tunwayne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunwayne
-ha: (magac, lab, keli) qof tun weyn leh. tuq: (fal) aad u buuxi, oo tandhaafi. Dh: cabbee, foondhaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciinwayne
-ha: (magac, lab, keli) digir gahaydh ah oo aan weli bislaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Wayne
-ha: (magac, lab, keli) mid ka mid ah magacyada Eebbe ee jaliilka ah. Waynaha Allaan wanaag badan baryaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo duco loo sameeyo arday jus ama qayb Qur'aana dhammeeya oo ardayda la siiyo. Baashaal baa bunayn ka qad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dun, meel gelin sida irbad, shawlad ama faynuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duwane
(Duwana-ha)
Aan kuwa kale la mid ahayn ee ka duwan oo ka fiican; wanaagsane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duwane
m. n. different ~ unusual person; uncommon ~ excellent person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duwane
(tilmaame) leh dabeecad ka duwan walaalihii aabbe iyo hooyoba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duwane
de: different ~ unusual person; uncommon ~ excellent person
lx: duwane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: duwane
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
runway
marinka orodka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubayn
m.f.dh eeg tubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tub la maro iyo jid u samayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusayn
Tabular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto afka gelin oo calalin, dabadeed na liqid. Dh: cuntayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntayn
m.f.dh eeg cuntee. la-mid: cuntays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunwaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Magaca la siiyo buug, maqaal iyo wixi lamida oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. la-mid: cinwaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunwaan
m. n. address; title (of book)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunwaan
-ka: (n) address (adarees) ~ ciwaan-ka, adarees
cunwaan -ka: (n) headline (heedh laayn); title (taaytal); heading (heedhing) ~ cinwaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunwaan
de: address; title (of book)
lx: cunwaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: name and address
xv: magac iyo cunwaan
key: cunwaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunnayn
(Dunnayn-ta)
Feer la dhicid; feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunnayn
m.f.dh eeg dunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomid ama feedh la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guntane
m.l Bayd faal oo manjaha ka ah labo, saddexda hogood oo kalana min hal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guntane
-ha: (magac, dhedig kali) mid ka mid ah faalka magiiganaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hungo madhan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunnayn
(Sunnayn-ta)
1. Sunne jideyn.
2. (cunno, kd.) Wax yar ka taabasho; barakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunnayn
m.f.dh eeg sunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, iyo wixii la mid ah, wax yar ka taabasho; barakayn: iskuddeyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turfayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tukhaantukhaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tusmayn
m.f.dh eeg tusmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka reer meel loo sahamiyo ka duwan meeshii ay yaaleen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuutayn
m.f.dh eeg tuutee. la-mid: tuutays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xunbayn
(Xunbayn-ta)
Xunbo yeelasho, soo saarid; xoorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xunbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xunbo yeelasho. Saabuuntu xunbaynta ayay wax ku maydhaa. Dh: xoorin, xunbays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tolweyne
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Tol badan intiisa curaddada ah. 2. Qabiilka oo dhan. 3. Dad isku dan, diin, iyo mabda' ah; qaran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tolweyne
m.l (-nayaal, m.l/dh) 1. Tol badan intiisa curaddada ah. 2. Qabiilka oo dhan. 3. Dad isku dan, diin, iyo mabda' ah; qaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tolweyne
m. n. family members of the first wife; clan; all of the adherents of a given ideology ~ religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tolweyne
-tolweynaha: (n) general members of a tribe or a clan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tolweyne
-ha: (magac, lab, keli) qabiilka awow hore ku wada abtirsada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tolweyne
de: family members of the first wife; [ext.] clan; [fig.] all of the adherents of a given ideology ~ religion
initial: t
lx: tolweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tolweyne
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Uurweyne
nickname-m bellie; dropsier
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daanweyne
nickname-m the one with a protruded jaw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhulweyne
m. n., [compound] mainland
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhulweyne
de: mainland
lx: dhulweyne
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: dhulweyne
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadwayne
-ha: (magac, lab, keli) wax muggiisu weyn yahay. Mooye qaadweyne ah ayaa hadhuudhka lagu shuqlaa
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
quinzaine
quinzaine, n.f. - shan iyo tobnaad; muddo laba toddobaad ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trentaine
trentaine, n.f. - soddomeeyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusbaxyee
(fal) ducee oo Alle bari.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xuubwadne
m.l (-bab ..., m.l) (cilmiga naflayda) Xuubka ku daboolan wadnaha oo laba qaybood leh; qayb dibadeed oo dhammaan wadnaha daboola wuxuuna ku dhagganyahay xididdada dhiigga ee waaweyn oo wadnaha ka baxa ama soo gala; qaybta gudaha qoyaan leh waa kiish xiran: waji toos ugu dhaggan muruqa wadnaha; iyo waji xiga qayb dibadeedka xuubka; riisheka dhexdiisa waxaa ku jira qaddar yar oo dhacaan ah oo ka ilaaliya isxoqidda labada qaybood ee xuubka marka wadnahu garaacayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adduunweyne
m.l Adduunka oo dhan. la-mid: adduun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adduunweyne
m.l Adduunka oo dhan. la-mid: adduun. adduunyo m.dh la-mid: adduun.