ugaadhsato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsato
-da: (magacwadareed) dad ku nool ugaadhsiga iyo dabashada duurjoogta. Qabiilooyin baa weli ugaadhsato ah Soomaalida. Dh: gabraarato, ugaarsato, hargaanti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh dabasho; ugaadh ku noolaansho. Ugaadhsashada biciidku waa dhib badan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhso
(fal) ugaadh soo dabo; ku noolaw ugaadh oo ka dhigo meherad. Ugaadhso laakiin ka ilaali dabargo'a.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsad
-ka: (magac, lab, keli) ugaadha soo dabasho. Ugaadhsadka duurjoogta dad baa aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsato
m.dh.u Dad ugaarta ugaarsada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugaarsato
m.dh.u Dad ugaarta ugaarsada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarsato
f. n., [collective] hunters; safari, groups of hunters
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsato
-da: (magac, dhedig, keli) dad ugaadha dabashadeeda ku nool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarsato
de: hunters; [pl] safari, groups of hunters
initial: u
lx: ugaarsato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: ugaarsato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaadhsade
m.l (-dayaal, m.l/dh) Xayawan u ugaadhasada xayawaannada kale cunto ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugaadhsade
m.l (-dayaal, m.l/dh) Xayawan u ugaadhasada xayawaannada kale cunto ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsade
-ha: (magac, lab, keli) qof ku shaqaysta xirfadda ugaadhsiga iyo dabashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabooye
-ha: (magac, lab, keli) beel ugaadhsato ahaan jirtay oo gabooye qaadan jirtay. Waa dad la haybsooco oo farsamayaqaanno u badan. Li: Aji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabato
-da: (magacwadareed) ugaadhsatada duurjoogta. Dh: ugaadhsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraarato
-da: (magacwadareed) dad soo laysta oo soo qadhaabta ugaadha. Dh: gabraaraysato, dabato, ugaadhsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganato
-da: (magacwadareed) koox dad ah oo ugaadhsiga ku shaqaysata. Dh: ugaadhsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansaley
-da: (magacwadareed) dad fallaadho iyo qaansooyin ku ugaadhsada. Afrikadu dhammaan qaansaley ayay ahayd. Dh: ugaadhsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadhso
v. make something last ~ reach (for oneself)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadhso
de: make s.t. last ~ reach (for oneself)
lx: gaadhso
pd: (gaadhsaday)
ps: v3a=
key: gaadhso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhaw
(fal) ugaadh oo kale noqo; sida ugaadha cidlajoog noqo oo ka dheeraw dadaka iyo deegaankooda. Jidka adari loo maro haddaan laga ugaahdoobin.
ugaadhaw -ga: (magac, lab, keli) ugaadh noqosho, sida ugaadha cidlajoogid oo ka dheeraad dad iyo deegaankiisa ba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhsi
-ga: (magac, lab, keli) ugaadh dabasho: ugaadh ku noolaansho. Ugaadhsiga maroodigu waa mamnuuc. Dh: ugaadhsasho, gabraarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaxadhato
-da: (magac, dhedig, keli) cuntada la karsado inta digsiga salkiisa u xigta ee ku dhegta. Dh: gubad, fujis, dabxigeen. Li: daboolxigeen, baar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ugaadhsi-ga
chasse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugbaadsasho
m.f.dh eeg ugbaadso. la-mid: ugbaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugbaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cosob iyo udgoon yeelasho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ugaadhsade-ha
chasseur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aashato
-da: (magac, dhedig, keli) iskudhaf kiimika ah oo dareera kuna jirto haydarajiin biri beddeli karto. Aashato ayaa shaadhka igaga tiixday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhato
-da: (magacwadareed) dad bililiqaysi iyo boob ku kaca. Dh: farato.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaadaco
nickname-m broad-chested
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaadsan
nickname; name-f the state of being ready for action. Lit: she who is always alert
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarso
f.g3 (-saday, -satay) Ugaar doonasho. la-mid: ugaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugaarso
f.g3 (-saday, -satay) Ugaar doonasho. m.f.dh, ugaarasho. m.dh, ugaarsasho. la-mid: ugaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarso
v. hunt (for)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarso
(fal) eeg ugaadhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarso
de: hunt (for)
initial: u
lx: ugaarso
pd: (ugaarsaday)
ps: v3a=
key: ugaarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasay
(fal) ka dhig ugaas. Ugaasay ninkaaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhato
-da: (magacwadareed) geddisley yaryar oo dariiqyada iyo aqallada hortooda badeecaddooda ku ballaaddhiya. Wadhato cashuur lagama qaado. Dh: saqasley; caashaqushi, warato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaadasho
(Gaadasha-da)
Doorasho; xulasho; togasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadasho
m.f.dh eeg gaado².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gąadasho
m.f.dh eeg gąado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadasho
vl. n. choice, selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) xulasho wax la dooranayo sida guur. Waad gaadasho wacan tahay. Dh: togasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadasho
de: choice, selection rw: gaado
lx: gaadasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gaadasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhaan
-ka: (magac, lab, keli) waxyeello iyo nabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaadhsii
v.caus: make last, cause to reach; inform; convey; inflict; promote
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaadhsii
-yey / say: (v) 1. transport (traanispoort); transmit (traanis miity, convey (kon veey) ~ gaarsii. 2. make known: impart (im paart); inform (infoorm). Ex: farriintayda gaadhsii; inform (convey) my message. 3. inflict (in filikt). Ex: duufaantii waxay gaadhsiisay dhibaato ballaaran; the storm has inflicted widespread damage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhsii
(fal) cid meel u socdaashay, ka daba gey.
gaadhsii: (fal) meel sarraysa, la haabo.
gaadhsii: (fal) wax yar, in badan ku fillaysii. Dh: deeqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaadhsii
a: gaarsii
de: make last, cause to reach; inform; convey; inflict; promote
lx: gaadhsii
pd: (gaadhsiiyey)
ps: v2a=caus
key: gaadhsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhwate
-ha: (magac, lab, keli) nin hoggaan sita.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
graduato
agg. - ku habaysan darajooyin kala sarreeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsato
-da: (magacwadareed) nafleyda inta waxa ay cunayso calalisa ama habeenkii calyaceshata. Geelu wuxuu ka mid yahay raamsatada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaadhee
(fal) ugaadh ka yeel; sida ugaadha u la dhaqan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Ugaandha
(n) Uganda (yu-gaan-da); Kampala is the capital city
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsad
m.l la-mid: ugaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsad
-ka: (magac, lab, keli) dabashada ugaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugbaadso
f.mg3 (-saday, -satay) Qof ugbaad doonasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugbaadso
v. look for virgin ~ fertile land; search for something new ~ a change
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugbaadso
(fal) cosob iyo udgoon yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugbaadso
cf: doogso
de: look for virgin ~ fertile land; [ext.] search for s.t. new ~ a change
initial: u
lx: ugbaadso
pd: (ugbaadsaday)
ps: v3a=intr
key: ugbaadso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhhaye
-ha: (magac, lab, keli) qof meel ilaaliya. Dh: gaarhaye, waardiye, ilaaliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama meel ilaalin; wixii dhib u keenaya oo dhan ka waardiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid meel u socdaashay, ka daba geyn.
gaadhsiin-ta: (magac, dhedig, keli) meel sarraysa, la haabasho.
gaadhsiin-ta: (magac, dhedig, keli) wax yar, in badan ku fillaysiin. Dh: deeqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashaamo
f.mg3 (-aantay, -aamatay) Ka g.: wax soo socda waxyeeladooda ka tabaabushaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaashaamo
f.mg3 (-aantay, -aamatay) Ka g.: wax soo socda waxyeeladooda ka tabaabushaysasho. m.f.dh, gaashaamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaashaamo
v. shield oneself; prepare oneself for something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaashaamo
-gaanshaantay / gaashaamatay: (v) [with preposition ka] make preventive measures
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashaamo
(fal) hawl, dhib ama wax kale, u sii hubqaado oo ka sii tabaabushayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaashaamo
de: shield oneself; prepare oneself for s.t.
lx: gaashaamo
pd: (gaashaantay / gaashaamatay)
ps: v3b=
key: gaashaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsato
m.dh.u Dad meheraddooda tahay ganacsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ganacsato
m.dh.u Dad meheraddooda tahay ganacsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ganacsato
f. n., [collective] trader, merchant, businessman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ganacsato
-ganacsatada: (n) people engaged in business: merchants (mar-jantis); traders (treey dheris); business person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsato
-da: (magac, dhedig, keli) dad shaqadoodu tahay rogrogashada alaabta. Dh: baayacmushtar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ganacsato
de: trader, merchant, businessman
lx: ganacsato
pd: (/da)
ps: n6-f, n0-f-col
key: ganacsato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhato
-da: (magac, dhedig, keli) dhacaan adag oo afka ka soo baxa oo ka yimaada oogada xuubabkeeda jilicsan kolka ay bukoodaan. Dh: xaako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugaarasho
(Ugaarasha-da)
Ugaar doonasho; ugaar raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarasho
m.f.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarsasho, ugaarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarasho
-ugaarashada: (n) hunting (han-tin-ing); the act of hunting ~ ugaarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarasho
a: ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarsade
m. n. hunter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarsade
-ugaarsadaha: (n) hunter (han-tar) ~ ugaarte
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarsade
de: hunter
initial: u
lx: ugaarsade
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: baydari, hargaanti, yahan
key: ugaarsade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasayso
(fal) ugaas yeelo, ugaas samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhsaaro
-ha: (magac, lab, keli) sac la maalo isagoon ilmaha loo sii deyn oo la tuso uun. Qaadhsaaro ayaa saca lagu maalay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsasho
m.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarsasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarsasho
-ugaarsashada: (n) hunting (han-tin-ing)-, the act of hunting ~ ugaarasho, ugaarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo qabasho ama dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaas yeelasho; ugaas samaysasho. Dh: ugaasaysad, ugaasaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furaadsasho
(Furaadsasha-da)
Furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaatoo kale, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsasho
m.f.dh eeg furaadso. la-mid: furaadsad, furaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) furaad ku xanbaarasho; sida furaadka loo qaato oo kale, u qaadasho. Dh: furaadsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgaadhsiin
Communication
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgaadhsiin
-ta: (magac, dhedig, kel) qalabka casriga ah ee wararka iyo xogta la iskugu gudbiyo sida raadyaha, telefoonnada iyo internetka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismadhaanto
-da: (magacwadareed) dad aan talo iyo tamar midna aan isdheerayn. Ismaadhaanto dhigaalya xun baad tihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kagaadhsiis
-ka: (magac, lab, keli) si xoog ah wax ugu boobid; ku boobsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadsasho
(Muraadsasha-da)
Muraadsi.