udgoonaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonaad
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Udgoonaan
(Udgoonaan-ta)
Udgoon lahaan; carfoonaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonaan
m.f.dh eeg udgoon². la-mid: udgoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgoonaan
f. n., [abstract] smelling good; state of being aromatic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) udug lahaan; carfi wacan lahaan. Dh: carfoonaan. Li: qadhmuunaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgoonaan
de: smelling good; state of being aromatic
initial: u
lx: udgoonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: udgoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonsad
m.l la-mid: udgoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonsad
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon ismarin ama shidasho. Dh: udgoonsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonaw
(fal) udgoon ahaw; wax carfi wacan noqo. Dh: carfoonaw. Li: qadhmuunaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonay
(fal) udgoon ka dhig; wax carfi wacan ka dhig. U udgoonay qolka sidii mid aroos. Dh: carfoonay, udgoonee. Li: qadhmuunay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonayn
m.dh la-mid: udgin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax udgoon ka dhigid; wax carfoon ka dhigid. Udgoonaynta aqalka ayaa lagaa doonaayaa. Dh: carfoonayn. Li: qadhmuunayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonays
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon ka dhigis. Udgoonayska guryaha ayaa hableheenna lagu yagaannay. Dh: carfoonays. Li: qadhmoonays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuddoonaan
(Cuddoonaan-ta)
Wax cuddoon ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddoonaan
m.f.dh eeg cuddoon. la-mid: cuddoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuddoonaan
f. n., [abstract] parallelness, evenness, equality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) habboonaan; wax cuddoon ahaan; toolmoonaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuddoonaan
de: parallelness, evenness, equality
lx: cuddoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cuddoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudboonaan
(Gudboonaan-ta)
Gudboonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudboonaan
m.f.dh eeg gudboon. la-mid: gudboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudboonaan
f. n., [abstract] appropriateness, suitability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «la la sinnaan ama ku toosnaan.
gudboonaan-ta: (magac, dhedig, keli) «la ~» wax ku habboon ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudboonaan
de: appropriateness, suitability
lx: gudboonaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: gudboonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsad
(Guddoonsad-ka)
Guddoonsasho; guddoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsad
m.l la-mid: guddoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonayso
(fal) wax udgoon marso. Udgoonayso si aan shurufkaaga looga cararin. Dh: carfoonayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Udgoon
(Udgoon-ka)
1. Ur la jeclaysto ka ura hayo; carfoon.
2. Waxyaalaha la shito ama lays marsho oo ur la jeclaysto ka uro; udug; caraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoon
udgoon¹: m.l 1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug.
udgoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ur la jecleysto leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
udgoon
udgoon¹: m.l 1. Ur la jeclaysto oo carfoon. 2. Waxyaabo la shito ama lays marsho oo carfoon; udug.
udgoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax ur la jecleysto leh ahaansho. m.f.dh, udgoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgoon
m. n. perfume, fragrance, aroma, scent
udgoon [derived] [adjective] fragrant, aromatic, perfumed
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Udgoon
parfumé.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Udgoon
name-f fragrant; aromatic; scent. Cf. Carfoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
udgoon
-ka: (n) aroma (a-rooma); sweet smell; fragrance (fareey-garansi)- caraf, udug. Ex: udgoonka ubaxa; the aroma of roses
udgoon: -aa I ayd: (adj) aromatic (a-roo-maatik); fragrant (fareey-garant), redolent (reda-lanti) ~ carfoon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Udgoon
Fragranza
Fragrance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Udgoon
magac loo baxsho gabadh jacaylka loohayo aawadii, udgoon iyo carfi lagu metaalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoon
-ka: (magac, lab, keli) neecaw laddifan oo marka uriyo, naftu aad u jeclaysato kuna raaxaysato. Waxa inta badan lagala kulmaa ubaxyada iyo cadarka laga tuujiyo
udgoon: (tilmaame) wax udug leh; wax carfi wacani ka soo baxayo. Cadar aad u udgoon baa haddiyad loogu keenay. Li: qadhmuun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
udgoon
عطر، طيب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogaad
(Doogaad-da)
Tigaad; doogad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogaad
m.dh la-mid: doog¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doogaad
f. n., [collective] prosperous land (with green grass and abundant rain)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doogaad
a: doogad (ka) [vn2-m]
cf: tigaad
de: prosperous land (with green grass and abundant rain)
lx: doogaad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: doogaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doongad
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka marka la sibdhiyo inta yaree ugu dambaysa ee isku sinta. Dh: giingo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgooni
-da: (magac, dhedig, keli) udgoon lahaan; carfoon ahaan. Dh: carfooni, udgoonaan. Li: qadhmuuni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgoon_1
de: perfume, fragrance, aroma, scent
hm: 1
initial: u
lx: udgoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: udgoon_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgoon_2
de: fragrant, aromatic, perfumed
hm: 2
initial: u
lx: udgoon
pd: (udgoonaa)
ps: adj-der
xe: The perfume was fragrant.
xv: Barafuunku waa udgoonaa.
key: udgoon_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: udgi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgoonee
v. perfume, put scent on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonee
(fal) wax udgoon ka dhig: neecaw laddifan u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgoonee
a: udgi
de: perfume, put scent on
initial: u
lx: udgoonee
pd: (udgooneeyey)
ps: v2b=tr
key: udgoonee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg udgoonsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonso
f.mg3 (-saday, -satay) Udgoon isku shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonso
(fal) wax udgoon isku shub, shido ama ismari; is'udgooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsad
m.l la-mid: addoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, addoon ka dhigad; yeelashada qof kale; gumaysadka cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonaansho
m.l/dh la-mid: udgoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax udgoon ahaansho; carfi udgoon lahaansho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guddoonwaaq
name-m sky sky God's verdict, sky God's decision, God's resolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guddoonwaaq
magac loo baxsho wiil loola jeedo in uu yahay mid xagga Eebbe laga aqbalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonsasho
m.f.dh eeg udgoonso. la-mid: udgoonsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax udgoon isku shidid; is udgoonayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Addoona-da
esclave (fém.).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Addoonwaaq
name-unisex God's servant- or slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Addoonwaaq
magac loo baxsho lab ama dhedig loo baryayo in uu noqdo mid Waaq (magac Ilaahay loo yaqaannay) addoon wanaagsan u noqda oo Alle ka baqa ama si wanaagsan ugu hoggaansan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cusboonaan; qurxoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusboonaan
m.f.dh eeg cusboon. la-mid: cusboonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cusboonaan
f. n., [abstract] newness, freshness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusboonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cusub ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cusboonaan
de: newness, freshness
lx: cusboonaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: cusboonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digtoonaan
(Digtoonaan-ta)
Digtoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digtoonaan
m.f.dh eeg digtoon. la-mid: digtoonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digtoonaan
f. n., [abstract] cautiousness, caution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digtoonaan
-ta: (n) attentivness (a-teen-tiv-nas) thoughtfulness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Digtoonaan
Attentezza; all'erta
Alertness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
digtoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) diyaargarow aad ka diyaar tahay ama difaac ka noqonaysid dhib kugu soo socota. Dh: feejignaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digtoonaan
de: cautiousness, caution
lx: digtoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: digtoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsoonaan
m.f.dh eeg dugsoon. la-mid: dugsoonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) diirranaan oo dugsi dhaxanta celiya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoognaan
(Hagoognaan-ta)
Wax hagoogan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoognaan
m.f.dh eeg hagoogan. la-mid: hagoognaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagoognaan
f. n., [abstract] state of having one's head wrapped ~ covered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoognaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax hagoogan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagoognaan
de: state of having one's head wrapped ~ covered
lx: hagoognaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: hagoognaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmoonaan
m.dh la-mid: qurmuunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurxoonaan
(Qurxoonaan-ta)
Wax quruxsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurxoonaan
m.dh la-mid: quruxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurxoonaan
f. n., [abstract] beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurxoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg quruxsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurxoonaan
de: beauty
lx: qurxoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qurxoonaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sadroonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti badnaan, ka saami roonaan, dadka wax dheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guddihoosaad
-ka: (magac, lab, keli) guddi tan sare ka hoos shaqaysa oo hawl gaar ah u xilsaaran. guddixaarrey -da: (magac, dhedig, keli) guddi eexatay oo xaqii ka baydhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doodaa
(Doodaa-ga)
Hadlaa; hadal yaqaan; codkar; doode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doodaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode. la-mid: doode.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
doodaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
doodaa
m. n. orator; debater, one who states a case
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
doodaa
de: orator; debater, one who states a case
lx: doodaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: doodaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogad
(Doogad-ka)
Doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogad
m.l la-mid: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogad
-ka: (magac, lab, keli) dhul, naq helid oo doog yeelasho. Dh: doogasho.
doogad -ka: (magac, lab, keli) nabar hore, soo kacdoomid oo dib u bukood. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doohad
m.dh Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doonid
(Doonid-da)
1. Rabid; damcid; maagid.
2. Raadin; goobid; jerin; baarid; baadiggoobid.
3. Gabar, guur darti, u weyddiisasho; alkumasho.