ereyga

u.k.

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

U.K.

DHAN

/yuu key/ (abbr) (n) (United Kingdom oo la soo gaabiyey ~ ingiriiska).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Afhaye

DHAABAN
1

(Afhaya-ha)

2

Qof dadka afaf kala duwan ku hadla, u kala afceliya; afceliye; turjumaan

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Aroorin

DHAABAN
1

(Aroorin-ta)

2

1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.

3

2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.

4

3. Qof hurda riyo wax ku tusid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ayaan

DHAABAN
1

(Ayaan-ka)

2

1. Xoog la moodo inuu dadka u keeno xumaan ama samaan; cawo; hoodo; ul; nasiib;

3

2. (Ayaan-ta) Qorrax-soo-baxa iyo qorraxdhaca inta u dhexaysa oo iftiinka ah; maalin; dharaar; casho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Barnaamij

DHAABAN
1

(Barnaamij-ka)

2

Wax la qoro oo hawlo ama tartammo la samaynayo, sida ay u dhacayaan ama u kala horraynayaan, laga ogaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Basbaas

DHAABAN
1

(Basbaas-ka)

2

Geed la beerto oo dhala miro la cuno oo aad u kulul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Burbur

DHAABAN
1

(Burbur-ka)

2

Wax cad cad yaryar oo badan u kala jajabay; jajab; iniino.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Carraabin

DHAABAN
1

(Carraabin-ta)

2

1. Galab, wax meel u kaxayn, meel u dirid.

3

2. (marti) inay hoyato u diidid oo iska gudbin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ciidmid

DHAABAN
1

(Ciidmid-da)

2

Ciidan u noqod, u keenid: ciidan dagaallama siin, u dirid; xoog ugu gargaarid; u hiilin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cudaddaar

DHAABAN
1

(Cudaddaar-ka)

2

Arrinta ama sababta qof gef uga dhacay, oo caddaynaya inuusan u kasin ama ay garti tahay; wax laysugu garaabo; marmarsiinyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cuq

DHAABAN
1

(Cuq-da)

2

Dulfariisadka shinbiruhu ugaxdooda dul fariistaan oo u kululeeyaan taniyo inta ay ka dillaacaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dabiib

DHAABAN
1

(Dabiib-ka)

2

1. Qof buka geedo u karis; dacarfaal.

3

2. Takhtar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dallicin

DHAABAN
1

(Dallicin-ta)

2

Kor u qaadid; darajo u kordhin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhabxanag

DHAABAN
1

(Dhabxanag-ga)

2

Afka saqafkiisa kore oo u kala baxa dhinac laf leh oo adag oo ilkaha xiga, iyo dhinac jilicsan oo hilib leh oo dalqada xiga, (ama dhanxarag, dhanxanag, dhanxalag).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhallaandhuux

DHAABAN
1

(Dhallaandhuux-a)

2

Geed-saar dhirta ku baxa oo leh caano aad u kulul oo cudurrada indhaha qaarkood lagu daweeyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhasiig

DHAABAN
1

(Dhasiig-ga)

2

Wax lays faray oo layska dhega'adkeeyo ama diiddo aammusan iyo u kicid la'aan laga horkeeno; (ama dhansiig).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dheddig

DHAABAN
1

(Dheddig-ga)

2

Magac guud oo kooba labada jaad oo nafleydu u kala baxdo, kan wax dhala oo nuujiya; dheddigood; dumar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dheellitirnaan

DHAABAN
1

(Dheellitirnaan-ta)

2

Wax aan doc culaysku u badnayn ee u kala baran yahay, ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dheerayn

DHAABAN
1

(Dheerayn-ta)

2

1. Wax dheereeya ahaansho; orod badi.

3

2. Wax dheer ka dhigid; dhererka u kordhin.

4

3. (ka dheerayn) a) Tartanka ka orod badin; dhiqid. b) Ka fogayn; ka durkin. c) Labo is le'ekaa midkood, dhererka wax ugu darid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhexsocoto

DHAABAN
1

(Dhexsocota-da)

2

1. Hadallo yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo xubnaha gabayada, heesaha, kd., la geliyo; dhextaal.

3

2. Dadka dadka hadalka u kala qaada ama dowlad u adeegu oo warka u geeya; jaasuus; basaas; warxungee.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhulbar

DHAABAN
1

(Dhulbar-ka, Dhulbar-ta)

2

Xarriiq male ku dhisan oo dhulka ku wareegsan, oo meesheed walba iyo dhulka labadiisa udub (madax) weligood isku in isu jiraan; labo bar oo is le'eg bay dhulka u kala goysaa; barka woqooyi iyo barka koofure.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

U.N.

DHAFANDHAAF

/yuu-en/ (abbr) (united nations, oo la soo gaabiyey ~ qaramada midoobay).

waa la naqliyay ✓