turkey
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
turkey
/turki/ (n) turki (shimbir digaagga shabbaha, oo hilibkiisa la cuno).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Turkey
n., Ruum.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Tukey
(I) Cavallo nero;
(E) Black Horse
(S) TUKEY (S. c.: Tukei)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baranbaro
f. n. cockroach
baranbaro: n. turkey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turfeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hore u tuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryey
(fal) eeg tuuryay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuke
(Tuka-ha)
Shinbir madow oo hilibka cuna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuke
m.dh (-kayaal, m.l/dh) Shimbir madow oo hilibka cuna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuke
m.dh (-kayaal, m.l/dh) Shimbir madow oo hilibka cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuke
m. n. crow, blackbird, raven
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuke
-tukaha: (n) crow (ka-roow); magpie (maag-paay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuke
-ha: (magac, lab, keli) shinbir madow, nooc ka mida haadda hilibka iyo midhahaba cuna. Dh: qanbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuke
de: crow, blackbird, raven
initial: t
lx: tuke
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tuke
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tuke
غُرَابٍ
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Turk
n., Turki, -gi, Ruumi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durey
(Durey-ga)
Xanuun dhuumaha neeftu marto gudo-ujeeddadooda hoose qabta siiba sanka iyo hunguriga oo aalaa hindhiso iyo duuf wata; hargab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durey
m.l Hargab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
durey
m.l (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durey: m.l Hargab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durey
m. n. cold, headcold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
durey
-ga: (n) common cold; flu (fuluu); influenza (infuluuweensa); cold (kooldhi)-, coryza (koraayza) ~ ifilo, hargab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durey
de: cold, headcold
lx: durey
pd: (-ga)
ps: n-m
key: durey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurey
(Gurey-ga)
Qof gacanta bidix wax ku qabsada ee aan, sida loo badan yahay, gacanta midig wax ku qabsan; qof gurran; labammidigle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurey
m.l Nin gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurey
m.l Nin gacanta bidixda uga isticmaal badan gacanta midigta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurey
m. n. left-handed person
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
GUREY
Commiphora gurreh 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gurey
nickname-m left-handed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gurey
-ga: (n) one who is left-handed: left-hander (laft-heendher) ~ guray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gurey
magac ama naanays loo baxsho wiil gurran ama gacantiisa bidix adeegsada kolka uu wax qabanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurey
a: guray
cf: gurran
de: left-handed person
lx: gurey
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: gurey
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gurey
أيْسَر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murke
m.l (-kayaal, m.l/dh) Weel yar oo xoolaha lagu maalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murke
-ha: (magac, lab, keli) gorof weyn oo caano lagu maalo.
murke-ha: (magac, lab, keli) qas uu wax isku marmo oo kala saarsaaridiisa lagu daalo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
murky
/marki/ (n) mugdi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumey
-ga: (magac, lab, keli) roob dhibco yaryar oo aan hore u qaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Turki
pr. n., loc. Turkey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Turki
(n) Turkey (tur-ki); Ankara is the capital and Istanbul the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Turki
de: Turkey
initial: t
lx: Turki
pd: (-ga)
ps: n0-loc-m
key: Turki
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turqe
-ha: (magac, lab, keli) wax, wax agu muto; mude.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UREEY
(Urei) May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MURYEY
[MURIYEY] Grewia tembensis 01
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Survey
Sahan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
survey
/sarvey/ (v) 1. indha-indhayn (si fiican u eegid) (v) 2. baarid (baaritaan samayn) (n) 3. tira-koob (tiro guud ama fikrad guud ka qaadid) (n) 4. baaritaan-guud (siiba dhul ama guri lugu sameeyo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Survey
Sahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryey
(fal) suryo ku qabo, geli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turfay
(fal) eeg tukhaantukhi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Turret
Kukta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurrey
-da: (magac, dhedig, keli) geela magta lagu bixiyo hasha buuxda ee laba iyo toban sabeenood u dhiganta. Li: daandheer.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHURBEY
Dicanthium foveolatum 10, D. insculptum (?) 20, Digitaria macroblephara 30, Dignathia gracilis 10, Enneapogon schimperanus 10, Eragrostis ciliaris 10, Heteropogon contortus 10, Hyparrhenia hirsuta 10, H. hirta 50, Panicum atrosanguineum 10, Sporobolus arabicus 10, S. fimbriatus 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaley
m.dh (-yo, m.l) Sarrifka rubaabka mid ka mid ah oo u dhigma 10 senti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furaley
f. n. old coin (worth a hundredth of a lira)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaley
-da: (magacwadareed) lacag hore loo isticmaali jiray oo toban senti ahayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furaley
de: old coin (worth a hundredth of a lira)
lx: furaley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: furaley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gureeyo
m.dh Geedka digirta marka uu laba dhegood dhaafo laamana uusan weli yeelan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurreyn
m.f.dh eeg gurree.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
journey
/jerni/ (n) safar (socdaal).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
journey
n., kabaday, -ihi, sodcaal, -ki; half day's journey, daldala, -sho, -adi; camel day's journey, geedi, -gi; v.i., kabaday, sodcaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jurxeyn
(Jurxeyn-ta)
Hadallo jurxo ah ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jurxeyn
m.f.dh eeg jurxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jurxeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal adyad ah oo waxyeello u geysta ku dhihid. Dh: jurxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murweyn
m.f.dh eeg murwee. la-mid: marweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xilkasnimo iyo hannaan marwonimo ku dhaqmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nursery
/nersari/ (n) 1. meesha carruurta lugu sii xannaaneeyo inta waalidkood maqan yahay 2. meesha dhirta yar-yar lagu kobciyo (koriyo).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Nursery
Dhir xannaanayn
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuureey
name-m shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurto
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
surgery
(n) the treatment of injury, deformity, and disease by instrumental operations.
qalitaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
surgery
/serjari/ (n) qalliin (qalliin caafimaad).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Surgery
Qaybta Qalliinka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surreyn
-ta: (magac, dhedig, keli) suryo gelin: suryeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surreys
-ka: (magac, lab, keli) suryeyn.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Surveys
Qiimays, qiyaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakeyn
m.dh eeg taakee. la-mid: taakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) taako ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toorrey
(Toorrey-da)
Abley; billaawe; magli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toorrey
m.dh (-yo, m.l) Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. la-mid: toorri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toorrey
m.dh (-yo, m.l) Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. la-mid: toorri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toorrey
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorrey
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorreey, toorri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorrey
-da: (magac, dhedig, keli) hub gacmeed bir la tumay ka samaysan. Dh: abley, magli, billaawe, toorrida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toorrey
cf: abley, billaawe, golxob
de: dagger
initial: t
lx: toorrey
pd: (-da)
ps: n1-f
key: toorrey
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tournée
tournée, n.f. - kormeerid gobul
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tourner
tourner, v. - weecin jeedin
tourner autour du pot - dulucda arinta oo laga weecweecdo
tourner un film - filin duubid
tourner en ridicule - fadexadayn
la terre tourne autour du soleil - dhulku qoraxda ayuu ku wareega
la tête me tourne - madax wareer
mal tourner - si xun ku dhamada
se tourner - isku wareega
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhmeyn
m.dh la-mid: tuhmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuhmeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin tuhun ka qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turfayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tukhaantukhaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turfays
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, hore u sii tuurid. Dh: tukhaantukhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryay
(fal) cid kale, wax ku mir. Dh: tuuryey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax tuuryo isdaba joog ah la dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuuryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax tuuryo isdaba joog ah la dhicid. m.f.dh, tuuryayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuryee
v. throw one thing after another, keep on throwing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryee
(fal) gan; rid; xoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuryee
de: throw one thing after another, keep on throwing
initial: t
lx: tuuryee
pd: (tuuryeeyey)
ps: v2b=tr
key: tuuryee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurkurrey
-da: (magac, dhedig, keli) naag jidhkeeda si qarsoodi ah uga ganacsata. Dh: dhillo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamarkeyd
m.dh (fiisikis) Summad: Ep. Tamarta ku keydsantay walax, uguna wacantahay meesha ay taalo, waxaana ay le'egtahay hawsha ku baxday walax ka dhaqaajinta bar beegaal (sida oogada dhulka) ilaa meesha ay hadda taallo. Waxaa lagu helaa Ep = mgh.