u
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
U
(u')
1. Xarafka 20d. oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
2. Meesha ama docda loo socdo, sida: xaggee baad u socotaa? Xamar baan u socdaa.
3. Qofka aan lala hadlayn magac-uyaalki wax la taarto ama darti wax loo sameeyo; (wiilka u yeer; naagta aqal u dhis).
-u — (wuxuu la macne yahay -i).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
u
u¹: m.dh (u') Xarafka labaatanaad ee alifba'da af Soomaaliga, waana shaqal.
u²: h (naxwe) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tusaale: “Halkaa u orod!”; b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tusaale: “Cali baan u tagay”; c) qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tusaale: “Naagta aqal u dhis!”; d) qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tusaale: “Si wanaagsan u samee!”, “Maxaad u soo iibsatay?”; e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tusaale: “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
u
u¹: (u') m.dh Xarafka labaatanaad ee alifba'da af Soomaaliga, waa shaqal.
u²: h (naxwe) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira jiho la aado. Tusaale: Halkaa u orod! b) qurub la xiriira qofka loo aado. Tusaale: Cali baan u tagay. c) qurub la xiriira qof ama shay daraaddiis wax loo sameeyo. Tusaale: Naagta aqal u dhis! d) qurub la xiriira habka ama sababta wax loo sameeyo. Tusaale: Si wanaagsan u samee! Maxaad u soo iibsatay? e) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tusaale: Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u
prep: to, towards; for, on behalf of
u prep: most, -est [superlative.]
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
U
le, lui. la, elle, les, eux. elles (complément d'objet).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
u
-da: (n) twentieth [2O'h ] letter of the Somali alphabet, according to the style used by this dictionary, it is a vowel ~ shaqal
u (proposition) to (tu); for (foor) Ex: maamulaha dugsiga u tag; go to the school principle
u: (pronoun) you with intransitive verb. Ex: u sheeg; you tell him. u gee; bring someone [deliver]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
u
(u'): xarafka labaatanaad ee xuruufta Af Soomaaliga oo ah shaqal gaaban u qorma: U, u.
u: (magacuyaal) qofka aan lala hadlayne wax la taarto ama dartii wax loo sammeeyo. Wiilka casharka u mari. Inanta dugsiga u dir.
u: (meeleeye) tilmaamaya halka loo socdo. Xaggee baad u safraysaa? Hargeysa ayaan u socdaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
u
لـ، لأجل
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafo
(Aafa-da)
Dhibaato aad u weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammiin
(Aammiin-ta)
Erey ducada dabadeeda la yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay Ilaahow aqbal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abasax
(Abasax-a)
(geel, ...) hashu kolka ay u baahan tahay awrka, sida ay tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaan
(Abbaan-ka)
Dad u taliya; madax; magangeliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaanduule
(Abbaanduula-ha)
Col ama ciidan duullaan ah, kan u madax ah; colwade; maqaddin (ama ammaanduule).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaarid
(Abbaarid-da)
Leexleexad la'aan iyo toos u aadid; (ku abbaarid): ku toosin; ku duwid; ku aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeesow
(Abeesow-ga)
Cudur oogada dadka ku dhaca oo haraggu u ekaado haragga abeesada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abhin
(Abhin-ta)
Qof laga baqa hayo, ama wax laga celina hayo, hadal saameeya oo uu ka baqo, (sida: Allaahaa hadduu Alla yahay), kula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aboor
(Aboor-ka)
Cayayaan beelo beelo u dega oo dundumooyinka sameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.