tusayn
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusayn
Tabular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tusmayn
m.f.dh eeg tusmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka reer meel loo sahamiyo ka duwan meeshii ay yaaleen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusan
(tilmaame) ifafaale di'id roob. Cirku waa tusan-yahay.
tusan: (tilmaame) hadal laba qof oo sii kala dhoofaya ama sii kala soconayaa ay isku yidhaahdaan oo u dhigma nabadgelyo. Waa inoo iyo is tusmo wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wixii la mid ah, gaabin. Dh: yaryarayn, qusays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasayn
(Tasayn-ta)
Tixgelin iyo qaddarin la'aan; waxaan jirin ka dhigid; liidid; sheelid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasayn
m.f.dh eeg tasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo qaddarin la'aan ama waxaan jirin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubayn
m.f.dh eeg tubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tub la maro iyo jid u samayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tabular
Tusayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bursayn
m.dh Xabbado badan oo hal mar dad badani ridaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cusbayn
(Cusbayn-ta)
Cusbo ku darid; cusbo korka ka marin; cusbo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cusbayn
m.f.dh eeg cusbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan, cusbo gelin; cusbo ku daaweyn; cusbays.
cusbayn -ta: (magac, dhedig, keli) cunto iyo wixii la mid ah, cusbo ku darid. Dh: milixayn, cusbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuslayn
m.f.dh eeg cuslee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuslayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore u fududaa, culays ku kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dusmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan la dareemi karin, wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khusayn
m.f.dh eeg khusee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khusayn
-ta: (n) concern (ken-seen); relevance (relavansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khusayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin, qof la xidhiidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qushayn
(Qushayn-ta)
Qush gelin; xumaato ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushayn
m.f.dh eeg qushee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsayn
m.f.dh eeg ruqsee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruqsayn
vl. n. release, discharge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fasax siin: oggolaansho siin. Ruqsayntii iibgaynta alaabta ha la na siiyo. Dh: ruqsays.
ruqsayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof shaqadii uu hayey ka fariisin ama ka eryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruqsayn
de: release, discharge
lx: ruqsayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ruqsayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rushayn
(Rushayn-ta)
Si firdhaad ah, biyo ugu shubid; bilbilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushayn
m.f.dh eeg rushee. la-mid: rushays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rushayn
-ta: (n) the act of spattering or sprinkling with water ~ bilbilid
rushayn -ta: (n) air raid (eerreeydh); bombardment -dukhayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku biifin oo dusha kaga daadaadin. Dh: rushays.
rushayn -ta: (magac, dhedig, keli) hub cirka kaga soo daadin oo diyaarado ku garaacid. Dh: bilbilid, rushays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turfayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tukhaantukhaynta.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tusayya
montrer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuutayn
m.f.dh eeg tuutee. la-mid: tuutays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin oo ku talagalid. Xusbayn fiican ayuu u hayaa shaqada cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayn
1. (Sayn-ka) Addin roob ah oo aan ballaarrayn oo meel ka hoora.
2. (Sayn-ta) Timaha nafleyda qaarkeed (sida tan ku taal qanaanta fardaha, dabada lo'da, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayn
sayn¹: m.l (-mo, m.dh) Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.
sayn²: m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayn
m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayn
m. n. signs of rain, rain-clouds
sayn [feminine] n. clumps ~ bristles of animal hair; tail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayn
-ta: (n) tail (teeyl); animal's tail ~ dabo
sayn -ka (n) a raining cloud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha nafleyda qaarkeed siiba gammaanka iyo shaashka libaaxa. Sayn libaax ciyaar laguma taabto.
sayn -ka: (magac, lab, keli) addin roob ah oon ballaadhnayn oo meel ku hoora.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof si gaar ah shey loogu keli yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qusay
(fal) timo iyo wixii la mid ah, ha moolayne gaabi. Timaha iga qusee. Dh: yaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasay
(fal) ha tixgelin; ha qadderin, xaqir. Wixii kugu xadgudba tasay.
tasay: (fal) hallee, lumi. Tasee lacagta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tisan
Compact
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tisan
(tilmaame) tuqan, buux dhaafsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuban
La tubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuban
f.mg1 (-bmay, -bantay) Wax la tubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuban
f.mg1 (-bmay, -bantay) Wax la tubay ahaansho. m.f.dh, tubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuban
der. [adjective] assembled, amassed; crowded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuban
-tubnaa / tubnaayeen: (adj) gathered (gatheridh); packed (paakt); crowded (karaaw-didh) ~ tuunsan, dhooban
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuban
(tilmaame) wax la tubay. Dh: xoonsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuban
de: assembled, amassed; crowded
initial: t
lx: tuban
pd: (tubnaa)
ps: adj-der
syn: tuunsan
key: tuban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tufan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Wax la hibeeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tufan
der. [adjective] spit (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufan
(tilmaame) wax la tufay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tufan
de: spit (out)
initial: t
lx: tufan
pd: (tufnaa)
ps: adj-der
key: tufan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tugan
(tilmaame) wax meel tuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuman
La tumay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax la tumay ahaansho (bir, qof, xiniinyo iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuman
f.mg4 (-mnaa, -mnayd) Wax la tumay ahaansho (bir, qof, xiniinyo iyo wixi lamida). m.f.dh, tumnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuman
der. [adjective] pounded, beaten, hit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuman
(tilmaame) wax la tumay, neef lab oo xiniinyaha laga saaray ama la tumay; dhufaaman.
tuman: (tilmaame) hadhuudh iyo wixii la mid ah oo la buushi saaray deedna la karshay oo subag iyo caano lagu daray. Dh: falfalliidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuman
de: pounded, beaten, hit
initial: t
lx: tuman
pd: (tumnaa)
ps: adj-der
key: tuman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumay
m.l (-yo, m.dh) 1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tumay
m. n. castrated billy goat ~ ram
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumay
-da: (magacwadareed) laboodka adhiga inta goodha ah mooyee ahminka tuman. Dh: sogob.
tumay-ga: (magac, lab, keli) roob aan weyneyn, tiix.
tumay-ga: (magac, lab, keli) roob shuux ah. Dh: habis. Li: mahiigaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tumay
de: castrated billy goat ~ ram
initial: t
lx: tumay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: tumay
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turan
tųuran: f.mg4 (-rnaa, -rtay) Wax meel la tųuray ahaansho. m.f.dh, tųurnaan. la-mid: tuulan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uraya oo uf ah ka dhigid; wax qadhmuun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulayn
m.f.dh eeg ulee. la-mid: ulays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ul la dhicid; dhenged ku garaacid. Dh: dhengedayn, ulays, dhengedeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusan
Isagu ma (diiddo), sida: isagu ma iman — ma uusan iman; aanu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusan
(magacuyaal) tilmaamaya qofka saddexaad oo diidmo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uusan
a: aanu
de: he ... not = uu + -se + aan 'not'
initial: u
lx: uusan
ps: vpro + neg
xe: He will give you the money that he didnt send.
xv: Lacagta uusan soo dirin buu ku siin doonaa.
key: uusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xusay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xusan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xusay ahaansho. m.f.dh, xusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xusan
der. [adjective] commemorated, remembered; recorded, cited
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusan
(tilmaame) sheegan oo taariikhdiisa la xuso. Maxamuud xarbi waa nin taariikhda ku xusan. Dh: sheegan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xusan
de: commemorated, remembered; recorded, cited
initial: x
lx: xusan
pd: (xusnaa)
ps: adj-der
key: xusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsayn
m.f.dh eeg aqsee. la-mid: asqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad u oomman ka dhigid.
aqsayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof jahadu ka lunsan tahay, ka dhigid.
aqsayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof wareeray ka dhigid. Dh: asqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budayn
(Budayn-ta)
Budo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budayn
m.f.dh eeg budee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bud ku garaacis. Dh: ulayn.
budayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ridgid oo budo ka dhigid. Budaynta hadhuudhka tabar uma hayee iga nasi.
budayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ama dareer, budo ku darid. Budayntii unbaa u hadhsan shuurada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugayn
m.f.dh eeg bugee. la-mid: bucayn, buhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buhayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukayn
m.dh la-mid: Bukaysiin; bukabbukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bugtaan ku ridid. Kaneecada waxay sababtaa bukayta malaayiin qof. Dh: bukaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulayn
(Bulayn-ta)
Bul u yeelid; dumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulayn
m.f.dh eeg bulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash badan u samayn; dumo jilicsan ama xig iyo may dhax la midabeeyey meel ku sharrixid oo shaash laadlaada ka dhigid. Bulayntu waxay ku qurux badan tahay kebdah. Dh: bulays.
bulayn-ta: (magac, dhedig, keli) ul bul u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo duco loo sameeyo arday jus ama qayb Qur'aana dhammeeya oo ardayda la siiyo. Baashaal baa bunayn ka qad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busayl
(fal): u wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qab. Dhanka bari magaalada, sow bogorad joogtoo, biya dahab la moodoo, u busaylay maan baran. Dh: hilow, xiisoo, buseel, bisayl, teb.
busayl -ka: (magac, lab, keli) wax in badan kaa raagay ama kaa maqnaa helitaankiisa ama arkitaankiisa hammad weyn u qabis. Busayl baan u qabay yartaan barada ku soo hooystay, oo baahibaan ku tiray bogga kaga jiifsadaye. Dh: hilow, xiiso, buseel, bisayl, tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casayn
(Casayn-ta)
Casaan ka dhigid; midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casayn
m.f.dh eeg casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo iyo wax la mid ah, baalashayn; baalash marin. Dh: baalashayn.
casayn-ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab cas u yeelid.