ugxankicin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugxankicin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaabka ay baalleydu u barbaariso ugacda illaa inta uu ilmuhu ka soo baxayo. Waa qaab nidaamsan oo ayaamo iyo farsamo u gaar ah leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huuris
-ka: (magac, lab, keli) cunto uumiga dabka lagu bisleeyo.
huuris -ka: (magac, lab, keli) eeg huurin.
huuris -ka: (magac, lab, keli) khudradda qaar ka mid ah oo inta meel lagu toomiyo la dedo si ay u bislaato.
huuris -ka: (magac, lab, keli) ugxankicinta baadleydu ku fadhiisato ugacdeeda.
huuris -ta: (magac, dhedig, keli) eeg huurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganniin
m.l la-mid: ganid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganniin
-ka: (magac, lab, keli) wax af yuuban leh, tuurniinkiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabkicin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab meel ka kicin oo ololin dab weyn. Dabkicinta kooraankaa u sabab ahaa sida la sheegay.
dabkicin -ta: (magac, dhedig, keli) dad nabad ku wada nool dhexdooda fidno ka kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manyicin
m.dh la-mid: mayicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqkicin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyadoo naq lagoostay mid kale ku guurid. Naqkicinta xooluhu way ku baraarshishiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandicin
(Qandicin-ta)
Qandac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandicin
m.f.dh eeg qandici. la-mid: qandicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandicin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax diirran ka dhigid. Qandicinta biyaha ku dhaqso. Dh: diirin kulaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugxanayn
m.dh (baayoloji) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugxanayn
m.dh (baay.) Sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugxanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sii daynta ugxanta ka timaada ugxansidaha. Unug ugxaneedka ku dhex koraya goonkiisa wuxuu tegaa ugxansidaha dushiisa; marka uu qaangaadho waxa laga soo daayaa goonka iyada oo lagu sii daynayo moqorka jidhka, halkaas oo laga gudbiyo marin ubxaneedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ulakicid
(Ulakicid-da)
Iyadoo aan lagu gefin, kas iyo bareer wax ugu falid; ulakasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakicid
-da: (magac, dhedig, keli) badheedh wax u samayn. Ulakicid dil waa denbi weyn if iyo aakhiro ba. Dh: ukas.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulakicis
-ta: (magac, dhedig, keli) badheedh wax u samayn. Ulakicis baa laga soo qaaday dilkii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakicin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, qaxooti ka dhigid oo dhulkoogii ka caymadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakicin
m.f.dh eeg niyakici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugxanside
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. (cilmiga naflayda) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (botani) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugxanside
m.l (-dayaal, m.l/dh) 1. (cilmiga naflayda) Organka taranka ee dheddigga xayawaanka kaas oo soo saara ugxanta. 2. (botani) Salka hulan ee kaarbalka ubaxa, kaas oo ka kooban hal ama in ka badan oo ugxan side yare. Bacriminta kaddib, derbiga ugxansiduhu wuxuu u koraa xagga midhaha isaagoo daboolaya iniinyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugxanside
-ha: (magac, lab, keli) orgaanka kaydiya ee ay ku qaan gaadhaan ugxantu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ultansiin
m.f.dh eeg ultansii. la-mid: ultansiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ultansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ultan ciyaarsiin, ultan u duqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalankicid
m.f.dh eeg dalankac². la-mid: dalankac¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamarkicin
m.dh (fiisikis) Tamarta ugu yar ee saxar, molikiyuul, iyo wixi lamida uu hanto ka hor inta aanu falgelin waa tamarta loo baahanyahay si falgal u bilowdo iyada oo aan la tixgelineyn in falgalku yahay kul qaate ama kul bixiye waxaa lagu asteeyaa summadda E.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turxaanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xumaan ah ama gef hore oo la kala tirsanayey iska dawmarin iyo is uurxaadhasho. Dh: xumabixin, cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudaankudin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagga hore u boodboodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamar-kicin
m.dh (fiisikis) Tamarta ugu yar ee saxar, molikiyuul, iyo wixi lamida uu hanto ka hor inta aanu falgelin waa tamarta loo baahanyahay si falgal u bilowdo iyada oo aan la tixgelineyn in falgalku yahay kul qaate ama kul bixiye waxaa lagu asteeyaa summadda E.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugxandhalid
m.dh (baayoloji) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugxandhalid
m.dh (baay.) Taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugxandhalid
-ta: (magac, dhedig, keli) taran ugxanta bacrinsani ay ku korto kuna dillaacdo marin ugxaneedka hooyada.