tuugayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugayso
(fal) gacan dhaaf samee oo wax xad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg tuugaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xad
(fal) wax ay dad leeyihiin oon laguu oggolayn adoon lagu arkayn hoos ahaan u qaado. Naftaadu wax xad yaynan ku fikirin weligeed. Dh: tuugayso.
xad: (fal) cid dembi gashay xad ku oog.
xad -ka: (magac, lab, keli) ciqaab lagu fuliyo qof dambi sharci ah galay sida sino, khamri, tuugo, budhcadnimo iyo wixii la mid ah.
xad -ka: (magac, lab, keli) soohdin laba dal ama laba meelood u kala dhaxaysa. Dh: made, daari, xuduud, seere.
xad -ka: (magac, lab, keli) meel astaysan oo wax lagu yaqaan ama ay ku sargo'an yihiin. Dh: heer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax xadida; wax aan la arkayn ama aan raali laga ahayn xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid sadaqo weyddiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuugso
f.mg3 (-saday, -satay) Cid sadaqo weyddiisasho. m.f.dh, tuugsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuugso
v. beg, go begging, ask for alms
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuugso
-tuugsaday / tuugsatay: (v) panhandle (paan-han-dhel); beg (beeg); cadge (kaaj); solicit (soli-sit) ~ yaboohso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugso
(fal) baryootan ama dhawr tayso oo dadka wax waydiiso, soo meero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuugso
de: beg, go begging, ask for alms
initial: t
lx: tuugso
nt: tuugsad (ka) [vn-m], tuugsasho (/da) [vn-f], tuugsi (ga) [vn-m]
pd: (tuugsaday)
ps: v3a=
key: tuugso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugays
-ka: (magac, lab, keli) suugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigayso
f.mg3 (-stay, -satay) Hal lug ku boodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuutays
m.l la-mid: tuutayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurayso
f.mg3 (-stay, -satay) Uur yeelasho. m.f.dh, uuraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurayso
(fal) uur yeelo. Dh: rin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugayso
f.g/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax nishaabid. 2. (f.mg) Dhukaan qaadid (geel). 3. (f.mg) Garaad yeelasho (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugayso
(fal) wax jira macluumo ka biirso oo xoghoosaad ka raadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulayso
(fal) guusha gaadh; libinta hel. Li: guuldarrayso, khasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Cunto suugo ku darsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogayso
f.g3 (-stay, -satay) Kaltan gelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toogayso
v. take turns; do something in turn ~ by turns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toogayso
(fal) kaltan, oo markaaga qaado. Dh: moogtan, meertayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toogayso
bw: moogtan; meertayso
de: take turns; do s.t. in turn ~ by turns
initial: t
lx: toogayso
nt: toogaysi (ga) [vn-m]
pd: (toogaystay)
ps: v3b=tr
key: toogayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmayso
(fal) yagleelo ama bannayso halkii aad degi lahayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalayso
(fal) si joogto ah wax u xad.
tuugaalayso: (fal) eeg tuugayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xadxadid, fara dheeri aad ku qaado waxaanad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fududayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. la-mid: fudaydso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fududayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Wax culus fudayd ka dhigasho. 2. Wax adag sahal ka dhigasho. m.f.dh, fududaysasho. la-mid: fudaydso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fududayso
v. make something light; keep something easy; take lightly, belittle, undervalue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fududayso
(fal) arrin, dhacdo iyo wixii la mid ah, wax fudud ka dhigo; culays ha iskaga dhigin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fududayso
a: fudaydso
de: make s.t. light; keep s.t. easy; take lightly, belittle, undervalue
lx: fududayso
pd: (fududaystay)
ps: v3b=tr
key: fududayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kululayso
(fal) wax qaboobaa, kulay! ka dhigo. Dh: diirso. Li: qaboojiso.
kululayso-da: (magac, dhedig, keli) weel cuntada kulul lagu rido si aanay u qaboobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugaysan
(tilmaame) sanuunadaysan; suugo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuganimo
-da: (magac, dhedig, keli) tuugo ahaan, qofka shaqo ka dhigta in uu wax xado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugsasho
(Tuugsasha-da)
Wax weyddiisasho; baryootan; dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugsasho
m.f.dh eeg tuugso. la-mid: tuugsad, tuugsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryootan; dewersad; wax weyddiisasho. Tuusasho ayey wadankeedii uga timid. Dh: dawersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufayso
(fal) wax liita ka dhigo. Ha uduufaysanin wax lagu siiyay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) tuugaalaysad, tuugaalaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugo
(Tuuga-da)
1. Wax xadidda; tuugnimo; tarooxnimo; xatooyo.
2. Qof dheddig oo keli ah ama koox wax xadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugo
m.dh 1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuugo
m.dh 1. Wax xadidda; tuugnimo; xatooyo. 2. Qof dheddig ah oo keli ah wax xadda. 3. Koox wax xaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuugo
f. n. female thief ~ robber; theft, robbery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuugo
-tuugada: (n) [plural of tuug -ga] thieves (thii-vis); thugs (thaagis); robbers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugo
-da: (magacwadareed) dadka wax xada, koox tuug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuugo
de: female thief ~ robber; theft, robbery
initial: t
lx: tuugo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tuugo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato muuqata oo baahi keentay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugays
m.l la-mid: lugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugays
-ka: (magac, lab, keli) eeg lugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugay
(fal) suugo ku dar, sanuunaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Togayo
(Togaya-da)
Tan laga togto oo ugu wanaagsan; door; xulanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
togayo
m.dh 1. Soocidda. 2. Wax middooda xulka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
togayo
f. n. selected ~ chosen thing(s); selection, choice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
togayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan, inta ama tan laga togto oo ugu wanaagsan. Dh: door, xulanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
togayo
de: selected ~ chosen thing(s); selection, choice
initial: t
lx: togayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: togayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumayo
m.dh Qare la miiray gufarka ka hara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudso
f.g3 (-saday, -satay) Lafo iyo wixi lamida tuud kala bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugmo
(Tuugma-da)
Baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugmo
m.dh la-mid: tuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuugmo
f. n. begging, entreaty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuugmo
-tuugmada: (n) begging (beeging); plea (pilii); request (rik-weesti); petition (pa-ti-shin); praying (pareey-ing); entreaty ~ baryo , codsasho, tuugis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugmo
-da: (magac, dhedig, keli) baryo ama wax waydiisasho. Dh: baryo, qarafo.
tuugmo-da: (magac, dhedig, keli) baryo, yaboohsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuugmo
de: begging, entreaty
initial: t
lx: tuugmo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: baryo {C & S}
key: tuugmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugsi
m.l la-mid: tuugsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuugsi
-ga: (n) street-begging; panhandling (paan-han-dhel-ing); begging (beeg-ing) ~ baryid, dawarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugsi
-ga: (magac, lab, keli) dawarsi iyo gacma hoorsasho. Tuugsi laguma tooggabaxo. Dh: baryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku uruursasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuunso
v. amass, accumulate, pile up for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunso
(fal) wax tuunsan ka dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuunso
de: amass, accumulate, pile up for oneself
initial: t
lx: tuunso
pd: (tuunsaday)
ps: v3a=tr
key: tuunso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuqso
f.g3 (-saday, -satay) Si gaar ah bad u taabasho (ciyaar turub).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuuryo
(Tuurya-da)
Wax gacan laga tuuray; riddo; gantaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuryo
m.dh la-mid: tuuryayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tuuryo
throw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuryo
f. n. missile, projectile, anything thrown
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuuryo
-tuuryada: (n) the act of throwing (tha-roow-ing) ~ tuuris
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuryo
bw: seeraari
de: missile, projectile, anything thrown
initial: t
lx: tuuryo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: furfurdo
key: tuuryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufayso
(fal) wax uf ah ka dhigo; wax qadhmuun ka dhigo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ugaaso
name-f queen; boss; princess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ugaaso
ama Ogaaso, magac loo baxsho gabadh haybad leh oo boqorad oo kale ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurays
-ka: (magac, lab, keli) eeg uurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bunayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Bun la shiilay cunid. 2. Saliid ama subag bun lagu shiilay marsasho. m.f.dh, bunaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bunayso
v.auto: eat fried coffee beans
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayso
(fal) bun samayso, markaad jus Quraan ah dhammaysaba bun karso. Bunaysannay oo bunkii cunnay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bunayso
de: eat fried coffee beans
lx: bunayso
pd: (bunaystay)
ps: v3b=auto
key: bunayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buukays
-ka: (magac, lab, keli) timo buukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurays
-ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhabbada xadiidka ee tareenku maro. Laba buurays ah baan arkayaa.
buurays -ka: (magac, lab, keli) kuuliga dhagaxa jebiya ama gura. Bartayda haddaan u dhaqo ama buurays u galo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayso
(fal) Ilaahay weydiiso wax fiican. Ducayso dadkana saamax. Dh: Allabari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugato
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigta Gogolduub oo ah mid la baasaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax fur ku xirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax fur ku xirasho. m.f.dh, furaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furayso
v. put a lid ~ plug on for one's own benefit; obstruct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayso
(fal) meel bannaanayd, fur ama dabool gasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furayso
de: put a lid ~ plug on for one's own benefit; obstruct
lx: furayso
pd: (furaystay)
ps: v3b=tr
key: furayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufayso
f.g3 (-stay, -satay) Meel daloosha guf ku cufaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufayso
(fal) meel daloosha guf ku cufayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayso
(fal) dad iyo dal aanad lahayn qabso oo u maamul sida aad doonto. Dh: isticmaarso, addoonso. Li: xorayso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guumays
-ta: (n) 1. owl (aawl). 2. a single woman who is beyond the conventional age for marrying; spinster (spinistar) ~ naag weyn oo aan la guursan