tuntuunsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku fara adaygid ama ku tabcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabanayo, fulinteeda waxba kala hadhid la'aan, aad ugu dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunso
(fal) mintid ama ku dadaal. Kutuntuunso shaqadaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuunsasho
m.f.dh eeg tuunso. la-mid: tuunsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax tuunsan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganuunsasho
m.f.dh eeg ganuunso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manuunsasho
m.f.dh eeg manuunso. la-mid: manuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muquunsasho
(Muquunsasha-da)
Xoog wax ku samayn, ku marsiin, diriqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muquunsasho
m.f.dh eeg muquunso. la-mid: maquunsad, maquunsasho, muquunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog ku qaadasho oo awood ku muquunin. Dh: muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunsasho
(Xanuunsasha-da)
Xanuun iska dareemid; xanuun qabasho; bukood; jirrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunsasho
m.f.dh eeg xanuunso. la-mid: xanuunsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bugtaan ama xanuun dubka gaadhay qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxsasho
(Nuuxsasha-da)
Dhaqaaq yar dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxsasho
m.f.dh eeg nuuxso. la-mid: nuuxsad, nuuxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxsasho
vl. n. wobbling, act of jiggling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxsasho
-nuuxsashada: (n) slow movement (muuv-ment); slow motion, especially of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsasho
-da: (magac, dhedig keli) in yar dhaqaaqid. Wuu kala dhici nuuxsashoda badan ka daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxsasho
a: nuuxsad [n2a-m]
de: wobbling, act of jiggling
lx: nuuxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nuuxsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuntuunsi
-ga: (magac, lab, keli) wax ku mintidid; ku fara'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuudsasho
m.f.dh eeg tuudso. la-mid: tuudsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuugsasho
(Tuugsasha-da)
Wax weyddiisasho; baryootan; dewersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugsasho
m.f.dh eeg tuugso. la-mid: tuugsad, tuugsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baryootan; dewersad; wax weyddiisasho. Tuusasho ayey wadankeedii uga timid. Dh: dawersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuqsasho
m.f.dh eeg tuuqso. la-mid: tuuqsad, tuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurunsasho
(Qurunsasha-da)
Qurun ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurunsasho
m.f.dh eeg qurunso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qurun ka dhigasho, qudhunsasho. Dh: qudhunsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunso
(fal) «ku hawl, iyo wixii la mid ah'awoodda oo dhan isugu gee, waxba ha kala hadhin. Ku tuntuunsoo hagar la'aan u qabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uruursasho
m.dh la-mid: aruursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xusuusasho
(Xusuusasha-da)
Xusuus ku garasho; garwaaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xusuusasho
m.f.dh eeg xusuuso. la-mid: xusuusad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xusuusasho
-xusuusashada: (n) remembrance (ri-mem-baransi); recollection (ri-kolek-shin); remembering (ri-mem-ber-ing) ~ dib u soo xasuusasho, xasuusasho, gocasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xusuusasho
-da: (magac, dhedig, keli) xusuus ku garasho. Xusuusashadii alaabtaa waa la iga masaxay. Dh: xusuusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yutucsasho
m.f.dh eeg yutucso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yutucsasho
-da: (magac, dhedig, keli) codsi ku adkaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buntirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, buntirsad samayn. Buntirsasho u joog beenna ka fogow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funjuqsasho
m.f.dh eeg funjuqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsasho
m.f.dh eeg hunyucso. la-mid: hunyucsad, hunyucsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huruudsasho
m.f.dh eeg huruudso. la-mid: huruudsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huruudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) huruud is marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquunsasho
m.dh la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquunsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muquunsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rundudsasho
m.f.dh eeg rundudso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tukaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuntuunsad
-ka: (magac, lab, keli) hagar la'aan u qabashada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yunbudhsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuluqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaa miisaan weyn oo culus dusha ku qaadasho oo la butuluqsasho. La butuluqsasho ayaan bakhaarkan ku keenay mandadda hadhuudhka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hundhursasho
m.f.dh eeg hundhurso. la-mid: hundhursad, hundhursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yunbudhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad iyo kadalloobka u dhexaysa u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
santuurnaansho
m.l/dh la-mid: santuurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afjuxuunsasho
m.f.dh eeg afjuxuunso. la-mid: afjuxuunsad, afjuxuunsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqfuuqsasho
(Fuuqfuuqsasha-da)
Dhawr jeer fuuqsasho, siiba iyadoo weel naas leh laga cabba hayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqfuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo yar oo hadhay, neefta ku soo jiidasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantibursasho
vl. n., [compound] capitalism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantibursasho
de: capitalism Lit: taking more than one's fair share
lx: hantibursasho
pd: (/da)
ps: vn6-f-cmp
key: hantibursasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurtumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kurtun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurtumeysasho
m.f.dh eeg kurtumeyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurkuursasho
(Kuurkuursasha-da)
Iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurkuursasho
m.f.dh eeg kuurkuurso. la-mid: kuurkuursad, kuurkuursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurkuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo la fadhiyo, dhaqdhaqaaqid, nuuxnuusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudmuudsasho
(Muudmuudsasha-da)
In badan ama cabbaar muudsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudmuudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrab iyo faruuryaha muud kaga keenid oo sida naaska wax u jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurmuursasho
(Muurmuursasha-da)
Bushimaha iyo carrabka dhaqdhaqaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurmuursasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg muurmuursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxnuuxsasho
(Nuuxnuuxsasha-da)
Dhaqdhaqaaqid yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxnuuxsasho
vl. n. wobbling, jiggling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxnuuxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg nuuxnuuxsiga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxnuuxsasho
de: wobbling, jiggling
lx: nuuxnuuxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nuuxnuuxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunfulnaansho
m.l/dh la-mid: qafilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurdudumsasho
m.f.dh eeg qurdudumso. la-mid: qurdudumsad, qurdudumsi, qurjujubsad, qurjujubsash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurjujubsasho
m.dh la-mid: qurdudumsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurjujumsasho
m.dh la-mid: qurdudumsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmuunaansho
m.l/dh la-mid: qurmuunaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turjumnaansho
m.l/dh la-mid: tarjumnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turjumnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la tarjumay ahaansho..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bunnaasho
m.dh la-mid: banaaxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubsasho
(Buubsasha-da)
Ceyrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubsasho
m.f.dh eeg buubso. la-mid: buubsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaxaysashada xoolo aanad lahayn. Booli qaataha, buusashada badan, hayna barine, bannaanka ha maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsasho
m.f.dh eeg buuxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxsadkiisa. Buuxsasho buuxsashada bilaydhka yaa kuu oggolaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsasho
m.f.dh eeg duudso. la-mid: duudsad, duudsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duufsasho
(Duufsasha-da)
1. Falaad ama dhaqan xun oo qof loo macaansho si uu ugu bogo oo isagana u falo oo u raaco.
2. (-') Sanka oo xoog loo fiifsado, si duufka ku jiraa uga yimaado; duuf iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duufsasho
duufsasho: m.f.dh eeg duufso. la-mid: duufsad, duufsi.
dųufsasho: m.dh la-mid: dįifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duufsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dugaag, neef bakhtiisasho.
duufsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ku qancin oo madaxa ka qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsasho
m.f.dh eeg fuudso. la-mid: fuudsad, fuudsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqsasho
(Fuuqsasha-da)
Kabbo weyn oo jiidan biyo ama wax kale oo meel ku jira ku marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqsasho
m.f.dh eeg fuuqso. la-mid: fuuqsad, fuuqsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fuuqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guursasho
(Guursasha-da)
Qof kale guur isugu xirid; qof wax qaba ama la qabo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guursasho
m.f.dh guurso. la-mid: guursad, guursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guursasho
-da: (magac, dhedig, keli) guri iyo xaas yeelasho; reer yeelasho. Gaabsi guursashaa ka macaan. Dh: guursi, xaasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huursasho
m.f.dh eeg huurso. la-mid: huursad, huursi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huursasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax huursan ka dhigasho. Dh: huursad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muudsasho
(Muudsasha-da)
Wax sida nacnaca, afka lagu haysto, oo bushimaha iyo carrabka lagu rogrogo oo lagu nuugo taniyo inta qoyaanka ama dhacaanku ka idlaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muudsasho
m.dh la-mid: muursasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muudsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka iyo faruuryaha muud kaga keensasho oo sida naaska wax u jaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muursasho
m.f.dh eeg muurso. la-mid: muudsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quudsasho
m.f.dh eeg quudso. la-mid: quudsi.