(Dubaaxin-ta)
Boodboodid yaryar oo kolkol hilibku yeesho, siiba muruqyada; burunjiyeyn; jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubaaxin
m.dh la-mid: dibaaxin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubaaxin
-ta: (n) spasm (ispaa-sam); shivering (shever-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef la gawracay, dhaqdhaqaaq neefka markaa uun la bireeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taagan, dhinac u ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka caraysiin. Dh: hullaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islaaxin
m.f.dh eeg islaaxi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulaamin
(Qulaamin-ta)
Qof buka oo aan wax cabbi karin, afka qulaan ama qaaddo wax kula siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulaamin
m.f.dh eeg qulaami. la-mid: qulaamis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qulaamin
-yey (adj) spoon- feeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qulaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan cunto liqi karayn, caano iyo wax la mid ah afka kaga shubid. Dh: jalid, qulaamis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxin
m.dh la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala baxsan oo ballaadhan ka dhigid. Kubbadda iyo taayirku faaxintay wax ku taraan. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxin
(Gaaxin-ta)
(xoolo) goortii caanaha laga lisi jirey oo aan la lisin oo goor kaloo danbe lala sugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxin
m.f.dh eeg gaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) caanaha oo aan neefka hal caanomaal iyo in ka badan laga lisin ama laga nuugin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laakin
(Laakin-ta)
Erey xiriiriya labo tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddan yihiin ama tan danbe sheegeyso arrin kale, oo lagamamaarmaan ah oo meesha ku jirta, oo in la ogaado ama wax laga qabto u baahan; -se; illowse; ha'ahaatee; haseyeeshee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laalin
m.f.dh eeg laali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laamin
(Laamin-ta)
Badar karsamaya laan ku walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamin
m.f.dh eeg laami².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamin
-ta: (magac, dhedig, keli) badar karsamaaya, laan dhexmarmarin oo ku walaagid. Dh: laaqid, walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laaqin
(Laaqin-ta)
Heesid; luuqin; tuuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaqin
m.f.dh eeg laaqi. la-mid: laaqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laaqin
-ta: (magac, dhedig, keli) hees ku luuqayn; heesitaan. Dh: laaqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laasin
(Laasin-ka)
1. Suuqadda dumarku luqunta ku xirto, mid kamid ah.
2. Xuddunka tusbaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasin
laasin¹: m.l (-immo, m.dh) 1. Nooc ka mid ah siyaaqadda ay dumarku qaataan oo ka samaysan dahab ama lacag. 2. Raatibka tusbaxa.
laasin²: fk. la-mid: laasim².
laasin³: f.g/mg1 (-intay, -imatay; -imi) 1. (f.g) Wax caado ka dhigasho. 2. (f.mg) Meel muddo badan joogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laasin
m. n. kind of necklace; initial ~ final beads of a Muslim rosary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasin
(fal) caado ka dhigo oo si joogto ah u samee. Rag baa xumaha laasimay intay lib isku moodaane. Dh: qaayib, caadayso, joogtee, joogtey.
laasin-ka: (magac, lab, keli) nooc hadhuudh ka mid ah oo yaryar. Gabarayga iyo laasinka kee bixi og?
laasin -ka: (magac, lab, keli) hadhuudhka, marxaladda ugu danbaysa ee uu soo maro inta aanu dhalin.
laasin -ka: (magac, lab, keli) xuddunta tusbaxa.
laasin -ka: (magac, lab, keli) kuul dumarku qoorta gashado ama suuqyada dumarku luqunta ku xidho, mid ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laasin
cf: tusbax
de: kind of necklace; initial ~ final beads of a Muslim rosary
lx: laasin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: laasin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaxig
m.l Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaxin
(Maaxin-ta)
Maax ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaxin
m.f.dh eeg maaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo intay soo maaxanayaan sugid. Laasku maaxin uma baahna oo biyo wuu leeyahay. Dh: maaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naaxin
(Naaxin-ta)
Wax naaxay ka dhigid; cayilin; shishlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shilis ka dhigid. Naaxinta xooluhu way wanaagsan tahay. Dh: shishlayn, cayilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilaalin
(Ilaalin-ta)
Raacid; dhawrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaalin
m.f.dh eeg ilaali.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilaalin
-ta:(n)l. the act of watching protection (pro-tak-shen); surveillance (sarveeylansi) ~ ilaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) amaan sugid. Dh: waardiyayn, eegid, dhawrid.
ilaalin -ta: (magac, dhedig, keli) eegid iyo fiiro foojignaani weheliso.
ilaalin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo raacid; xoolo jirid. Dh: raacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalixin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaadid ama tuugo aan waxba laga tegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fulabajin
-ta: (magac, dhedig, keli) waxyaalo fulayga cabsi geliya samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fullaacin
m.f.dh eeg fullaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fullaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax kala rujin oo kala soocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog u hunqaacid. Dh: hullaacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mullaaxis
m.l la-mid: mullaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef xoola ah oofasho ka kenid ama u diyaarin. Awrta baarqabka ahi halaha way kala abasaxin og yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaladin
m.f.dh eeg alaladi. la-mid: alaladsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhanbalidda qori isku yaalla. Dh: jeexid, dhanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arwaaxin
m.f.dh eeg arwaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arwaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, farxad gelin; cid kale ka farxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxid
m.f.dh eeg aslaax². la-mid: aslaax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) suubbanaan; mid suubban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxin
m.dh la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banaaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta cida lo'du samayso xilliga barwaaqada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaalid
(Bulaalid-da)
Aad u tarmid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaalid
m.f.dh eeg bulaal². la-mid: bulaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u tarmid oo isa sii dhaldhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulaamid
(Bulaamid-da)
Hadal bulaan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaamid
m.f.dh eeg bulaan². la-mid: bulaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaamid
-da: (magac, dhedig, keli) hugmid oo hadal badan oo aan kala qeexnayn ku hadaaqid Nin buka bulaamid ma seego.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) lo', ci' dheer ciyid. Bunaaxid dibiga markay dheregto weeyaane. Dh: bunaaxis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaaxis
m.l la-mid: banaaxiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bunaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Butaacin
(Butaacin-ta)
Biyo iyo wax la mid ah, meel xoog ugu sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butaacin
m.f.dh eeg butaaci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere fatahin, xoog u soo dayn, meel ku sii deyn. Butaacinta biyaha darkaa ku jaba. Dh: burqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku raamsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colaadin
(Colaadin-ta)
Sida colku isula dhaqmo, kula kicid; colaad ku samayn; xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colaadin
m.f.dh eeg colaadi. la-mid: colaadis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Colaadin
Inimicare
To make enemy of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida col isu la dhaqmid; colaad ku samayn. Dh: fogayn, xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culaysin
(Culaysin-ta)
Culays saarid; culays u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culaysin
m.f.dh eeg culaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaysin
-ta: (magac, dhedig, keli) culays saarid. Li: fududayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku wadidda dad jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibaaxin
m.f.dh la-mid: dubaaxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilaacin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dillaacin.