ereyga

ubbo-ubax

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ubbo-ubax

DHAN

m.dh (-xo, m.dh) (botani) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ubbo-ubax

DHAN

m.dh (-xo, m.dh) (botani) Qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ubbo

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) geedsaar faalala oo bixiya midho sur dheer, salka hoose na ballaadhan oo weyn. Midhaha ubbadu kolka ay bislaadaan, inta la engejiyo oo iniinta iyo buruqda laga saaro, ayaa weelal laga dhigtaa oo biyaha, subagga, iyo wixii la mid ah ayaa lagu shubtaa. Dh: quluc.

2

ubbo -da: (magac, dhedig, keli) weel sur dhuuban oo sal ballaadhan oo midhaha geedsaarka ubbada laga sameeyo. Inta la xoldho ayaa laga dhigtaa weel lagu shubto subag ama caano. Ubbo subag ah ayaa laga keenay reerkeennil miyi

3

ubbo ubax -da: (magac, dhedig, keli) qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

UBBO-LULOW

DHAFANDHAAF
1

(Ubollolu) C,S Chascanum gilletii Moldenke. Verbenaceae.

2

S, C Chascanum hildebrandtii (Vatke) Gillett. Verbenaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]

Ubbolacag

DHAFANDHAAF

nickname; name-f prosperous; rich

waa la naqliyay ✓

Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]

Dubbe-fanax

DHAFANDHAAF

Dubbe ka tirsan dubbeyeaasha farsamada looxa ec leh jeego labo gantafood ah oo lagu siibo masaamirta madaxa ballaaran.

waa la naqliyay ✓