ereyga

u_bog

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

u_bog

DHAN
1

de: finish; be satisfied with

2

initial: u

3

lx: u bog

4

pd: (bogay)

5

ps: v1=

6

key: u_bog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bilic

DHAABAN
1

(Bilic-da)

2

Muuqaal indhuhu u bogaan oo jeclaystaan; qurux.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bogid

DHAABAN
1

(Bogid-da)

2

1. Wax qabyo ahaa dhammaystirid; ebyid.

3

2. (u bogid) jeclaysasho; ku farxid; ku rayrrayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Guuxid

DHAABAN
1

(Guuxid-da)

2

1. Guux soo saarid.

3

2. Farxid; wax u bogid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ilwaad

DHAABAN
1

(Ilwaad-da)

2

Ishu u bogto; wanaag; toolmooni.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Jeel

DHAABAN
1

(Jeel-ka)

2

Wixii dhab loo jecel yahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda ama raaxadooda, kd., u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Qaayibid

DHAABAN
1

(Qaayibid-da)

2

1. Wax cusub ama aan la arki jirin si fiican ugu dhex noolaansho, ugu dhaqmid, u barasho, jabsasho.

3

2. Wax u bogid, jeclaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Quluud

DHAABAN
1

(Quluud-da)

2

Ulajeeddo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti, xallad; milgo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Raaxo

DHAABAN
1

(Raaxa-da)

2

1. Nasasho oogada iyo maanku helaan oo u jeelaan oo ayan dhib iyo xanuun iyo naxdin iyo welwel iyo wax kale oo la qoonsado, midna arag.

3

2. Sida ama waxa la dareemo kolka wax jilicsan oo oogadu u bogto lagu fariisto ama lagu jiifsado ama la fuulo.

4

3. Nasasho; daaltirasho; bojiino.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Xarrago

DHAABAN
1

(Xarraga-da)

2

1. Hab wixii arkaa u bogaan oo ama loo socdo ama loo qaato dhar cusub ama qaali ah ama si gaar ah loo jaangooyey ama loo tolay; mardaaddi; xashaash; shoob.

3

2. Qurux; wanaag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bilic

DHAABAN

m.dh Muuqaal indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bilicsan

DHAABAN

f.mg4 (-naa, -nayd) Wax muuqaalkooda indhuhu u bogaan oo ay aad u jecleystaan ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bogaad

DHAABAN

m.l U bogid; qiimayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

jeel

DHAABAN
1

jeel¹: m.l 1. Wixii dhab loo jecelyahay, araggooda ama maqalkooda ama dhadhankooda, iyo wixi lamida, u bogidda, jamaadda iyo macaanka laga helo. 2. Dareen rabitaan oo ku abuurma xoolaha marka ay waayaan dhanaan. 3. (-lal, m.dh) Meesha dadka dembiga gala lagu xiro; xabsi.

2

jeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) 1. U j.: wax u jeel qabid; wax xiisayn. 2. U j.: xoolo si aad ah dhanaan u rabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

laabraac

DHAABAN
1

laabraac¹: m.l U bogid wax loo bogo oo niyadda laga jeclaysto.

2

laabraac²: f.g1 (-cay, -cday) Wax loo bogo laabta ka raacid, ka jeclaysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

macaanso

DHAABAN

f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax dhadhankiisa jeclaysasho. 2. Sheeko, salaax, iyo wixi lamida u bogid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

milicso

DHAABAN

f.g3 (-saday, -satay) 1. Wax laabtu u bogtay eegistooda isha la raacid. 2. Wax degdeg u eegid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miliilic

DHAABAN
1

miliilic¹: m.l Eegitaan isha lala sii raaco wax ay laabtu u bogtay. la-mid: miliilicid.

2

miliilic²: f.g1 (-cay, -cday) Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

miliilico

DHAABAN

f.g3 (-cday, -catay) Wax ay laabtu u bogtay eegitaankooda isha la sii raacid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

quluud

DHAABAN

m.dh Ulajeedo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti; xallad; milgo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ku_oog

DHAFANDHAAF
1

de: blame, condemn, treat like a criminal

2

lx: ku oog

3

pd: (oogay)

4

ps: v1=expr

5

xe: The guilt of the crime was put on them.

6

xv: Dambigii lagu oogay.

7

key: ku_oog

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ku_rog

DHAFANDHAAF
1

de: dump s.t. on ~ upon; cover over with s.t.

2

lx: ku rog

3

pd: (rogay)

4

ps: v1=expr

5

key: ku_rog

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Bog

DHAFANDHAAF
1

(Bog-ga)

2

1. Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka oogada nafleyda.

3

2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

bog

DHAFANDHAAF
1

: m.l (-gag, m.l) 1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.

2

bog²: m.l (cilmiga naflayda) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada.

3

bog³: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

bog

DHAFANDHAAF
1

bog¹: m.l (-gag, m.l) 1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.

2

bog²: m.l (cilmiga naflayda) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada..

3

bog³: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay. m.f.dh, bogid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Bog

DHAFANDHAAF

Page

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

bog

DHAFANDHAAF
1

v. finish; be satisfied with

2

bog m. n. side; page

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

bog

DHAFANDHAAF

/boog/ (n) ciid ama dhul goyan oo jilicsan (badanaa wax lugu beerto); dhiiga leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

bog

DHAFANDHAAF
1

-ga: (n) [Pl. bogog-ga] page (peeyj); side (saaydh) baalka buugga iwm

2

u bog -gaytay: (v) find pleasant or attractive; like (laayk)

3

ka bogo -bogtay / bogatay: (v) take one's time; give oneself time

waa la naqliyay ✓

Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]

Bog

DHAFANDHAAF
1

Pagina

2

Page

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]

bog

DHAFANDHAAF

/bog/ (n) 1. dhul eed fashag ing eh. (v) 2. dhiighothow, dhiighy galow, ky hirimow. The car bogged down in the snow.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bog

DHAFANDHAAF
1

(fal) «u ~» jeclayso wax sida uu u socdo, ku farax, ku rayray. Baxsaneey Badri wuu u bogay habkaad u tunteen dhaantada.

2

bog: (fal) wax qabya ahaa dhammaystir. Hararkii waa la bogay. Dh: ebi.

3

bog-ga: (magac, lab, keli) muruq ballaadhan oo kala xidha uurka iyo saableyda noolayda lafdhabarta leh. Badhtamaha habeenkii, saw ma soo baraarugo, oo boggaygu kuma tabo.

4

bog-ga: (magac, lab, keli) baalka xaashida ama warqad labadeeda dhinac midkood, waraaqadaha buugga ee tirooyinka leh. Buuga cusub laba bog baan ka akhriyey.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

bog

DHAFANDHAAF
1

de: side; page

2

lx: bog

3

pd: (-ga Pl: bogag (ga))

4

ps: n4-m

5

key: bog

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]

bog

DHAFANDHAAF

صَفْحَة

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]

bog

DHAFANDHAAF

n., doxbo, -adi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

u_eg

DHAFANDHAAF
1

de: look like, resemble; be similar to

2

initial: u

3

lx: u eg

4

pd: (ekaa)

5

ps: adj-expr

6

xe: She resembles him.

7

xv: Isaga ayay u egtahay.

8

key: u_eg

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ubbo

DHAFANDHAAF
1

(Ubba-da)

2

1. (gobollada qaarkood) weel wixii shubma lagu shubto oo ama dhirta mayraxdeeda laga tolo ama dhalo ama dhoobo ama bir, kd. laga sameeyo, oo leh sur dhuuban oo yaryar; dhalo; quraarad; weyso.

3

2. (gobollada qaarkood) geed-saarka faalala jaad ka mid ah oo yeesha miro sur dheer oo sal weyn; miruhu kolkay waaweynaadaan, inta la engejiyo oo iniinaha iyo buruqda laga saaro, baa weelal laga dhigtaa oo subagga iyo biyaha, kd. lagu shubtaa; quluc.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ubbo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

ubbo

DHAFANDHAAF

m.dh (-ooyin, m.l) 1. Weel badanaa argeeg ka samaysan oo sal ballaaran iyo qoor dhuuban oo weesada lagu shubto. 2. Quluc.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ubbo

DHAFANDHAAF

f. n. plant species used for making a water container (resembling a gourd ~ pumpkin); water bottle

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]

UBBO

DHAFANDHAAF

(Ubo) S Lagenaria siceraria (Molina) Standl. Cucurbitaceae.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

ubbo

DHAFANDHAAF

-ubbada: (n) flask (fa-laaski); for carrying drinking water ~ buraashad

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ubbo

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) geedsaar faalala oo bixiya midho sur dheer, salka hoose na ballaadhan oo weyn. Midhaha ubbadu kolka ay bislaadaan, inta la engejiyo oo iniinta iyo buruqda laga saaro, ayaa weelal laga dhigtaa oo biyaha, subagga, iyo wixii la mid ah ayaa lagu shubtaa. Dh: quluc.

2

ubbo -da: (magac, dhedig, keli) weel sur dhuuban oo sal ballaadhan oo midhaha geedsaarka ubbada laga sameeyo. Inta la xoldho ayaa laga dhigtaa weel lagu shubto subag ama caano. Ubbo subag ah ayaa laga keenay reerkeennil miyi

3

ubbo ubax -da: (magac, dhedig, keli) qaybta dheddigga ee ubaxa, taas oo ka kooban hal kaarbale, ama koox kaarbale ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ubbo

DHAFANDHAAF
1

cf: quluc

2

de: plant sp. used for making a water container (resembling a gourd ~ pumpkin); water bottle

3

initial: u

4

lx: ubbo

5

pd: (/da)

6

ps: n6-f

7

key: ubbo

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

uboc

DHAFANDHAAF

f. n. stomach

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

uboc

DHAFANDHAAF
1

a: ubuc

2

de: stomach

3

initial: u

4

lx: uboc

5

pd: (-da)

6

ps: n2a-f

7

key: uboc

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

uubo

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: uub.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

uubo

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) carun iyo dhamceer ka timaada xooluha marka ay dhalaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tobog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) geedquwaax ka baxa banaannada oo laga qoro agabka guryaha sida mooyaha iyo wanantumaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

u_dig

DHAFANDHAAF
1

de: warn s.o., advise s.o. about s.t.

2

initial: u

3

lx: u dig

4

pd: (digay)

5

ps: v1=expr

6

key: u_dig

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xobog

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) layiig cad oo qayacatada ku dul hadha kolka maydhaxda laga duro.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ka_bogo

DHAFANDHAAF
1

de: take one's time to do s.t.

2

lx: ka bogo

3

pd: (bogtay)

4

ps: v3b=expr

5

key: ka_bogo

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

ku_beeg

DHAFANDHAAF
1

de: align, make s.t. correspond to ~ coincide with s.t. else; direct

2

lx: ku beeg

3

pd: (beegay)

4

ps: v1=expr

5

key: ku_beeg

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

u_subag

DHAFANDHAAF
1

de: rub ~ put ghee on

2

initial: u

3

lx: u subag

4

pd: (subkay / subagtay)

5

ps: v1=expr

6

key: u_subag

waa la naqliyay ✓