tuweel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuweel
*(Tuweel-ka)
Cad maro ah oo duf leh oo sida tirtiraha faraha, kd. la iska mariyo; ~ tirtire (ama taweel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuweel
m.l (-llo, m.dh) la-mid: tuwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuweel
m. n. towel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuweel
a: taweel
cf: tirtire {Eng}
de: towel
initial: t
lx: tuweel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: tuweel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taweel
* (Taweel-ka)
Tuweel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taweel
m.l la-mid: tuwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taweel
m. n. towel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taweel
-ka: (magac, lab, keli) tuwaalka dhulka lagu masaxo ama jidhka lagu tirtirto. Taweelka dhulka aad u maydh Dh: tuwaalka, shukumaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taweel
a: tuweel {Eng}
de: towel
initial: t
lx: taweel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: taweel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirtire
(Tirtira-ha)
1. Geed mayrax ka samaysan, oo bul weyn oo qanaanta fardaha u eg loo yeelo, oo kolka cunnada la cuno faraha lagu tirtirto.
2. Wax kastoo wax lagu tirtiro, ~ tuweel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tirtire
bw: tuweel
de: brush; towel; anything used for wiping
initial: t
lx: tirtire
pd: (-ha)
ps: n7-m
syn: masaxad
key: tirtire
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Surweel
(Surweel-ka)
Dhar badanaa raggu qaato oo labada lugood iyo dhexda qariya; targal (ama Surwaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surweel
m.l (-llo, m.dh) la-mid: surwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surweel
m. n. trousers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
surweel
-ka: (n) trousers (taraaw-seris); pants (paantis) ~ surweel luga dheere ah
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surweel
a: surwaal
de: trousers
initial: s
lx: surweel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: surweel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weel
(Weel-ka)
1. Wax kasta oo gudo leh, oo wax lagu gurto ama lagu shubto.
2. Wax wax lagu qabsado; qalab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weel
m.l (-lal, m.l) Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weel
m.l (-lal, m.l) Wax kasta oo gudo leh oo wax lagu shubto ama lagu rido ama lagu karsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weel
m. n. vessel, container
weel m. n. utensil, implement, equipment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weel
-ka: (n) container (kon-teey-nar); receptacle (ri-sep-tikal); vessel (ve-sel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weel
-ka: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu magaacaabo mid kasta oo ka mid ah alaabta adeegga madbakha. Xeedhadu waa weel wax lagu cuno. Wa: weelal.
weel -ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo gudo leh oo wax lagu gurto lagu shubto ama wax lagu qabsado. Ha wareerine weel madhan u hiib.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
weel
مَاعُونَ إِناء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwee
mu.we.w eeg kee¹, tee¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwee
mu.we.w eeg kee¹, tee¹.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuwee
(pronoun) which ones. Ex: kuwee baad doonaysaa? which ones do you want?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwee
(magacuyaal) weydiin; kee; tee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quwee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Wax quwad u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
quwee
v. strengthen, reinforce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
quwee
-yey / quweysay: (v) make strong or increase the strength of; strengthen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quwee
(fal) wax quwad u yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
quwee
de: strengthen, reinforce
lx: quwee
pd: (quweeyey)
ps: v2b=tr
key: quwee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tewel
-ka: (magac, lab, keli) werwer iyo walaac.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
towel
(n) a piece of cloth used for drying or cleaning.
tuwaal ama shukumaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
towel
/tawal/ (n) 1. shukumaan (tuwaal) (v) 2. shukumaan isku engejin (qalajin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Wax meel dhoobid. 2. Xoolo badan meel marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubee
(fal) waddo ka dhig; marin u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buseel
(Buseel-ka)
Wax la jeclaa oo la waayey ama wax badan laga raagey tebid: jeelqab; hilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buseel
buseel¹: m.l la-mid: buseelid.
buseel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) U b.: wax u hiloobid; tebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buseel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) U b.: wax u hiloobid; tebid. m.f.dh, buseelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buseel
v. crave, long for
buseel vl. n. craving, longing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buseel
-ka: (n) nostalgia (nostawlja); crave (kareeyv) longing ~ jammasho, jeel, hillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buseel
(fal) eeg busayl.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUBEEL
(Dubel) May Hyphaene reptans Becc. Palmae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleel
duleel¹: m.l la-mid: dalool¹.
duleel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) la-mid: dalool².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duleel
m.l la-mid: dalool¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleel
m. n. hole
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleel
-ka: (n) hole (hool); gap (gaap)-, opening (owpening); cavity (kaviti) ~ hog, dalool
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleel
-ka: (magac, lab, keli) meel hoos u qodan ama daloosha. Soomaalaay dareenlay, boholaha duleeliyo, deylaanta loo qoday, dusha maro ka saaraay. Dh: dalool.
duleel -ka: (magac, lab, keli) wax isku sigib tiran meel yar oo furan oo ka bannaan. Duleelka dhegta waxa la geliyaa hilqad. Dh: dalool.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleel
de: hole
lx: duleel
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: dalool
key: duleel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huleel
(Huleel-ka)
Socod cagajiid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleel
huleel¹: m.l la-mid: huleelid.
huleel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Ka h.: Wax la rabay oo laga quustay iyada oo la cagajiidayo ka tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huleel
v. walk slowly and dejectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huleel
-ka: (magac, lab, keli) socod caajis iyo caga jiid ah. Ka huleele hagar aadankii hoobalaayn jiray e. Dh: caga jiid.
huleel: (fal) (ka ~) socod cagajiid ah, soco.
huleel -ka: (magac, lab, keli) socod cagajiid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huleel
de: walk slowly and dejectedly
lx: huleel
nt: huleel (ka) [vn-m]
pd: (huleelay)
ps: v1=
key: huleel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuleel
m. n., [abstract] heat, warmth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuleel
-ka: (n) heat (hiit); hotness (hatnes)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuleel
a: kulayl
de: heat, warmth
lx: kuleel
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: kuleel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuweer
Erey farta ku fiiqa dad ama waxyaalo ama nafley kale, labada qof oo wada hadla haya u muuqda; kuwaas; kuwoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuweer
mu.ti.w Magacuyaal tilmaame oo wadar, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tusaale: “ Waa kuweer hablihii Soomaaliyeed”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuweer
mu.ti.w Magacuyaal tilmaame oo wadar, oo wax ama cid hadlaha ka fog yarana jaahiisa ka babcan lagu tilmaansado. Tusaale: Waa kuweer hablihii Soomaaliyeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuweer
deictic, pl. those ones (in the middle distance)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuweer
(pronoun) those (thawz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuweer
(magacuyaal) tilmaamaya qofka saddexaad oo wadar ah. Kuweer taga dheh. Dh: kuwaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuweer
de: those ones (in the middle distance) Plural of -keer ~ -teer
lx: kuweer
pd: (kuweeri)
ps: deic-pl
key: kuweer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tubeec
nickname-m sweet-voiced
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tunnel
Dhuun dhuleed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tunnel
/tanal/ (n) 1. dariiq-dusmo (dariiq laga dhex-duso, sida buundo hoosteed, buur hoosteed ama mid dhulka la dhex-mariyo) (v) 2. dariiqaas jeexiddiisa.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tunnel
s.m. invar. - eeg galleria.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tunnel
tunnel, n.m. - god ama dalool laga dhex duso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuwaal
m.l (-llo, m.dh) Maro culus oo duf leh oo marka la qubaysto biyaha kora looga qallajiyo, shukumaan. la-mid: taweel, tuweel.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuwaal
m.l (-llo, m.dh) Maro culus oo duf leh oo marka la qubaysto biyaha kora looga qallajiyo, shukumaan. la-mid: taweel, tuweel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumeel
(fal) si xun u samee. Dh: xumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulbeel
(Dulbeel-ka)
(xoolaha la rarto) dhabarka nabar ama qoon ku yeelad; garbabbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulbeel
dulbeel¹: m.l Dhaawac midda uu dusha ka dhaawacmo neef gaadiid ah oo la rarto.
dulbeel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) Neef gaadiid ah dusha ka dhaawacmid rar la saaray awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulbeel
v., [compound] have a sore on the back (of animal)
dulbeel v., [compound] be impatient, lose one's patience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulbeel
-ka: (magac, lab, keli) adkaysi la'aan iyo dulqaad waayid.
dulbeel -ka: (magac, lab, keli) xamilgab muurka ku dhaca kolka uu nabar dhabarka ama garbaha ka soo baxo, rar si xun loo raray darteed. Dh: dhabarbeel, garbabeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dalooli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duleeli
v. pierce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duleeli
-yey / say: (v) pierce (piris), make a hole or opening in; perforate (peer-fareeyt); drill (diriil) ~ dalooli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleeli
(fal) duleel u samee; meel xidhan in yar ka bannee oo fur. Gabadha yar dhegta u duleeli. Dh: dalooli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duleeli
de: pierce
lx: duleeli
pd: (duleeliyey)
ps: v2a=tr
see: dalooli
key: duleeli
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hudheel
m. n. hotel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hudheel
-ka: (n) hotel (huteel); motel (mu-teel) ~ hoteel, albeergo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudheel
-ka: (magac, lab, keli) meel cuntada lagu kariyo oo dadku ka iibsadaan kana cunaan. Hudheelka ka soo cashee. Dh: makhaayad.
hudheel -ka: (magac, lab, keli) meel lacag lagu galo oo qolal la seexdo iyo meelo lagu raaxaysto leh. Hudheel fiican ayaa madaxda la dejiyaa. Dh: huteel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hudheel
a: hoteel {N < Eng}
de: hotel
lx: hudheel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hudheel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleeli
f.g2 (-iyay, -isay) Ka h.: cid wax ay lahayd ka dhaqaajin iyadoo xoog lagu muquuninayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuweeda
mu.lh.w eeg keeda¹ / teeda¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuweeda
mu.lh.w eeg keeda¹: / teeda¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuweeda
(magacuyaal) lahaansho; keeda; teeda,
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maaweel
nickname-m entertainer; amuser
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maaweel
magac loo bixiyo wiil sheeko badan oo lagu waaryo hadalkiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suweeys
pr. n., loc. Suez
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suweeys
de: Suez
initial: s
lx: Suweeys
ps: n0-loc
xe: the Suez Canal
xv: Khooriga Suweeys
key: Suweeys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagxeel
-ka: (magac, lab, keli) farshaxan iyo qurux lagu daleeyo derbiyada iyo saqafka guryaha. Tagxeel ararta waw dhigi jiree tiir an jabi hayn dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawreed
(Tawreed-da)
Kutubtii Nebi Muuse loo soo dejiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawreed
m.dh (dii.) Kitaabkii Nebi Muuse (Naxariis korkiisa ha ahaato).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawreed
m.dh (dii.) Kitaabkii Nebi Muuse (Naxariis korkiisa ha ahaato).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Tawreed
f. n. Torah (the Jewish religious book)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Tawreed
-da: (n) Torah of Moses