u go'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u go'
-ay / day: (v) devote (di-voowt); dedicate (dedi-keeyt); committ (kom-mit) ~ u go' ~ Ex: shaqadiisa ayuu u go 'ay; he is devoted to his work
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagse
(Agaagsa-ha)
Qof wax badan helay (hilib; lacag, ...) wax yar oo uu u gooyo kii aan wax helin, ama laga qaado; xoolaha la soo dhaco, waxa laga baxsho; loog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadeyn
(Cadeyn-ta)
Cad cad u googgoyn; yaryarayn; cadadeyn; jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalkummar
* (Dalkummar-ka)
Xaashiyo rasmi ah oo buug qaabki leh oo dawladi dadkeeda dalal shisheeye u socdaalaya u goyso; waxay caddaynayaan haybta iyo tolka qofka. Qofkii sitaa wuxuu dalkiisa iyo dalalka shisheeyahaba ka mudan yahay in la dhawro oo xumi iyo dhibba laga ilaaliyo. Baasaboor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhifsasho
(Dhifsasha-da)
Wax meel ku yaal ama qof hayo, si degdeg iyo xoog leh u goosasho; xoog ku qaadasho; wax la boodid; (ama dhufsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diisan
Hoos u gotey, dillaac la'aan, xoog ama baari la saaray darti; riixan; buusan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaltow
(Faaltow-ga)
1. (bad) markab aan waqti u go'an ku socon; aan kolkuu imanayo iyo kolkuu tegayo midna la aqoon oo aan lagu tashan karin.
2. Aan dhab ahayn; aan rasmi ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fagaarayn
(Fagaarayn-ta)
(u fagaarayn) legdan, feer, tartan, dabbaaldeg, kd.. meel fagaare ah oo la wada joogo u samayn, u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faquuqid
(Faquuqid-da)
Gooni u saarid, u eryid, u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraqabsi
(Faraqabsi-ga)
1. Waxa yar oo u horreeya oo ganacsiga lagu bilaabo.
2. Ul ama jeedal ama tusbax ama wax kaloo la mid ah oo la qaato, si aan faruhu u gororin; farallaab.
3. Lacag waxyaalaha yaryar lagu gato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finiinsasho
(Finiinsasha-da)
Mid wax badan oo wadajira oo carara haya kamid ah, gooni u leexsasho, u goosasho, u ceyrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foororsasho
(Foororsasha-da)
Iyadoo la taagan yahay, qaarka sare, horay iyo hoos u laallaadin, u godid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golaadin
(Golaadin-ta)
Wax dhici doona ama in la sameeyo la doona hayo, sidii loo maamuli lahaa iyo golihii lagu dhigi lahaa sii darbid; golaxaarid.
2. (u golaadin) sidii qof, kd., u fali lahaa waxa la gudboon ama laga doonayo ama laga filayo ama laga sugayo, kansho u siin; ka malaysasho; golayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golayn
(Golayn-ta)
1. Gol ka dhigid.
2. Gole ka dhigid.
3. Gole u dhigid; u fagaarayn; u golaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golxo
(Golxa-da)
Qaarka kore oo waxyar horay u godan; horay u qooxnaan yar; hongod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosasho
(Goosasha-da)
1. Goyn, qof isaga darti wax u goynayo; goosad.
2. Mutaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobal
(Hoobal-ka)
1. Qof farshaxannimada iyo falsamida u go'ay ama yaqaan ama jecel.
2. Shayddaanka cayaaraha la tunto, aabbaha u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jildhaaf
(Jildhaaf-ta)
1. Naagta dhibaaddu (xayl) ka tagto oo jilka lagu helo dhaafta; sunnaggoys.
2. Naagta dhibaaddeedu boodbooddo oo ayan lahayn waqti u go'an oo loo yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkir
(Kirkir-ka)
1. Mindi (ama qalab kale oo) aan af lahayn sida ay wax u goyso.
2. Goynta jaadkaas ah, raadka ay reebto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Loolin
(Loolin-ta)
Mindi iyo wax la mid ah, oo lool la marmariyo si ay wax u goyso; afayn; lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqaarsaar
(Maqaarsaar-ka)
(xoolo) ilmo dhintay oo maqaarkooda ilmo kale la saaro, si neefkii dhalay ugu dagmo oo u godlado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungo'
-a: (magac, lab, keli) wax dunida ka dhammaaday noqo. Dh: sayngo', cayngo', dabargo'.
dungo' -a: (magac, lab, keli) wax dunida ka dhammaaday noqosho. Dungo' buu maroodigii ku noqday dhulka Soomaalida. Dh: sayngo', cayngo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Meel wax laga doonay ka waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luggo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Meel wax laga doonay ka waayid. m.f.dh, luggo'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luggo'
v. make a fruitless effort, strive in vain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luggo'
-luggo'ay / day: (v) waste effort; get nowhere; labor in vain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggo'
(fal) ku hongow wax aad dan u lahayd ood wax ka sugaysay; meel aad wax u doonatay ku hungoob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
luggo'
de: make a fruitless effort, strive in vain Lit: cut off the foot
lx: luggo'
pd: (luggo'ay)
ps: v1=idiom
key: luggo'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurgo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Cid dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'
(Go'-a)
1. Wax labo cad ama ka badan u kala go'ay midkood; cad: jeex; gabal; qaar.
2. Maro labo qeyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'
go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
go'
go'¹: m.l (-'yaal, m.l/dh) 1. Maro aan afka isaga tolnayn oo raggu xirto ama huwado. 2. Gabal; cad.
go'²: f.mg1 (-'ay, -'day) 1. Wax meel ka jarmid. 2. Dhimasho. 3. Wax wada jiray qaar, goonni uga soocmid. 4. U g.: niyadda wada siin. 5. Biyo iyo wixi lamida meel ka dhammmaansho. 5. Caano baqid. m.f.dh, go'id.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
go'
-ay / day: (v) 1. become separated in two pieces: break off (bareek of), cut off (kat of). Ex: xarrigii wuu go'ay; the rope had broken off. 2. die (dhaay), pass away
go' -a: (n) sheet (shiit), a broad rectangular piece of cloth serving as a basic article of bedding or clothing ~ maro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'
(fal) naftu ha kaa baxdo. Dh: dhimo.
go': (fal) (kala ~) labo u kala jaran. Xadhigaa go' wallee hashanaan gaawe laga buuxin.
go'-a: (magac, lab, keli) maro la huwado oo ballaadhan marmarna xarrago loo qaato. Wiilka go' baan u sidaa gabadhana guntiino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uugo
m.dh (-ooyin, m.l) Dhawaaq wiilka geela jiraa sameeyo markuu rabo inuu isu ururiyo. la-mid: uujo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilgo'
-a: (magac, lab, keli) eeg ildarro.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
U gee
Add
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u gee
-yey / geysey: (v) deliver (di-li-ver); bring (biring) ~ gaarsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u ergow
v. apologize to someone; get someone's approval for something