ugu sarreeya
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugu sarreeya
(adj) supreme (su-pi-riim); highest (haayst); superlative (su-peer-la-tiv)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorshaan
(Doorshaan-ka)
Cayayaan jaadad badan ah oo leh baalkoraad qolof ah, mid kamid ah. Wuxuu lee yahay afar baal oo kala korraysa oo kan ugu sarreeyaa qolof adag yahay, iyo lix lugood iyo qaar hore oo isagana qolof adagi ku gaashaaman tahay; xaarwalwaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamacad
(Jaamacad-da)
Dugsiyada wax laga barto kan ugu danbeeya oo ugu sarreeya oo doktoornimada markhaatigeeda laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madaxtooyo
(Madaxtooya-da)
1. Rugta madaxa ama taliyuhu fadhiyo.
2. Xafiisyada maammulka kuwa ugu sarreeya oo guddoommada waaweyni ka soo fulaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alluumiiniyam
m.dh (kiimika) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baabaha masiixiga
m.l (dii.) Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga; boobka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baari
baari¹: m.l 1. Culays, culaab. 2. la-mid: baariyid.
baari²: f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badidhace
badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biraha-alkaali
m.l (kiimika) Curiyayaasha ururka 1aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay dhammaantood ku leeyihiin hal elektaroon heertamarkooda ugu sarreeya. Waxay sameeyaan ayoonno togan oo xaaladdooda ogsidhayntu tahay I. Ogsaydhadoodu waxay ku milmaan biyaha si ay u sameeyaan alkaaliyo. Biraha alkali waa litiyam (li), soodiyam (Na), botaasiyam (K), rubiidiyam (Rb), susiyam (Cs) iyo faransiyam (Fr).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boob
boob¹: m.l 1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh oo hanti cid ka dhexeyso loo qaato. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah oo hanti iyo wixi lamida loo qaato. 3. Baadariga ugu sarreeya Fatikaanka. 4. la-mid: boobid.
boob²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Si sedbursi xoog iyo dhaqso leh hanti cid ka dhexeyso u qaadasho. 2. Si xoog iyo sharcidarro ah hanti iyo wixi lamida cid uga qaadasho. 3. Dedejin (cunid, socod, iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayl
fayl¹: m.l (-lal, m.l) 1. Gal. 2. Kaabiga ugu sarreeya ceel afkiisa.
fayl²: m.dh (-lo, m.l) Boqonta lugta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadhaaseera
m.dh Dumarka xadrada saarka Booranaha ugu sarreeya ama heerka labaad kaga jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
her-isle'eg-xigsineed
m.l (-rar ..., m.l) (xisaab) Heerka diiranaha ugu sarreeya ee ku jira isle'eg xigsineed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-saabley
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg tibxaale oo jibbaarkeeda ugu sarreeya ee doorsoomaha uu yahay darajada labaad. Sansaanka guud ee isle'eg saabley ah ee dorsoomaha x waa: ax+ bx + c = 0, taas oo a, b iyo c ay yihiin madoorsoomeyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-saddexjibbaar
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg tibxaale oo jibbaarka ugu sarreeya ee doorsoomaha isle'egtu yahay darajada saddexaad. Sansaanta guud ee isle'eg saddex-jibbaar waa: ax3 + bx2 + cx + d = 0, taas oo a, b, c, iyo d ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isle'eg-toosan
m.dh (-gyo ..., m.dh) (xisaab) Isle'eg jibbaarka ugu sarreeya ee tibxaha doorsoomeyasha ah uu yahay darajada kowaad. Sansaanka guud ee isle'eg toosan waa ax + = 0, taas oo, a iyo c ay yihiin madoorsoomayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madhaafaan
m.l 1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iyo wixi lamida oo xallinteedu qasabtahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malanda'
malanda'¹: m.l Gaaridda uu gaaro awr baarqab ahi heerka ugu sarreeya qooqa.
malanda'²: f.mg1 (-da'ay, -da'day) Awr baarqab ah heerka ugu sarreeya qooqa gaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alluumiiniyam
m.dh (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, waana curiyaha labaad ee ururka (III) ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Wuxuu leeyahay ratibaadda elektaroonnada ee niyuun iyo saddex elektaroon oo dheeraad ah oo ku jira heertamarka ugu sarreeya. Alluumiiniyantu waxay ku jirtaa macadanno badan; waa curiyaha ugu caansan biraha ku jira oogada dhulka, waana ka saddexaad xagga badnaanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baari
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin. m.f.dh, baariyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badidhace
badidhace¹: m.l (xisaab) Walaxda ama qiimaha leh rakaadka ugu sarreeya ee daato.
badidhace²: m.l (-cayaal, m.l/dh) 1. Waxa uu sheegaa laba dhinac ee geesole oo wadaaga gees. 2. Waxa uu sheegaa laba xaglood oo wadaaga gees iyo dhinac. 3. Laba weji oo ka mid ah wejiyada salxaale oo uu ka dhexeeyo geftin wadaag ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugu hooseeye
m.l Qiimaha ugu yar ama ugu hooseeya.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ugu dambeysta
à force de.