tuuntuunsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayo, fulinteeda waxba kala hadhid la'aan, aad ugu dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku fara adaygid ama ku tabcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunso
(fal) «ku hawl, iyo wixii la mid ah'awoodda oo dhan isugu gee, waxba ha kala hadhin. Ku tuntuunsoo hagar la'aan u qabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsad
-ka: (magac, lab, keli) hagar la'aan u qabashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsi
-ga: (magac, lab, keli) dadaalida, aan waxba lala hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunsasho
m.f.dh eeg ganuunso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manuunsasho
m.f.dh eeg manuunso. la-mid: manuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsasho
(Muquunsasha-da)
Xoog wax ku samayn, ku marsiin, diriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsasho
m.f.dh eeg muquunso. la-mid: maquunsad, maquunsasho, muquunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin. Dh: muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunsasho
(Xanuunsasha-da)
Xanuun iska dareemid; xanuun qabasho; bukood; jirrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunsasho
m.f.dh eeg xanuunso. la-mid: xanuunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bugtaan ama xanuun dubka gaadhay qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luusluusasho
m.f.dh eeg luusluuso. la-mid: luusluusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqfuuqsasho
(Fuuqfuuqsasha-da)
Dhawr jeer fuuqsasho, siiba iyadoo weel naas leh laga cabba hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqfuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo yar oo hadhay, neefta ku soo jiidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursasho
(Kuurkuursasha-da)
Iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursasho
m.f.dh eeg kuurkuurso. la-mid: kuurkuursad, kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudmuudsasho
(Muudmuudsasha-da)
In badan ama cabbaar muudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrab iyo faruuryaha muud kaga keenid oo sida naaska wax u jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursasho
(Muurmuursasha-da)
Bushimaha iyo carrabka dhaqdhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muurmuursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsasho
(Nuuxnuuxsasha-da)
Dhaqdhaqaaqid yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsasho
vl. n. wobbling, jiggling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nuuxnuuxsiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsasho
de: wobbling, jiggling
lx: nuuxnuuxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nuuxnuuxsasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuun hubsasho
n. phr. test-tube
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuun_hubsasho
de: test-tube
lx: dhuun hubsasho
ps: np
key: dhuun_hubsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurunsasho
(Qurunsasha-da)
Qurun ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunsasho
m.f.dh eeg qurunso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qurun ka dhigasho, qudhunsasho. Dh: qudhunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruursasho
m.dh la-mid: aruursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusasho
(Xusuusasha-da)
Xusuus ku garasho; garwaaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusasho
m.f.dh eeg xusuuso. la-mid: xusuusad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusasho
-xusuusashada: (n) remembrance (ri-mem-baransi); recollection (ri-kolek-shin); remembering (ri-mem-ber-ing) ~ dib u soo xasuusasho, xasuusasho, gocasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusasho
-da: (magac, dhedig, keli) xusuus ku garasho. Xusuusashadii alaabtaa waa la iga masaxay. Dh: xusuusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yutucsasho
m.f.dh eeg yutucso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yutucsasho
-da: (magac, dhedig, keli) codsi ku adkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, buntirsad samayn. Buntirsasho u joog beenna ka fogow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funjuqsasho
m.f.dh eeg funjuqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsasho
m.f.dh eeg hunyucso. la-mid: hunyucsad, hunyucsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudsasho
m.f.dh eeg huruudso. la-mid: huruudsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) huruud is marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquunsasho
m.dh la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsasho
m.f.dh eeg rundudso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucsasho
m.f.dh eeg suusucso. la-mid: suusacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tukaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xadxadid, fara dheeri aad ku qaado waxaanad lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yunbudhsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuurursasho
-da: (magac, dhedig, keli) gandood iyo kambadhuudh u fadhiisi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa miisaan weyn oo culus dusha ku qaadasho oo la butuluqsasho. La butuluqsasho ayaan bakhaarkan ku keenay mandadda hadhuudhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhudhunsasho
m.f.dh eeg dhudhunso. la-mid: dhudhunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkuxsasho
m.f.dh eeg dhunkuxso. la-mid: dhunkuxsad, dhunkuxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursasho
m.f.dh eeg hundhurso. la-mid: hundhursad, hundhursi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansasho
m.dh la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruqaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad iyo kadalloobka u dhexaysa u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunsasho
m.f.dh eeg afjuxuunso. la-mid: afjuxuunsad, afjuxuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsanaansho
m.l/dh la-mid: tuunsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax tuunsan ahaansho; tuursanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubduubnaansho
m.l/dh la-mid: duudduubnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduubnaansho
m.l/dh la-mid: duudduubnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudhmuudhsasho
-da: (magac, dhedig, kellad u bislaysasho; cunto karsasho oo dabka u kas ugu raajin ilaa uu jilayc fararaac ah uu noqonayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuundhuumasho
m.f.dh eeg dhuundhuumo. la-mid: dhuudhuumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuundhuumasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhuudhuumasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunaysnaansho
m.l/dh la-mid: muunadaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax midabbo qurxoon lagu sameeyey oo naqshadaysan ahaan. Dh: midabaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santuurnaansho
m.l/dh la-mid: santuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhunsanaansho
m.l/dh la-mid: tuhunsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhunsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la tuhmay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) si joogto ah wax u xadid, tuugnimo ku noolaansho. Dh: tuugaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruursasho
m.f.dh eeg aruurso. la-mid: urursasho, uruursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala durugsanaa, isku keenasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunaysasho
m.f.dh eeg bunayso. la-mid: bunaysad, bunaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) bunaysadka markaad jus dhammayso. Bunaysasho ardada ninkii ku dhowoow soo badi bunka.
bunaysasho -da: (magac, dhedig, keli) bun subag ama saliid lagu dubay ku xafladayn: bun ku ducaysasho oo ku subkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burursasho
m.dh la-mid: burbursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burursasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala bashaaqsasho oo burur ku cunid. Xabxabka burursashada ka daa oo jarjaro.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buunbuunis
-ka: (n) exaggeration (igzaajirayshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunbuunis
-ka: (magac, lab, keli) buunbuunin ka dhigid sida hadal ama war. Warku buunbuunis iyo beenta kuma roona. Dh: kabadbadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuuqsasho
m.f.dh eeg dhuuqso. la-mid: dhuuqsad, dhuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ducuumasho
m.f.dh eeg ducuumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duhursasho
(Duhursasha-da)
(qof) meel duhur ku gaarid ama ugu soo gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duhursasho
m.f.dh la-mid: duhurso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duhursasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u dhicid illaa ay cadceeddu kululaanayso ama duhur noqonayso. Dh: dharaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durugsasho
(Durugsasha-da)
Sii fogeysasho; wax ku sii darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durugsasho
m.f.dh eeg durugso. la-mid: durjisad, durjisasho, durugsad, durugsi, duruqsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durugsasho
vl. n. act of moving something away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durugsasho
de: act of moving s.t. away
lx: durugsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: durugsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duruqsasho
m.dh la-mid: durugsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guduudasho
(Guduudasha-da)
Midab guduudan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guduudasho
m.f.dh eeg guduudo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guduudasho
-da: (mahac, dhedig, keli) midab dhiin ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurubsasho
(Gurubsasha-da)
Gurbin wax ku uruursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurubsasho
m.f.dh eeg gurubso. la-mid: gurubsad, gurubsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax yaryar qaadqaadasho. Dh: urursasho. Li: daadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huluulasho
(Huluulasho-da)
Is gaabin ama gurguurad meel huluul ah ku marid; xuluulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huluulasho
m.dh la-mid: xuluulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huluulasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel jiq ah isgaabin iyo gurguurad ku marid. Dh: xuluulasho, huluulad.