turxaanbixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
turxaanbixin
m.dh Xumobixin, cilladbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turxaanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal xumaan ah ama gef hore oo la kala tirsanayey iska dawmarin iyo is uurxaadhasho. Dh: xumabixin, cilladbixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turxaan bixi
-yey / say: (v) troubleshoot (tara-bal-shut), steamline
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faarad
m.dh (-do, m.l) Qalab yar oo gacan buuxis ah oo dhexda ku leh xalleefato loo isticmaalo turxaanbixinta iyo sulux ka dhigidda alwaaxda; raando.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartir
(fal) nadiifi oo ha ka tegin inyar oo saxar ah.
saxartir -ka: (magac, lab, keli) arrin ama talo turxaanbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartirid
-da: (magac, dhedig, keli) turxaanbixinta arrin ama talo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) deyn iska bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turxaantir
-ka: (magac, lab, keli) cillad ka bixin; turxaanbixin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MUSHAAR BIXIN
Pagamento dei salari
Salary payment
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barabixin
Displacement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, goobtii ay degganayd ama ay degganaayeen ka bixin.
barabixin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolo wixii ay lahayd ama ay lahaayeen ka qaadid. Dh: mooroduugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada mid caan ah; magac yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanbixis
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax la wada yaqaan ka dhigidi. Dh: shaacbixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eraybixin
-ta: (n) terminology (teer mi noolaji); the procedure of assigning names to the vocabulary of technical terms used in a particular field
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eraybixin
-ta: (magac, dhedig, keli) curinta ereyo aanay luqadi lahayn ama ku cusub, oo kuwo u tusmaysan oo la macne ah loo bixiyo; ereyo cusub samayn.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
eraybixin
مصطلح، اصطلاح
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guwaaniin
m.l (baayoloji) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guwaaniin
m.l (baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedyada DNA iyo RNA. Waxa laga soo dhiraan dhirriyey buurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaanbixid
(Qaanbixid-da)
Qaan laysku lahaa iska bixin, dhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaanbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranbixi
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad ka baxda deegaan colaadeed oo u dhexeeya labo ciidan. Waranbixi yaanay wadkaa noqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradbixin
(Arradbixin-ta)
Dhar arratir ah siin; arrad ka bixin; arratirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradbixin
m.f.dh eeg arradbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar arratir ah siin; arrad ka bixin; u arratirid. Arradbixinta reerku lacag badan bay u baahan tahay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdansiin
m.f.dh eeg hurdansii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirdabixin
m.dh eeg jirdabixi. la-mid: jirdabixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarabbixin
m.f.dh eeg qarabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacbixin
m.f.dh eeg shaacbixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqaanniin
v., pl., neg., present habitual: you all don't know
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taqaanniin
de: you all don't know
initial: t
lx: taqaanniin
pd: (taqaannaan)
ps: v4d-2pl-neg-prhb
xe: You dont know this city.
xv: Ma taqaanniin magaaladan.
key: taqaanniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraarsiin
m.l/dh eeg taraarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) walax dardarsiin oo jibaaxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartansiin
(Tartansiin-ta)
Tartan cid u samayn, gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartansiin
m.f.dh eeg tartansii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) tartan gelin ama loollan u samayn.
tartansiin -ta: (magac, dhedig keli) tartan cid u samayn oo beretansiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugxankicin
-ta: (magac, dhedig, keli) qaabka ay baalleydu u barbaariso ugacda illaa inta uu ilmuhu ka soo baxayo. Waa qaab nidaamsan oo ayaamo iyo farsamo u gaar ah leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanburid
(Buraanburid-da)
Heesta buraanburka tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddabbixin
m.f.dh eeg cuddabixi. la-mid: cuddabbixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaangirin
m.dh la-mid: garangarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraangirin
m.dh la-mid: garangarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraangirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wilaanwillin oo rogrogid ku samayn. Dh: warwareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marqaansiin
m.dh la-mid: marqaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxaanqixid
m.f.dh eeg qaxaanqax². la-mid: qaxaanqax¹, qaxanqax¹, qaxanqixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxaanqixid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meel u qixid. Dh: leeleelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afartanbixin
m.f.dh eeg afartanbixi. la-mid: afartambixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afartanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) afartan cisho ka dib, xafladayn; afartanka cisho ee umusha ka danbaysa sugsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bannaanbixid
(Bannaanbixid-da)
Bannaanbax samayn; banbixid; dibadbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bannaanbixid
-da: (magac, dhedig, keli) isu soo bixid ballaadhan; cabasho ama taageero isugu soo bixid. Dh: muddaharaadid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Burhaanudiin
name-m proof (evidence) of the faith
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgaalbixin
m.dh Allabari loo sameeyo in looga hortago waxyeelo galgaal ka timid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
MAR WADA BIXIN
Pagamento in soluzione unica
Single payment
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buunshabbixin
(Buunshabbixin-ta)
Buunshaha ka bixin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunshabbixin
m.f.dh eeg buunshabbixi. la-mid: buunshabbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhaantukhin
-ta: (magac, dhedig, keli) qofka oo inta qoorta la qabto hore si xooga loogu tuuro. tukhaantukhis -ka: (magac, lab, keli) hore u tuuris. Dh: turfays.