tusegelin
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusegelin
Tabulate

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Selelin
(Selelin-ta)
Salalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
selelin
m.dh la-mid: salalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
selelin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka sasin; ka salalin, ka nixin iyo ka sasin qof hurda ku jira. Selelin iyo bajin buu ku dilay carruurta. Dh: sasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buseelid
(Buseelid-da)
Buseel u qabasho; jeel u qabasho; tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buseelid
m.f.dh eeg buseel². la-mid: buseel¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buseelid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qabid. Dh: busaylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duleelin
m.dh la-mid: daloolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duleelin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, in yar oo dalool ah ka furid. Dh: duleelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huleelin
m.f.dh eeg huleeli. la-mid: huleelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggelin
(Luggelin-ta)
(arrin) gelid; wax ka qabashadeed isku deyid, danayn; faraggelin, dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luggelin
m.f.dh eeg luggeli. la-mid: luggelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin dhex galid oo xallinteeda ama murginteeda ka qaybqaadasho. Dh: faragelin, dhexgalid, dhexdhexaadin, luggelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafeelin
(Tafeelin-ta)
Buro ama dheeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafeelin
m.dh 1. Badasho roob iyo wixi lamida ay aad u bataan. 2. Buro ama dheeri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tafeelin
f. n. wart; overgrowth; excess surface area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafeelin
-ta: (magac, dhedig, keli) buro ama dheeri. Dh: buro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafeelin
cf: buro
de: wart; overgrowth; excess surface area
initial: t
lx: tafeelin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tafeelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tixgelin
(Tixgelin-ta)
Tixgelis u yeelid; muunayn; xurmayn; sharrifid; qaddarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tixgelin
m.f.dh eeg tixgeli. la-mid: tixgelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tixgelin
Consider
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tixgelin
-ta: (n) consideration (kon-si-dha-reey-shin)-, respect (ris-pakt); courtesy (koor-tasi) ~ xurmayn, qaddarin, tixgelis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tixgelin
Considerazione
Consideration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tixgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, qadarin; xurmayn ixtiraam u muujin. Dh: muunayn, qadarin. Li: yasid.
tixgelin -ta: (magac, dhedig, keli) «is is ixti maamka, isqaddarinta. Is tixgelin, iyo isxushmayn ayaa lagu wada dhaqmaa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tixgelin
احترام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuudgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) uumin; cuud u shidid.
cuudgelin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo soo hoyn, cuud soo xerayn. Dh: xooloxerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgelin
m.f.dh eeg kuurgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ku soo dhowayn; cimilgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuqgelin
vl. n. marketing, merchandizing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuqgelin
-ta: (n) marketing (maar-kating); selling (seeyl-ling); distribution (dis-tarabiyuu-shiri) of products ~suuqgeyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuqgelin
de: marketing, merchandizing
initial: s
lx: suuqgelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: suuqgelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guureggelin
m.dh la-mid: guuraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsigelin
m.f.dh eeg cabsigeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsigelin
vl. n. intimidation, fright
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsigelin
-ta: (n) intimidation. (intimadey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) baqdin gelin; halis ku soo socota dareensiin. Dh: bajin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsigelin
de: intimidation, fright
lx: cabsigelin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cabsigelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesigelin
m.f.dh eeg geesigeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caqliga galo ka dhigid. Dh: hirgelin, suurtaggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggelin
m.f.dh eeg talaggeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo wax ka siin oo wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buseel
(Buseel-ka)
Wax la jeclaa oo la waayey ama wax badan laga raagey tebid: jeelqab; hilow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buseel
buseel¹: m.l la-mid: buseelid.
buseel²: f.mg1 (-eelay, -eeshay) U b.: wax u hiloobid; tebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buseel
f.mg1 (-eelay, -eeshay) U b.: wax u hiloobid; tebid. m.f.dh, buseelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buseel
v. crave, long for
buseel vl. n. craving, longing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buseel
-ka: (n) nostalgia (nostawlja); crave (kareeyv) longing ~ jammasho, jeel, hillow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buseel
(fal) eeg busayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslin
(Muslin-ka)
Qof diinta Islaanka haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslin
muslin¹: m.l (-imiin, m.dh) (dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan.
muslin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) (dii.) Diinta Islaamka rumayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
Muslin
Muslin¹: m.l (-imiin, m.dh) (dii.) Qof diinta Islaamka rumaysan.
Muslin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) (dii.) Diinta Islaamka rumayn. m.f.dh, muslimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Muslin
m. n. Moslem, Muslim
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muslin
inch. v. become a Muslim, convert to Islam
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
muslin
/maslan/ (n) shay suuf jilicsan ka samaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Muslin
-ka: (n) [plural Muslimiin-ta] Muslim (mooz 'lam); Moslem (mooz'lam); Islam (islaam) ~
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muslin
-muslimay / muslintay: (v) accept or embrace Islam ~ islaam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslin
(fal) Muslim noqo; diinta Islaamka gal oo ashahaado. Dh: Islaan. Li: gaalaw.
Muslin -ka: (magac, lab, keli) qof kelinimada Ilaahay qiray rasuulnimada Nebi Muxammadna rumeeya oo qiblada Makana salaaddiisa ula jeesta diinta Islaamkana aaminsan. Dh: Islaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saglin
(Saglin-ta)
(cirka) sagal muujin, ku dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saglin
m.f.dh eeg sagli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saglin
-ta: (magac, dhedig, keli) cir, sagal muujin.
saglin -ta: (magac, dhedig kali) sagal kicin, fidho samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seebin
m.dh la-mid: seebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seebin
-ta: (magac, dhedig, keli) seeb huuri ku kaxayn. Dh: seebis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seejin
(Seejin-ta)
Gefsiin, dhaafsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seejin
m.f.dh eeg seeji. la-mid: seejis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seejin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wuxuu heli lahaa gefsiin, dhaafsiin, waasiin.
seejin -ta: (magac, dhedig, keli) haleel waasiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexin
(Seexin-ta)
1. Gama'siin.
2. Jiifin.
3. (dab, nal, ...) demin, baqtiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexin
m.f.dh eeg seexi. la-mid: seexis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'dab iyo wixii la mid ah, demin, bakhtiin.
seexin-ta: (magac, dhedig, keli) gama'siin: jiifin, ilmo ama qof kale hurdo gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
segeri
-ga: (magac, lab, keli) subag aan si fiican loo shiilin oo urtiisuna liidato. Dh: shagari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seleli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: salali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seleli
v. wake someone suddenly (as with fright)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seleli
-yey say: (v) arouse, awake someone from sleep abruptly; startle someone who is sleeping ~ salali, sasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seleli
(fal) kaka sasi; ka salali; ka nixi anfariir ku rid. Seleli maayo anigu. Dh: sasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seleli
a: salali
de: wake s.o. suddenly (as with fright)
initial: s
lx: seleli
pd: (seleliyey)
ps: v2a=tr
key: seleli
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sellin
v. give (away)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sellin
-ta: (magac, dhedig, keli) magac loo bixin jirey hablaha Soomaalida oo abshir lahaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sellin
de: give (away)
initial: s
lx: sellin
pd: (sellimay)
ps: v1=tr
key: sellin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
serein
serein, adj. - hadal la'aan; sanqadh iyo hadal la'aan; bilaadareen; la dejiyo; la qaboojiyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Teedin
(Teedin-ta)
Sida teedka u sarcid, isu dabadhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teedin
m.f.dh eeg teedi. la-mid: teed¹ (3), teedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teedin
-ta: (magac, dhedig, keli) abuurka beerta ama shiniyeenta, teedin u wada abuurka oo yey kaa qalqalloocsamin.
teedin -ta: (magac, dhedig, keli) sida teedka u sarcid oo isu dabadhigid. Dh: teedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuweel
*(Tuweel-ka)
Cad maro ah oo duf leh oo sida tirtiraha faraha, kd. la iska mariyo; ~ tirtire (ama taweel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuweel
m.l (-llo, m.dh) la-mid: tuwaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuweel
m. n. towel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuweel
a: taweel
cf: tirtire {Eng}
de: towel
initial: t
lx: tuweel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: tuweel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Xuseen
name: Husseen
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuseen
name-m good, handsome
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Xuseen
bw: Arabic
de: Husseen
initial: x
lx: Xuseen
ps: name-m
key: Xuseen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuslin
(Xuslin-ta)
1. Xusul wax ku dhererin; inta xusul ku jirta ogaansho; dhudhumin.
2. Orod xusulduub ah, ordid; rucleyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuslin
m.f.dh eeg xusli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuslin
-ta: (magac, dhedig, keli) xusul wax ku dhererin. Xuslintu waa qiyaasihii waaga hore.
xuslin -ta: (magac, dhedig, keli) orod xusulduub ah ordid. Safa iyo Marwa dhexdooda xuslin yaa la ordaa. Dh: ruclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeelin
(Yeelin-ka)
Daliigo suun ah oo kabaha, oo cagta iyo kabaha isu celiya; yeelmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelin
m.f.dh eeg yeeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeelin
m. n. sandal-strap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelin
-ka: (magac, lab, keli) daliig suun ah oo kabaha la gashan yahay iyo cagta isu celiya. Hadduu yeelinku go'o kabta tuur. Dh: yeelmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yeelin
de: sandal-strap
initial: y
lx: yeelin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: yeelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Belelin
(Belelin-ta)
Belel u yeelid; belbelin; ololin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
belelin
m.dh la-mid: belbelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
belelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dab ololin oo aad u shidid. Ani igu daa belelinta dabka. Dh: shidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelin
(Dheelin-ta)
Dheelsiin; cayaarsiin.