ugu xun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu xun
adj., [expression] worst
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugu xun
(adj) worst (woorast) ~ ugu liita
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugu_xun
de: worst
initial: u
lx: ugu xun
ps: adj-expr
key: ugu_xun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhi
m.dh (-iyo, m.dh) (botani) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rank
/raank/ (n) 1. garaado (darajo) 2. saf (safan).
rank and file/ dadka caadiga ah ee urur ama hay'ad ka tirsan (dadka inta aan madaxda ahayn).
rank: /raank/ (adj) 1. cufan (geed ama dhir si cufan u baxday) 2. ur ama dhadhan xun (aad u daran) 3. aad u xun (heerka ugu xun).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
worst
/werast/ (adj) ugu xun; ugu liita.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
peggióre
agg. - ugu liita, ugu xun.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
pèssimo
agg. - ugu xun, ugu liito.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mauvais
mauvais, adj. - si xun; qalad ah; si gurracan; si aan niyad ahayn (qofka) ugu xun; xumaanta ugu heer sarreeya; khalad aan sax ahayn; xumaan.
avoir mauvaise mine - Fahma darro; xanuun.
mer mauvaise - marka baddu kacsan tahay.
sentir mauvais - qudhmuun, ur xun.
Le Mauvais - xun; kharriban.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pire
pire, adj. - ugu xun; wax ka xumi uu san jirin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pis
pis, n.m. - naasaha (lo'da).
pis, adj. - aad u xanuun badan; ugu xanuun badan.
au pis aller - la maleeyo sida ugu xun.
de mal en pis. - marba marka kale ka daran.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
befall
(to happen to), v..; it befell me, wax baa igu dhacay; the worst that can befall me is to die, but I do not fear, waxa ugu xun ee igu dhaca (or dhici doona) waa mood, kase biqi maayo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
worst
a., ka wada xun, ugu xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurxun
f.mg4 (-xumaa, -xumayd) Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurxun
f.mg4 (-xumaa, -xumayd) Qof aan cidna sama ka filaneyn ahaansho. m.f.dh, uurxumaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul xun
Badland
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugukuun
(Sugukuun-ka)
Wax tiradoodu aad u yar tahay ama dhiciddoodu adag tahay; wax lagu diimo; dhif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugukuun
fk. Wax tiradoodu aad u yartahay ama dhiciddoodu adagtahay; wax lagu diimo; dhif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugukuun
m. n. rare item ~ event, scarce object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugukuun
(falkaabee) Wax tiradoodu aad u yartahay ama dhiciddoodu adagtahay: wax lagu diimo; dhif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugukuun
cf: dhif, ku diin
de: rare item ~ event, scarce object
initial: s
lx: sugukuun
pd: (-ka)
ps: n-m
key: sugukuun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu weyn
adj., [expression] biggest, greatest
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guun
(Guun-ka)
Qof filkiisu weyn yahay aanse laga garan, oo dhallinyaro la moodo; coon; hoosubbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guun
m.l/dh.kh Qof fil weyn oo aan da'du ka muuqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guun
m. n. dwarf, midget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guun
-ka: (n) 1. midget (mijit) ~ hoos u bax, coon. 2. person who looks younger than his age. 3. ancient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guun
-ka: (magac, lab, keli) inanka aan u guursan ee doobnimo ku gabooba.
guun-ta: (magac, dhedig, keli) gashaanti gabowday; inanta inannimo ku weynaata oo aan la guursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guun
de: dwarf, midget
lx: guun
pd: (-ka Pl: guunan (ka))
ps: n4-m
syn: coon
key: guun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubun
m. n., (mass n.): cheese
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubun
-ka: (magac, lab, keli) meel la gubay oo gubad noqotay oo dab maray. Gubun baad reerka soo dejisay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubun
bw: Arabic
de: cheese
lx: gubun
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: gubun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gucun
(Gucun-ka)
Daliig yar oo dhuuban oo qabo ah, ama argeeg ama mayrax kale, oo weelka, kd., lagu tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gucun
m.l.u (-mmo, m.dh) 1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iyo wixi lamida oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gucun
m.l.u (-mmo, m.dh) 1. Duub yar oo caw, argeeg, qabo iyo wixi lamida oo weelasha la tolayo meerisyada kor iyo hoos laga mariyo. 2. Gas yar oo ku hara weelasha la tolo oo laga jaro inta aan la xoolayn. 3. Cad dun ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gucun
m. n. thread used for sewing milk-vessels (etc.), made of fiber
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gucun
-ka: (magac, lab, keli) jeex yar oo caw ah; argeeg ama maydhax ah oo weelka lagu tolo. Gucunka masafku hadduu go'o meeriskaa furfurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gucun
de: thread used for sewing milk-vessels (etc.), made of fiber
lx: gucun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gucun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudun
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg gudimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gugun
-ta: (magac, dhedig, keli) xaajada marka lagu jiro ee la kala faqo. Dh: gebagebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxud
(Guxud-ka)
Caws yaryar oo ka baxa dhulka deexda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxud
m.l la-mid: goxod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guxud
m. n., [collective] low grass species, growing on soft ground in coastal regions
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxud
-da: (magac, dhedig, keli) cod isku xidhan samayn. Guxudda badan jooji oo kala jarjar codka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guxud
de: low grass sp., growing on soft ground in coastal regions
lx: guxud
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: guxud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxul
-ka: (magac, lab, keli) midab aanay waxba tarrixine oo midab qudha ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugxan
-ta: (magac, dhedig, keli) unug jinsiga dhedig ee noolayaasha taranjinsiga.
ugxan -ta: (magac, dhedig, keli) eeg ugac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unuun
(Unuun-ka)
1. Madax; kur.
2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta kasii xaraar oo laysku daweeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unuun
m.l 1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unuun
m. n. head (including the neck)
unuun m. n. plant species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UNUUN
(Unoon) S, May Citrullus lanatus (Thunb.) Matsum & Nakai Cucurbitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
unuun
-ka: (n) head (heed) ~ kur, madax. Ex: laba nin baa Sacuudiga unuunka looga gooyey; two men were beheaded in Saudi Arabia
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unuun
-ka: (magac, lab, keli) geed u eg qaraha kase yar oo sidiisa u faalala oo qadhaad. Waa geed nagaadh wax lagu daweeyo. Dh: qaraddameeraad.
unuun -ka: (magac, lab, keli) jidhka inta ugu sarraysa ee ay dareemayaasha intooda badani ku yaalliin. Dh: madax, kur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uquun
-ka: (magac, lab, kali) wax la cuno. Uquunkii buu iga hor joogsaday. Dh: urquun, quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuxun
(Dhuxun-ta)
1. Biyo ama wax kale oo leh dhadhan xaraar; kuraar.
2. Dhul dibir iyo dhano ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxun
dhuxun¹: m.l Dhagax gaar ah oo badanaa guduudan oo xanaf leh oo mindiyaha iyo wixi lamida lagu afeeyo; lisin.
dhuxun²: m.dh 1. Biyo ceel ama wax kale oo leh dhadhan xaraar. 2. Dhul dibir iyo dhano ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuxun
f. n., (mass n.): brackish water; any bitter liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxun
-ka: (magac, lab, keli) dhagax midabbo kala duwan leh oo macdanta ka mid ah.
dhuxun -ta: (magac, dhedig, keli) biyo ama wax kale oo qadhaadh.
dhuxun -ta: (magac, dhedig, keli) dhul cag'adayg dhanaan ah. Lo'du ha jeelbaxdee dhuxunta geeya. Dh: dhane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuxun
de: brackish water; any bitter liquid
lx: dhuxun
pd: (-ta)
ps: n2-f-mass
syn: kuraar
key: dhuxun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulxun
f.mg4 (-umaa, -umayd) Wax aan sabir lahayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulxun
Comp. adj., (ie. n., adj.): impatient, intolerant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxun
(tilmaame) qaab aan fiicnayn leh. Dh: foolxun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulxun
de: impatient, intolerant
lx: dulxun
pd: (dulxumaa)
ps: adj-cmp
key: dulxun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guggun
-ka: (magac, lab, keli) guux cadho ku jirto. Jannadii gudhoo geeljirkii wuu guggumayaaye, kolka daaqsiyow kala dareer duco laguu yeelye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurxan
(Gurxan-ka)
Ci gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa guhaad iyo wax doonis lug ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxan
gurxan¹: m.l Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iyo wixi lamida).
gurxan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gurxan samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurxan
gurxan¹: m.l Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iyo wixi lamida).
gurxan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Gurxan samayn. m.f.dh, gurxamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurxan
v. growl
gurxan vl. n. growl, roar, act of roaring
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gurxan
name-m growl, roar; the act of roaring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurxan
-ka: (n) animal noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gurxan
magac loo baxsho wiil oohin iyo geydh badan oo sida libaaxa u gurxama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurxan
(fal) hadal hoose oo guux ah samee.
gurxan-ka: (magac, lab, keli) hadal hoose oo guux ah laguna cabbirayo wax doonis. Dh: guraabaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guxuun
(Guxuun-ka)
Gamuux; gamuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guxuun
guxuun¹: m.l la-mid: gamuux¹.
guxuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) la-mid: gamuux².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guxuun
m. n., [abstract] bluntness
guxuun v. make blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guxuun
-ka: (magac, lab, keli) wax af dhuuban aanan lahayn; af gammuuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il xun
adj., idiom: in bad shape
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka xun
adj., [expression] be sorry; feel bad about something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luguun
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo dheecaan layiig ah leh oo carruurta uu ku dhaco xanuunka tufuhu ama hanada lagu daweeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
si xun
[adverbial] [expression] poorly, badly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xunxun
adj., pl. bad, evil, worthless (ones)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xunxun
de: bad, evil, worthless (ones)
initial: x
lx: xunxun
pd: (Sg: xun)
ps: adj-pl
key: xunxun
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu dun
v. organize, bring together; convince, convert
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu har
v. wind up with
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu yar
adj., [expression] smallest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugu yar
(adj) smallest (ismoo-lest); least (fast)-, minimum (mini-man) ~ ugu yaraan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
UGU YAR
Minimo
Minimum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugu badan
(adv) most (mowsf) ~ tirada ugu badan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
UGU BADAN
Massimo
Maximum