ereyga

u.n.

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

U.N.

DHAN

/yuu-en/ (abbr) (united nations, oo la soo gaabiyey ~ qaramada midoobay).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Arxamid

DHAABAN
1

(Arxamid-da)

2

Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caadaysad

DHAABAN
1

(Caadaysad-ka)

2

Caado ka dhigad; caado u noqod; (ama caadeysad).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caadaysasho

DHAABAN
1

(Caadaysasha-da)

2

Caado ka dhigasho; caado u noqosho; wax u barasho; (ama caadeysasho).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caari

DHAABAN
1

(Caari-da)

2

(bad; kd.) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid; (ama caarid).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caaryid

DHAABAN
1

(Caaryid-da)

2

1. (bad) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid.

3

2. (ku caaryid) Meel xeeb ah baddu geyn, ku tufid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Caymad

DHAABAN
1

(Caymad-ka)

2

1. Wax badan oo lumay, xoogaa ka harid, u nabadgelid.

3

2. (guud ahaan) nabadgelid; badbaadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ciidmid

DHAABAN
1

(Ciidmid-da)

2

Ciidan u noqod, u keenid: ciidan dagaallama siin, u dirid; xoog ugu gargaarid; u hiilin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuntamid

DHAABAN
1

(Cuntamid-da)

2

(u cuntamid) Cunto u noqon kara; u dhigmid; u qalmid; ku habboonaansho; istaahilid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabammarid

DHAABAN
1

(Dabammarid-da)

2

Weydaarasho; dib u noqosho; dhabarjebin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dawggelid

DHAABAN
1

(Dawggelid-da)

2

1. Waddo isu fariisasho, gaadmo darteed; cimilgelid; kuurgelid.

3

2. (ugu dawggelid) Sabab u noqosho; ugu soo halrarasho; eersasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhalid

DHAABAN
1

(Dhalid-da)

2

1. Ummulid.

3

2. Ilmo ama carruur aabbe ama hooyo u noqosho.

4

3. Soo saarid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhibaad

DHAABAN
1

(Dhibaad-da)

2

1. Xoolaha xagga reerka gabadha laga guursadey ka yimaada oo kolkii laysu geeyo iyagaas iyo yaradka (xoolaha ninka wax guursadey xaggiisa ka imanaya), aqalka cusub oo la dhisa hayo dhaqaalihiisa gundhig u noqda.

3

2. Dhiigga dumarku bishiiba kol helo; xayl; caado; dhibaaji.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dibuggurasho

DHAABAN
1

(Dibuggurasha-da)

2

Xaggii laga yimid iyo gadaal aayar u socosho. u noqosho; dib u faagasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dibusocod

DHAABAN
1

* (Dibusocod-ka)

2

1. Gadaal iyo docdii laga yimid u noqona haya.

3

2. Aan oggoolayn arrimaha cusub oo hadba ilbuxu soo saara hayo; arkijireyddoon; rajci.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Eersasho

DHAABAN
1

(Eersasha-da)

2

Sabab u noqosho; ugu soo halrarasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fanjeedin

DHAABAN
1

(Fanjeedin-ta)

2

Fanka u duwid, u jeedin; dhabar u duwid; dib u noqosho ama u laabasho; tegid; cararid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Fariisin

DHAABAN
1

(Fariisin-ka)

2

1. Wax fadhiya ka dhigid; meel dejin.

3

2. Jago u dhiibid.

4

3. Caano, subag, kd. garoorin.

5

4. (lo', kd.) docda qofka lisa hayaa ka fariisto.

6

5. Lacag ama wax kale oo ardayga cusub laga baxsho oo dugsiga la siiyo.

7

6. Hormaris qofka wax weyn gadanayaa sii hormariyo oo iibka kalsooni u noqda.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Farow

DHAABAN
1

(Farow-ga)

2

1. Gammaanka jaad kamid ah oo Afrika keliya laga helo; wuxuu lee yahay oogo cad oo daliigo madmadow oo dheerdheeri ku wada dhilan yihiin.

3

2. Xoolaha aad u naaxa oo dhinacyada laallaab iyo daliigo ku yeesha.

4

3. Xararka rarada, kd., lagu dhigo jaad kamid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Garabgelid

DHAABAN
1

(Garabgelid-da)

2

Garab iyo tiir u noqosho; kaalmayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Garabyeel

DHAABAN
1

(Garabyeel-ka)

2

Garab u noqod; taageero; kaalmo: hiillo; tiiris.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

U.K.

DHAFANDHAAF

/yuu key/ (abbr) (n) (United Kingdom oo la soo gaabiyey ~ ingiriiska).

waa la naqliyay ✓