u dhexaysa
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
U dhexaysa
Between
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afar
(Afar-ta)
Tirada saddexda iyo shanta u dhexaysa (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arbaca
(Arbaca-da)
Maalinta afraad oo toddobaadka; maalinta Talaadada iyo Khamiista u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Axad
1. (Axad-da) Maalinta koowaad oo toddobaadka: Sabtida iyo Isniinta bay u dhexaysaa.
2. (Axad-ka) qof; ruux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayaan
(Ayaan-ka)
1. Xoog la moodo inuu dadka u keeno xumaan ama samaan; cawo; hoodo; ul; nasiib;
2. (Ayaan-ta) Qorrax-soo-baxa iyo qorraxdhaca inta u dhexaysa oo iftiinka ah; maalin; dharaar; casho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bartame
(Bartama-ha)
Meesha u dhexaysa; kalabbar; bartan; wadaage.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayaxaw
(Bayaxaw-da)
1. Xiddigta u dhexaysa garbo iyo gudban.
2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Berri
(Berri-da)
Maalinta la joogo, tan ka danbaysa oo soo socota; maalinta maanta iyo saaddanbe u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bowdo
(Bowda-da)
Lugta inteeda u dhexaysa lowga iyo sinta; tar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirib
(Cirib-ta)
1. Cagta dadka meesha ugu danbaysa oo adag oo u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta.
2. Cirib-danbeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudud
(Cudud-da)
1. (gacan, jeeni) inta garabka iyo xusulka u dhexaysa; jin.
2. Xoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cune
(Cuna-ha)
1. Dhuunta cunnadu marto oo u dhexaysa afka iyo caloosha, qaarkeeda sare; hunguri; dhuun; booc; xabag; dig.
2. Wax cuna; cunaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayr
(Dayr-ta)
Afarta nur oo sanadu u qaybsanto mid kamid ah, oo roob leh: waxay u dhexaysaa xagaaga iyo diraacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhab
(Dhab-ta)
Aan cayaar iyo kaftan ahayn ee run ah; wax jira; wax sugan.
2. Oogada dadka inteeda u dhexaysa laabxuunshada iyo lowyaha oo kolka qofku fadhiyo lagu qaban karo ama lagu hayn karo wax kasta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dherer
(Dherer-ka)
Salka iyo baarku intay isu jiraan; madaxa iyo cagaha inta u dhexaysa; (wax) afka laga bilaabay iyo afka uu ku dhammaaday intay isu jiraan; joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhudhun
(Dhudhun-ka)
1. Gacanta inta u dhexaysa xusulka iyo sacabka.
2. (cabbir) dhudhunka iyo sacabka oo fidsan, oo is wata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duubi
(Duubi-ga)
1. Qof la duubay oo waayeel laga dhigtay.
2. Lugta xoolaha xubin kamid ah oo u dhexaysa bowdada iyo dhudhunka majinta; shansho.
3. (xarig, kd.) Xirmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faadumo
(Faaduma-da)
Farta u dhexaysa fardhaxada iyo faryarada; kayaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fan
(Fan-ka)
1. (gammaan) meesha kooraha la saaro iyo qanaanta inta u dhexaysa.
2.* Falsami; Farshaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaashaanle
(Gaashaanla-ha)
1.* (ciidanka qalabka sida) darajo u dhexaysa Sarreeyaha iyo Dhammaha.
2. Saryanka saantiisa gaashaammada laga goosto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhegaysad
-ka: (magac, lab, keli) labo qof iyo in ka badan, wax isku sheegid oo ismaqlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexayn
(Dhexayn-ta)
Meel dhex ah joogid ama ku jirid; labo wax dhexdood ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexayn
m.f.dh eeg dhexee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhexayn
Betweenness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhegaysi
-ga: (n) the act of hearing or listening (lisining) ~ dhegeysad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegayso
(fal) maqal wax lagu hadlayo; dhegta u dhig wax la leeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isdhegaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg isdhegaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacaysad
m.l la-mid: qundhacaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhexdhac
v. fall into (the midst of) something; intervene
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku dhexnool
Comp. adj., (ie. n., adj.): living among (others)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku shaqayso
v. exploit, take advantage of, use
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacaysi
m.l la-mid: qundhacaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qundhacayso
f.mg3 (-stay, -satay) Kulka qorraxda isku diirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saddexeysad
m.l la-mid: saddexeysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u tusmaysan
adj., [expression] facing ~ opposite, directly in front of
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqaysad
m.l la-mid: dhuqdhuqaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadaysan
(tilmaame) qof fadeexadoobay; qof ceeboobay.