u'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u'
de: U [letter of the Somali alphabet]
initial: u
lx: u'
pd: (-da)
ps: n-f
key: u'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafo
(Aafa-da)
Dhibaato aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abasax
(Abasax-a)
(geel, ...) hashu kolka ay u baahan tahay awrka, sida ay tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaan
(Abbaan-ka)
Dad u taliya; madax; magangeliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanduule
(Abbaanduula-ha)
Col ama ciidan duullaan ah, kan u madax ah; colwade; maqaddin (ama ammaanduule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaarid
(Abbaarid-da)
Leexleexad la'aan iyo toos u aadid; (ku abbaarid): ku toosin; ku duwid; ku aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abhin
(Abhin-ta)
Qof laga baqa hayo, ama wax laga celina hayo, hadal saameeya oo uu ka baqo, (sida: Allaahaa hadduu Alla yahay), kula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboor
(Aboor-ka)
Cayayaan beelo beelo u dega oo dundumooyinka sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bu'
bu'¹: m.dh (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
bu'²: m.dh 1. (baayoloji) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiimika) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bu'
bu'¹: m.dh (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
bu'²: m.dh 1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bu'
-da: (n) core (koor); nucleus (niyuukilyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bu'
-da: (magac, dhedig, keli) isha inta sawirka qabata ee wax lagu arko ee madaw. Bu'da ishuu nabarku kaga dhacay. Dh: inan.
bu'-da: (magac, dhedig, keli) isha biyuhu ka soo butaacaan ee ceelasha. Bu'da ceel bannaan kuma taallo. Dh: il.
bu'-da: (magac, dhedig, keli) adhiga caloolshiisa. Bu'da adhiga lama cunee ba'aye raggu hadmuu gumoobay.
bu'-da: (magac, dhedig, keli) bar yar oo ku taalla badhtamaha unugga, waana waxa xukuma nolosha iyo firfircoonida unugga. Bu'du waa halka udubdhexaadka u ah walaxda u yar ee shey ka samaysan yahay. Bu'da atamku waa ubucda samayska walxaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bu'
de: eyeball; anything round filled with s.t.; stomach; [ext.] nucleus (of the atom) {physics}
lx: bu'
pd: (-da)
ps: n0-f
key: bu'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
du'
f.a eeg duw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
du'
(fal) dhinac ama doc u leexi. Saca darka ku du'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gu'
m.l 1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12- bilood; sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gu'
m.l 1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12-bilood; sano.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gu'
-ga: (n) spring (ispiring)-, raining season ~ xilliga guga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gu'
-ga: (magac, lab, keli) afarta xilli ee sannadka mid ka mid ah una dhexeeya xagaaga iyo jiilaalka. Gu' hagaagay oo da'ay iyo geela oo dhalay, ayuu guur samaadaa.
gu' -ga: (magac, lab, keli) labo iyo toban bilood oo isku noqda sannad tirsigooda. Nin gu' kaa wayni gu' ba'as kaa weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Gu'
a: Gu
cf: xilli (season), jir (year of age)
de: main rainy ~ wet season ('spring') [March through June]; [ext.] year (of age)
lx: Gu'
pd: (-a)
ps: n2a-m-time, n7-m
key: Gu'
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gu'
ربيع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hu'
-ga: (magac, lab, keli) dharka la xidho ee la isku asturo. 'Duq xun oo hu' xun huwan' ku celceli. Dh: dhar, maryo, marashi, hub, marriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ju'
inter. kneel (camel)!, down boy!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ju'
(ereycodeed) lagu fadhiisiyo awrta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ju'
de: kneel (camel)!, down boy! Order to a camel to sit or kneel down
lx: ju'
ps: intj
syn: tu', tuu
key: ju'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'
m.dh 1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la dabrayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'
-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu yidhaahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay: qayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tu'
(Tu'-da)
Cudur xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tu'
m.dh 1. Cudur xoolaha ku dhaca. 2. la-mid: tuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yu'
(fal) yur dheh. Yu' ku dheh yuu ku cunine.