u hanqaltaag
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u hanqaltaag
v. desire strongly (of something hard to obtain)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_hanqaltaag
de: desire strongly (of s.t. hard to obtain)
initial: u
lx: u hanqaltaag
nt: hanqaltaag (ga) [vn-m]
pd: (hanqaltaagay)
ps: v1=expr
key: u_hanqaltaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaltaag
hanqaltaag¹: m.l 1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.
hanqaltaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) U h.: Wax aan helitaankoodu sahlanayn higsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanqaltaag
hanqaltaag¹: m.l 1. Si wax fog loo arko hanqalka oo kor loo taago. 2. Wax aan helitaankoodu sahlanayn oo la higsado.
hanqaltaag²: f.mg1 (-gay, -gtay) U h.: Wax aan helitaankoodu sahlanayn higsasho. m.f.dh, hanqaltaagid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanqaltaag
-ay / tay: (v) [with preposition u] try to achieve or get something difficult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaltaag
(fal) wax maqan oo la filayo, rajo iyo sugid u lahaw.
hanqaltaag-ga: (magac, lab, keli) rajo iyo sugid wax aad loogu hanweyn yahay la sugo. Dh: hiyikac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hando
(fal) «u ~» doono; weydiiso; u hanqaltaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himbilood
-ka: (magac, lab, keli) laabkajeclaysi iyo u hanqaltaagid.
himbilood -ka: (magac, lab, keli) meel diirka sogsogtu ku badan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaase
-ha: (magac, lab, keli) cadho ficil iyo gadood ah oo ku dhacda qof lammaanihiisa ku tuhunsan inuu cid kale la wadaago ama u hanqaltaagayo. Dh: masayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanqalaal
(Hanqalaal-ka)
Daloolka sanka iyo afka u dhexeeya; meesha sanka iyo afku isaga furan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqalaal
m.l (-llo, m.dh) Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanqalaal
m.l (-llo, m.dh) Daloolka meesha sanka iyo afku isaga furanyihiin ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanqalaal
m. n. base of nose, where it joins upper lip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqalaal
-ka: (magac, lab, keli) daloolka afka iyo sanka u dhexeeya ee ay isaga furan yihiin. Hangalaalku haduu ku xidhmo sanqada ayaa laga hadlaa. Dh: bacaraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanqalaal
de: base of nose, where it joins upper lip
lx: hanqalaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hanqalaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalnaan
m.f.dh eeg dhanqalan³. la-mid: dhanqalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanqaltaagid
m.f.dh eeg hanqaltaag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaltaagid
-da: (magac, dhedig, keli) rajayn iyo niyad kicid aad ah. Dh: hiyikicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalac
dhanqalac¹: m.l la-mid: dhanqalan¹.
dhanqalac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: dhanqalan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalan
dhanqalan¹: m.l 1. Harraad aad u badan oo qofku hadalka kari waayo. 2. D. ah: qof harraad aad u badani hayo. la-mid: dhankalax¹, dhanqalac¹.
dhanqalan²: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax harraad aad u badani hayo noqosho (qof). la-mid: dhankalax², dhanqalac².
dhanqalan³: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax harraad aad u badani hayo ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanxalag
m.l la-mid: dhabxanag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhanqallal
-ka: (magac, lab, keli) cudur xididdada maskaxda dadka ku dhaca oo labada dhinac ee jidhka midkood uu shaqayn waayo. Dh: faalij.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hangalan ahaan. Dh: hengelnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanqaltaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) «u» laabta la kicid oo wax maqan dhawrid; rajo weyn qabid.