ufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ufo
(Ufa-da)
Dabayl xoog iyo roob leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufo
m.dh (-ooyin, m.l) Dabaysha roobka ka soo horreysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ufo
Haboob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ufo
f. n. storm, whirlwind
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
UFO
/ (abbr) saxuunta duusha, unidentified flying object oo la soo gaabiyey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ufo
-ufada: (n) wind (wind); blast (balaasti); gust (gast) ~ xanfar, dabayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufo
-da: (magac, dhedig, keli) dabayl siigo leh oo ka soo horraysa dhibicda roobka; dabayl xoog leh oo roobka ka soo horraysa. Li: saxansaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ufo
de: storm, whirlwind
initial: u
lx: ufo
pd: (-da)
ps: n6-f, n2-f
key: ufo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haboob
Ufo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tornado
/toorneydow/ (n) ufo (dabayl xoog badan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
whirlwind
/warl-windh/ (n) ufo (dabayl si galoolan u ordaysa).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxuunta duusha
(n) flying saucer (falaaying-soo-sar); unidentified flying object; UFO (yuu-ef-oow)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suxuunta duusha
(n) flying saucers (falaaying-soo-sar); UFO (yuu-ef-oow) unidentified flying object
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufaaco
-da: (magac, dhedig, keli) dabay! uu wato oo ka horeysa roobku marka uu soo da'ayo. Dh: ufo, hufo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gufo
s.m. - guumeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka. 2. Bir goobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jufo
f. n. metallic point attached to the bottom part of a javelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufo
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo gaaban oodhexda kadaloosha oo bakooradaha iyo wixii la mid ah xaga hoose laga galiyo. Jufo malaha bakoorada, jifi. Dh: jifi. Wa: jufooyin.
jufo -da: (magac, dhedig, keli) raaska magta inteeda saddex iyo sodon iyo hal daloolkeed qaata ama bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jufo
de: metallic point attached to the bottom part of a javelin
lx: jufo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho. m.f.dh, qufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufo
v. empty out for oneself; dig for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufo
de: empty out for oneself; dig for oneself
lx: qufo
nt: qufasho (/da) [vn-f]
pd: (quftay)
ps: v3b=tr
key: qufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tufe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) 1. Ka siqasho; ka yaqyaqsasho. 2. Ka u.: wax ka tanaasulid ama ka fogaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufoo
(fal) qof ama wax kale, nacaybshe iyo quudhsi u muuji. Af ka hadalka suuqiyo fadhiga kama ufoodaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unfo
m.dh Qarandi, saddexsulley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unfo
-da: (magac, dhedig, keli) jaad dofaarka ka tirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uf
1. Uf! — Erey la yiraahdo kolka qurmuun la dareemo.
2. (Uf-ta) wax xun; faddaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uf
uf¹: m.dh Faddare; qurun.
uf²: e.d Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uf
uf¹: m.dh Faddare; qurun.
uf²: e.d Eray la dhaho kolka ur qurmuun la dareemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
uf
inter. ugh!, yuck!
uf [feminine] n. something disgusting, anything that stinks
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uf
(interjection) used to express disgust with something having a bad smell or offensive odor; yuck (yak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uf
uf! (ereydhawaaq) la yidhaahdo marka la dareemo ur xun amma qadhmuun. Uf! Wax ma kuu urayaa?
uf-ta: (magac, dhedig, keli) faddare; qudhun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
uf
أف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afo
(Afa-da)
Naag la qabo; arad; oori; maranti; marwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afo
m.dh (-ooyin, m.l) Haweenay la qabo; oori.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afo
f. n. wife; woman, lady (respectful)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afo
-afada: (n) wife (waayf) ~ xaas, oori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afo
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay la qabo; naag oday leh. Dh: arad, islaan, maranti, marwo, oori, xaas. Li: oday, say, abbaanwarre. Wa: afooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afo
de: wife; woman, lady (respectful)
lx: afo
pd: (/da)
ps: n6-f
xe: arad, xaas
xv: naag, oori
key: afo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Saxaro. 2. Cudur geela dhabxanagga kaga dhaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udo
-da: (magac, dhedig, keli) saxarada dadka. Ka bi'i udaha qofka buka. Dh: xaar.
udo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun geelu ka qaado dhirta dacawadu ku kaadiday markuu daaqo.
udo-ha: (magac, lab, keli) saxarada dadka. Ka bil udaha qofka buka. Dh: xaar, sindho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uno
agg. - kow.
uno: pron. - mid, midkoo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Uso
Dhaqan
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uso
s.m. - isticmaal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
buffo
agg. - qosol leh, yaab leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) la-mid: dhifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufo
v. pull with a jerk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufo
-dhuftay / dhufatay: (v) pul (puul); jerk (jerk); give a sudden quick pull ~ dhifo [opposite of riix] Ex: soo dhifo; pull back,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufo
(fal) wax, si xoog ah u gundhi.
dhufo: (fal) si degdeg ah wax ula bood oo xaf sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufo
de: pull with a jerk
lx: dhufo
pd: (dhuftay / dhufatay)
ps: v3b=
key: dhufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufow
(Dufow-ga)
Dufoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufow
dufow¹: m.l la-mid: dufoobid.
dufow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dulloobey noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufow
m. n. person who is going wrong ~ worsening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufow
(fal) dullow oo sidii hore si ka sii liidata ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufow
de: person who is going wrong ~ worsening
lx: dufow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: dufow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durfo
-ha: (magac, lab, keli) shey in badan jiray oo baali ah. Ilbaxnimada lagu diday, ma anigaa durfooboo, dawga toosan garab mara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufto
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha maansada mid ka mid ah eeg: kusinaan dharaartii lasargooyey dunidee rabigay sameeyee, cirka sare utaagee xidigahan siraatiyo dayax soodimeeriyo lagu sugay cadcedee sagalkiyo daruurtiyo lagu xidhay sitaacee. Jiifto waa qayb mihiim ah oo kujirta maasada Soomaalida. Wa: jiiftooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dumar ah oo aan meher kuu ahayn iyadoo aan raalli ka ahayn xoogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kufso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dumar ah oo aan meher kuu ahayn iyadoo aan raalli ka ahayn xoogid. m.f.dh, kufsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufso
v. rape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufso
-kufsaday: (v) commit the crime of rape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufso
(fal) dheddig aan ku oggolayn, xoog ugu galmoo oo khasab. Dh: xoog, qasab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufso
de: rape
lx: kufso
pd: (kufsaday)
ps: v3a=
xe: She was raped.
xv: Waa la kufsaday.
key: kufso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muufo
(Muufa-da)
1. Meel si gaar ah u dhisan oo cunnada lagu dubo; furun.
2. Kimis ballaaran oo wareegsan oo badarka laga sameeyo oo furunka lagu dubo; kidaar.
3. Meel kulayl iyo qiiq ka kaca hayaan; (ama moofo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muufo
m.dh 1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. la-mid: moofo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muufo
m.dh 1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. la-mid: moofo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muufo
f. n., (mass n.): home-made flat bread; oven
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muufo
-muufada: (n) Somali-style flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muufo
-da: (magac, dhedig, keli) kimis adag oo wareegsan oo budo hadhuudh oo saafi ah laga dubo. Muufooy muufo macaan lagaama maarmee muufooy. Dh: moofo.
muufo -da: (magac, dhedig, keli) dhisme ka samaysan dhoobo ama bir oo dab lagu dhex shido oo lagu dubo cuntooyinka la moofaynayo. Dh: moofo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muufo
bw: moofo
de: home-made flat bread; [ext.] oven
lx: muufo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
syn: kidaar
key: muufo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tuffo
s.m. - quusid (-da), tiinbasho (-da).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufood
m.f.l eeg ufoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufood
-ka: (magac, lab, keli) nacaybsho iyo yaraysi ama quudhsi.