u_jahayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_jahayso
a: jihayso
de: go ~ turn towards, head in the direction of
initial: u
lx: u jahayso
pd: (jahaystay)
ps: v3b=expr
key: u_jahayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u jahayso
v. go ~ turn towards, head in the direction of
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_jihayso
de: direct to, turn toward
initial: u
lx: u jihayso
pd: (jihaystay)
ps: v3b=expr
see: jahayso
key: u_jihayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Doc aadid. 2. Qof dhimasho. la-mid: jihayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u jihayso
v. direct to, turn toward
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_jihaysan
de: directed at, oriented to, turned toward
initial: u
lx: u jihaysan
pd: (jihaysnaa)
ps: adj-der
key: u_jihaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahays
m.l la-mid: jahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahays
-ka: (magac, lab, keli) dhan u duwidda xoolaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bahayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Cid qaraabeysasho. 2. Cid gaashaanbuuro la yeelasho. m.f.dh, bahaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahayso
v. consider someone as a relative from mother's side; be united ~ allied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahayso
(fal) dad, urur, dawlado iyo wax la mid ah iskaashi la yeelo; cid kale isgaashaanbuuraysi la yeelo si aad awood u yeelataan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bahayso
de: consider s.o. as a relative from mother's side; be united ~ allied
lx: bahayso
pd: (bahaystay)
ps: v3b=
xe: the allied nations
xv: dawladaha is bahaystay
key: bahayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysi
m.l la-mid: jahaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Faras ama rati jare gelin. 2. (f.mg) Jar cayaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jarayso
v.auto: train a horse for oneself
jarayso v. play Somali checkers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarayso
-jaraystay / jaraysatay / jaraysteen: (v) play checkers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarayso
(fal) jarayso labadaa faras, jarabar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: jahayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayso
f.g3 (-stay, -satay) Cunto sahay ka dhigasho. la-mid: sahayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sahayso
v./a: get provisions for a trip for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahayso
(fal) sahay qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sahayso
de: get provisions for a trip for oneself
initial: s
lx: sahayso
pd: (sahaystay ~ sahaysaday)
ps: v3b/a=tr
key: sahayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: ajarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarayso
(fal) wax wanaagsan oo ajar laga helo samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_kaadso
de: postpone, procrastinate
initial: u
lx: u kaadso
nt: kaadsasho (/da) [vn-f], kaadsi (ga) [vn-m]
pd: (kaadsaday)
ps: v3a=expr
key: u_kaadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ubax yeelasho (geed). la-mid: ubxayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ubaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ubax yeelasho (geed). m.f.dh, ubaxaysasho. la-mid: ubxayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ubaxayso
v. flower, produce flowers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubaxayso
(fal) geed, ubax soo bixi; ubax yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ubaxayso
de: flower, produce flowers
initial: u
lx: ubaxayso
pd: (ubaxaystay)
ps: v3b=intr
key: ubaxayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isbahayso
f.mg3 (-stay, -satay) Dad, ummado, dawlado, iyo wixi lamida xiriir isgaashaanbuuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid. m.f.dh, isbahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasayso
(fal) ugaas yeelo, ugaas samayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uskagayso
(fal) uskag iyo wasakh yeelo. Dh: wasakhayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_mannayso
de: lavish s.t. on s.o., give in abundance (usually said of God)
lx: ku mannayso
pd: (mannaystay)
ps: v3b=expr
key: ku_mannayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_shaqayso
de: exploit, take advantage of, use
lx: ku shaqayso
pd: (shaqaystay)
ps: v3b=expr
key: ku_shaqayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jumladayso
(fal) alaabta aad gadanaysid, si jimlo ah u iibso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_adkayso
a: ku adkeyso
de: insist upon; persist
lx: ku adkayso
pd: (adkaystay)
ps: v3b=expr
key: ku_adkayso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_walacso
cf: mihi
de: deceive, cheat ~ trick s.o. out of s.t., tantalize
lx: ku walacso
pd: (walacsaday)
ps: v3a=expr
key: ku_walacso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u jihaysan
der. [adjective] directed at, oriented to, turned toward
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_fadhiiso
a: u fariiso
de: convene, meet over; discuss (a topic)
initial: u
lx: u fadhiiso
pd: (fadhiistay)
ps: v3b=expr
key: u_fadhiiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wasakhayso
(fal) uskag iyo wasakh yeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_barakayso
bw: Arabic
de: give charity ~ alms in the hope of gaining God's favor
lx: ku barakayso
pd: (barakaystay)
ps: v3b=expr
key: ku_barakayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afayso
f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
afayso
f.g3 (-stay, -satay) Qalab wax lagu gooyo, af u yeelasho. m.f.dh, afaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ijaaso
(Ijaasa-da)
Idan, ruqso, fasax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ijaaso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Idan, fasax. 2. Aqoonsi diimeed ee uu sheekha dariiqadu siiyo xertiisa qaarkeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ijaaso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Idan, fasax. 2. Aqoonsi diimeed ee uu sheekha dariiqadu siiyo xertiisa qaarkeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ijaaso
f. n. permission, leave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijaaso
-da: (magac, dhedig, keli) idan; oggolaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ijaaso
bw: Arabic
de: permission, leave
lx: ijaaso
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: fasax, idan, ruqso
key: ijaaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahayn
m.f.dh eeg jahee. la-mid: jahays, jihayn, jihays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahayn
-ka: (magac, lab, keli) jaho u kaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarays
-ka: (magac, lab, keli) faras carbin iyo tababar ku jira. Faraskani waa jarays. Dh: layli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihays
m.l la-mid: jahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho. m.f.dh, kaaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahayo
f.g3 (-yday, -ytay) la-mid: sahayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahayo
(fal) qof kale oo aan wax ba galabsanin galaafo oo lugta ku sii qaado. Dh: sajaro, salfo.
sahayo -da: (magac, dhedig, keli) sahay ka dhigo: ka dhigo waxaad ku jid marto: jidmar ka dhige jicsin ka dhigo. Dh: jicsimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u aayo
v. benefit from
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_laho
de: expect s.t. with longing
initial: u
lx: u laho
pd: (lahaday)
ps: v3a=expr
key: u_laho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufayso
(fal) wax uf ah ka dhigo; wax qadhmuun ka dhigo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ugaaso
name-f queen; boss; princess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ugaaso
ama Ogaaso, magac loo baxsho gabadh haybad leh oo boqorad oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalayso
(fal) aale ka guro ama ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. Godob u raadsasho. 2. Qaraabannimo ama saaxibnimo awgeed cid u xigsasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayso
(fal) godob horay laguugu geystay, cid kale uga aargudo. Ha aanaysan ninkii godob kaa galaye, xaqaaga weydiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaysi
m.l la-mid: bahaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahaysi
-ga: (n) 1. a connection based on motherly kinship. 2. alliance (a leey ansi)~ isbahaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg bahaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayso
(fal) wax cas ka dhigo; midab cas u yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof, dan u gaar ah fushasho. m.f.dh, danaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danayso
v.auto: follow after one's interests, be opportunistic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
danayso
-danaystay / danaysatay: (v) 1. be opportunistic (opar-junistik) 2. use something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danayso
(fal) dantaada ka raaco. Dantaada u dibjir oo danayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danayso
de: follow after one's interests, be opportunistic
lx: danayso
pd: (danaystay)
ps: v3b=auto
key: danayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
facayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax ama qof iskala fac dhigid. la-mid: filayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
facayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax ama qof iskala fac dhigid. m.f.dh, facaysasho. la-mid: filayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
facayso
v. belong to the same set, be of the same age
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
facayso
-facaystay / facaysatay: (v) be of the same social class; act like one's own generation ~ filayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
facayso
(fal) in uu qof kula fac yahay ku dood oo la factirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
facayso
de: belong to the same set, be of the same age
lx: facayso
pd: (facaystay)
ps: v3b=
key: facayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaaso
(fal) beer shinni ku daadso si ay kuugu baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanayso
f.g3 (-stay, -satay) Faras la fuushanyahay gadaal ka fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanayso
(fal) faras ama wax la mid ah, qofka wada daba fadhiiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galayso
(fal) golxad ama wax kale, gal u samayso. Galayso seeftaada oo garabka gasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax, inuu garyahay qirid. 2. (f.mg) Garays xirasho. 3. (f.mg) Garraar xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax, inuu garyahay qirid. 2. (f.mg) Garays xirasho. 3. (f.mg) Garraar xirasho. m.f.dh, garaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garayso
v. agree, accept a verdict
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garayso
(fal) gar ahaan u qaado oo aqoonso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garayso
a: gareyso
de: agree, accept a verdict
lx: garayso
pd: (garaystay)
ps: v3b=
key: garayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo gaso ku xaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habayso
v.auto: plan, organize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habayso
de: plan, organize
lx: habayso
pd: (habaystay)
ps: v3b=auto
key: habayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jahasho
(Jahasha-da)
Meel aadid; doc qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahasho
m.f.dh eeg jaho. la-mid: jahad, jihad, jihashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka loo dhaqaaqaayo dhinac dan laga leeyahey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafso
f.mg3 (-saday, -satay) Aayar socosho.