udubxoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Udubxoog
(Udubxoog-ga)
Udubka lagu mudo aqalka irriddiisa oo culayska aqalka haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udubxoog
m.l (-gyo, m.dh) Labada udub oo irridda aqalka lagu dhiso midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udubxoog
m. n., [compound] door-post
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udubxoog
-ga: (magac, lab, keli, udubka xoog leh oo laga taago labada dhinac ee irridka aqalka oo culayska dhanka hore ka haya. Udubxoog looma hayo aqalka ee ha la soo gooyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udubxoog
de: door-post
initial: u
lx: udubxoog
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: udubxoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udubbo
-da: (magacwadareed) xiddigaha wqqooyi ee mar wal ba muuqda ku na tusa jihada waqooyi. Udubbada woqooyi baa lagu gudaa oo badda lagu maraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabjoog
m.dh Xawayaanka marabbida ah iyo xoolaha la dhaqdo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabjoog
m.dh Xawayaanka marabbida ah iyo xoolaha la dhaqdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabjoog
f. n., [collective] domestic animals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabjoog
-ta: (n) domestic animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabjoog
-ta: (magacwadareed) xayawaanka dadka la nool. Bisadda iyo geeluba waa dabjoog. Dh: docjoog. Li: duurjoog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabjoog
de: domestic animals
lx: dabjoog
pd: (-ta)
ps: n2a-f-col
key: dabjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duljoog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iyo wixi lamida iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duljoog
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iyo wixi lamida iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin. m.f.dh, duljoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duljoog
v. stand by, be close to; assist someone, guard something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duljoog
-ay / tay: (v) stand by (standh baay), be ready or available to act ~ dulfadhi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duljoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg dulfadhi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duljoog
de: stand by, be close to; [ext.] assist s.o., guard s.t.
lx: duljoog
pd: (duljoogay)
ps: v1=tr
key: duljoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udugoon
(tilmaame) wax caraf udgoon iyo neecaw ladifan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udubdhig
-ga: (magac, lab, keli) billawga iyo asaaska aqal la alkumayo. Arbacada waa udubdhig cusub oo waxa la taagayaa aqalkii arooska Xaawa iyo Aadan. Dh: dhagaxdhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdabjoog
-ga: (magac, lab, keli) isdaba socod; wax xidhiidhsan oon kala go'nayn ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xuddun xood
Center of a curve