uga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uga
prep and preposition: to / for ... from
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uga
[personal pronoun with proposition] he, we or you...to, from, about... Ex: uga sheekee; report to him about..
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uga
de: to / for ... from = u + ka
initial: u
lx: uga
ps: prep + prep
xe: Ive left the key in my room.
xv: Furaha baan qolkayga uga soo tegay.
key: uga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babbaay
(Babbaay-ga)
Geed dhulka kulul ka baxa oo yare baarta u eg; baarka sare wuxuu ku lee yahay caleemo balballaaran; wuxuu dhalaa miro waaweyn oo qaraha u eg oo iniino badan oo filfil u eki dhexda uga buuxaan; (ama mafafaay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bandhig
(Bandhig-ga) 1. Alaab ganacsi ama masawirro ama wax kale oo si habaysan, meel fagaare ah, la isugu keeno si dadweynuhu u daawado, waxna uga iibsado.
2. Carwo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baydari
(Baydari-ga)
Qofka ugaarsashada iyo tabaheeda aad u yaqaan; ugaarta aad u laaya; hargaanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bedrid
(Bedrid-da)
Sida kolka la tartama hayo oo kale uga orodsiin; bedertan gelin; kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenbeenin
(Beenbeenin-ta)
Waxyaalo aan jirin u sheegsheegid oo ku dagid; been u sheegsheegid, wax aan run ahayn run uga dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biciid
(Biciid-ka)
Ugaarta waaweyn oo Afrika jaad ka mid ah: wuxuu lee yahay geeso dheerdheer oo toostoosan oo dib u jeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbeel
(Biyabbeel-ka)
(cunno la karinayo, kd.) biyaha oo oomaar ahaan uga dhammaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyammaceyn
(Biyammaceyn-ta)
Dhar ama wax kale oo biyo dhanaan lagu mayray, biyo macaan uga danbaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholaddumin
(Boholaddumin-ta)
(qof) meel walba cabsi ka tusid si uu wixii uu samayn lahaa uga baqo oo isaga daayo; boholatusid; hogatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufimo
(Buufima-da)
Qalab ka samaysan kolay harag ah: kolkii kor loo qaado neef baa ka buuxsanta, kolkii hoos loo dhigona, xoog baa neeftii afkiisa uga soo baxdaa; dabkaa lagu afuufaa oo lagu shidaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caal
1. (Caal-ka) Cudur xoolaha ku dhaca oo oogadu bararto, oo cunnaxumada ka yimaada; cashi.
2. (Caa-sha) Harag dheer oo balaqsan oo lo'da dhuunteeda hoos uga laallaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryo
(Caarya-da)
Wax cad oo dhogor la moodo oo sida likaha uga soo kor fufa alaabada, kd., siiba wixii ku sugan meelaha qoyan ama dheelku ku dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawl
1. (Cawl-ka) Midab casiin-ka-warqab ah.
2. (Caw-sha) Ugaarta waaweyn jaad kamid ah; waxay leedahay: midab cawl ah oo uurka iyo barida ka cad, daliig madow oo wejiga bartankiisa (geesaha taniyo sanka) ku dhilan; geeso marka hore dib u rogan oo kol labaad horay u soo rogmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawlwareershe
(Cawlwareersha-ha)
Geed leh miro lagu wareero haddii wax badan laga cuno; ugaartii daaqda iyadoo wareersan oo wax arki weydey baa la qabtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceego
(Ceega-da)
(qof) hunguriga, si xoog leh ugu dhegid, si neeftu uga soo bixi weydo oo uu u dhinto ama ku dhowaado; cunaqabato; miijis; mirjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceelalyo
(Ceelalya-da)
Qofka ama dadka xoolaha aroorka ah, ceelka uga soo hormara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celcelis
(Celcelis-ka)
1. Celcelin; ku noqnoqosho.
2. (ur, dabayl) xilli dabayshu, si isu dhowdhow, hadba dhinac uga timaaddo; tangambili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilin
(Cilin-ka)
Qof ama nafley kale ama geed, waxa la jaad ah, aad iyo aad uga yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudaddaar
(Cudaddaar-ka)
Arrinta ama sababta qof gef uga dhacay, oo caddaynaya inuusan u kasin ama ay garti tahay; wax laysugu garaabo; marmarsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuq
(Cuq-da)
Dulfariisadka shinbiruhu ugaxdooda dul fariistaan oo u kululeeyaan taniyo inta ay ka dillaacaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fuga
s.f. - baxsasho(da), cararid (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ruga
s.f. - haryuub, duuduub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugac
-da: (magacwadareed) kubbado yaryar oo kankoonsan, qolof na ku rogan tahay oo shinbiraha dhedig, kalluunka, halaqa iyo cayayaan badani dhalaan. Ugac badan ayaa digaagii dhaleen toddobaadkan. Dh: ukun, naalo, ugxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel wax dab lagu qallajiyey ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugan
(tilmaame) weel la ugay; weel dab lagu hogeeyay. Dh: cugan, ulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugar
ugar¹: m.l 1. Inan. 2. Harag xoolaad oo la idiimay.
ugar²: m.dh (-ro, m.l) Kiish ama boorso harag ka samaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugar
-ka: (magac, lab, keli) dhallaan ama canug yar.
ugar -ka: (magac, lab, keli) harag la aslay.
ugar -ta: (magac, dhedig, keli) kiishad ama shandad yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugax
(Ugax-da)
Jir kankoonsan oo shinbiraha dheddig iyo kalluun iyo halaq iyo cayayaan badani dhalaan, waxaana ku gudajira abuur yar iyo wuxuu ku noolaan lahaa taniyo intuu ka koro oo qolofta ku rogan uu ka soo baxo; ukun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugax
ugax¹: m.dh.u (-gxaan, m.dh) 1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan.
ugax²: m.dh (ugxanno, m.dh) (baayoloji) Unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ugax
ugax¹: m.dh.u (-gxaan, m.dh) 1. Shay kakoonsan, qolof adag oo ay dhasho nafleyda inta aan naasleyda ahayn, oo uu ku jiro abuurka ilmaha iyo nafaqadii korin lahayd; ukun. 2. Unug dheddig oo ka soo go'a ugxiyaha naasleyda dheddig oo marka uu bacrimiyo unugmaniga labi ilmo ka abuurmaan. m.dh.w, ugxaan.
ugax²: m.dh (ugxanno, m.dh) (baay.) Unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugax
f. n., [collective] egg (of birds other than chickens)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugax
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ugac.
ugax -da: (magac, dhedig, keli) unug taran oo qaangadh ah oo laga helo xayawaanka dheddig, kaasi oo uu saaroo ugxansiduhu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugax
bw: beed, ukun
de: egg (of birds other than chickens)
initial: u
lx: ugax
pd: (-da Pl: ugxaan (ta), ugax (a))
ps: n8-f-enum, n5-f, n2a-f
syn: unfax;
key: ugax
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ugax
بَيْضٍ، بَيْضَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugay
-ga: (magac, lab, keli) qori wax lagu cugo. Dh: culay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuga
-da: (magac, dhedig, keli) sannad abaareed ku beegan 1951. Abaartii yuga ayuu aabbihii dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
ga
-ga
(naxwe) toddobada qodob mid kamid ah: wuxuu raacaa ereyada lab oo kelida ah oo ku dhammaada shaqallada '-i' iyo '-aa' sida guri-ga, maroodi-ga, gabayaa-ga, dilaa-ga; ama kuwo kaloo lab (keli/koox) oo ku dhammaada shibbaneyaasha '-g', '-w', '-y', sida xoog-ga, arag-ga, galow-ga, lo'yow-ga, say-ga, fay-ga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ga
(naxwe) qodob magacda lab ee kelida ah ka raaca xagga danbe oo marka lagu daro tilmaama wax la garanayo waxa uuna si gaar ah u raacaa magacda ku dhammaada shaqallada (a, i, u, w iyo y). Waaga, gaadhiga, gu'ga, lawga, odayga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ug
f.g1 (-gay, -gtay) Ku u.: wax dab ku qallajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ug
v. hold over a fire; purify with smoke; smoke
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ug
(fal) weelka caanaha lagu listo ama lagu shubto, qori dab la geliyay gudaha ka dhexmari si loo udgooneeyo ilima'aragtayda na looga dilo. Caasha dhiishii bay ugaysaa.
ug: (fal) hadhuub ama dhiil qori dab ah ku cug.
ug: (tilmaame) wax cusub iyo nadiif ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ug
de: hold over a fire; purify with smoke; smoke
initial: u
lx: ug
pd: (ugay)
ps: v1=
key: ug
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-ga
a: =-ka after g, w, y, or i
de: the [MASCULINE DEFINITE ARTICLE]
lx: -ga
ps: det-m-suf
key: -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aga
aga! eray la yidhaahdo marka la arko wax lala yaabo ama kugu dhaco. Aga! Siduu wiilka yari ninka uga badiyay! Dh: Hey! Dhega! Joo! Shoo! Naw! Agas!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iga
Uyaal qofka hadla haya oo keli ah oo falku xagga laftiisa ka tega hayo oo ka socdo (sida iga tag).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iga
pron. and preposition: from me; than me
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iga
(pronoun with preposition) from me. Ex: iga raalli ahaw; excuse me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iga
(magac'uyaal) hadlaha kowaad oo kelida ah ee falku xaggiisa ka tagayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iga
de: from me; than me = i + ka
lx: iga
ps: pro + prep
xe: Accept a warm greeting from me.
xv: Salaan diirran iga guddoon.
key: iga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugu
prep and preposition: to ... for / at; by (it) ... to (him)
ugu prep and preposition: most, -est [superlative.]
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ugu
le plus (superlatif).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugu
used to form the superlative of adjectives and adverbs
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ula
prep and preposition: with ... to / for
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ula
exprès.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ula
...I or you ..to.. Ex: maxaadula jeedaa? What do you mean?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ula
de: with ... to / for = u + la
initial: u
lx: ula
ps: prep + prep
xe: I deliberately insulted him. [lit: I rose up with an insult for him]
xv: Cayda isaga waan ula kacay.
key: ula
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
UMA
acronym: Organization of African Unity (OAU)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uma
preposition, neg. not ... to / on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uma
(pronoun plus not) he, I, you ... not... Ex: uma uusan sheegin; he didn't tell
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
una
preposition, [conjunction] and to (him / them)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
una
(conjunction plus to) and....to him, her or them.. Ex: una sheeg, inaan sugayo; and tell him [her, them], that I am waiting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
una
de: and to (him / them) = u + -na
initial: u
lx: una
ps: prep + conj
key: una
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
USA
/yuu-es ey/ (abbr) Maraykanka United States of America oo lasoo gaabiyey
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uva
s.f. - canab.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
—ga
[suffix] definite article of some masculine gender. Ex: gaariga; the car. Guriga; the house
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bugia
s.f. - been.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugad
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar billaabmi doonta, ciyaartoyda ka qaybgali doonta kala doorasho calmasho. Dh: cubtamid, cugtamid, doorasho.
cugad -ka: (magac, lab, keli) weel cusub ama mid hore oo la nadiifinayo, cugay ku samayn. Dh: culid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugan
cugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) la-mid: cuban¹.
cugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: cuban²; culan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: cuban; culan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugan
der. [adjective] cleaned by heat and smoke (of a milk vessel)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cugan
name-f cleaned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugan
(tilmaame) waraabsan; mid wabax ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugan
a: culan
de: cleaned by heat and smoke (of a milk vessel)
lx: cugan
pd: (cugnaa)
ps: adj-der
key: cugan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugay
m.l la-mid: culay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cugay
m. n. bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugay
-ga: (magac, lab, keli) qoryo gaar ah oo qallalan oo udgoon oo weelasha caanaha lagu cugto. Dh: culay, qoriqadiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cugay
a: culay
de: bundle of certain kinds of wood ~ twigs used to smoke a milk vessel; act of purifying a milk vessel with this
lx: cugay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: cugay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugac
gugac¹: m.l la-mid: guguc¹.
gugac²: f.mg1 (-gcay, -gacday) la-mid: guguc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gugac
gugac¹: m.l Onkod. la-mid: guguc¹
gugac²: f.mg1 (-gcay, -gacday; -gci) Onkod sameyn. m.dh, gugcid. la-mid: guguc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gugac
v. thunder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gugac
-a: (n) thunder (thandher) ~ guguc, unkad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gugac
a: guguc
de: thunder
lx: gugac
pd: (gugcay)
ps: v1=
key: gugac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gugac
صَوْتُ الرَّعْدِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugan
hugan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Shanqar xoog leh samayn.
hugan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) la-mid: hugsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hugan
v. mutter, murmur; produce a loud indistinct noise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugan
(fal) guux iyo qaylo samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hugan
cf: hugun
de: mutter, murmur; produce a loud indistinct noise
lx: hugan
pd: (hugmay)
ps: v1=
key: hugan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hugar
-ka: (magac, lab, keli) heerka kulaylka ama qabowga hawada.
hugar -ka: (magac, lab, keli) cod dad aan kuu muuqan. Dh: cod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugay
(fal) lugaha ku soco. Dh: lugee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mugga
Hadda; eegga; amminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mugga
n. phr., time (adv.): now, at the moment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mugga
(n) now (naaw); the present time or moment ~ iminka; hadda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mugga
de: now, at the moment
lx: mugga
ps: np-time / adv
xe: Im leaving now.
xv: hadda, eegga
key: mugga
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
purga
s.f. - dacar faal, qaras fal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugan
Wax la hubo; aan shaki ku jirin; run ah; dhab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sugan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Aan ku xidhnayn, kana xor ah dhammaan astaamaha ku xeeran. m.f.dh, sugnaan.