tumuujayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumuujayn
m.f.dh eeg tumuujee. la-mid: tumuujo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumuujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomo ku jiidid. Dh: tamuujayn, tantoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muufayn
(Muufayn-ta)
Muufo kicin.
2. Muufo ku dubid; hogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muufayn
m.f.dh eeg muufee. la-mid: moofayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) foorno ku dubid oo ku bislayn; muufo ka dhigid. Dh: foornayn, moofayn, muufays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muunayn
(Muunayn-ta)
Muuno u yeelid; muunadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunayn
m.dh la-mid: muunadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) midabyo qurxoon u yeelid. Dh: naqshadayn, midabayn, aslid.
muunayn-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawayn oo u xurmayn. Dh: xurmayn, tixgelin, muunadays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) muurnimo u tababarid; laylyid oo inuu muur noqdo u carbin. Dh: laylyid, tababarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumuujo
m.dh la-mid: tumuujayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumuujo
-da: (magac, dhedig, keli) tooj; toosh; kaarbuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuutayn
m.f.dh eeg tuutee. la-mid: tuutays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxan
f.mg4 (-xnaa, -xnayd) la-mid: gamuuxan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humuuman
der. [adjective] hungry (from fasting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humuuman
de: hungry (from fasting)
lx: humuuman
pd: (humuumnaa)
ps: adj-der
see: hamuuman
key: humuuman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuducayn
-ta: (magac, dhedig, keli) habka miisaanka suugaanta loo dhiso.
tuducayn -ta: (magac, dhedig, keli) sadarro ka dhigid; habka gabayga loo qoro u qorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumuujee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Cid tantoomo la dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumuujee
(fal) tantoomo la dhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuuryayn
(Tuuryayn-ta)
Tuuryo is dabajoog ah la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuryayn
m.f.dh eeg tuuryee. la-mid: tuuryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tuuryo isdabajjoog ah la dhicid. Dh: tuuryays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uduufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uduufo ah ka dhigid; wax an faa'iido lehayn ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammuurayn
m.f.dh eeg ammuuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammuurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaalal iyo arrimo sida baabka ah ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquulayn
(Cuquulayn-ta)
Dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulayn
m.f.dh eeg cuqulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuunayn
m.f.dh eeg gamuunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) leeb gamuuman ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegasho oo awood ku qabsasho. Dh: qabsasho, muquunin.
muquunayn-ta: (magac, dhedig, keli) muquuno gargaar ah cid siin. Dh: caawin, gargaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujagujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gugujin oo ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuuxnaan
m.dh la-mid: gamuuxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurmuunaan
(Qurmuunaan-ta)
Wax qurmuun ka soo urayo ama qurun leh, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurmuunaan
m.f.dh eeg qurmuun². la-mid: qarmuunaansho; qarmuunaan, qurmoonaan, qurmoonaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurmuunaan
f. n., [abstract] stinkingness, stench
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurmuunaan
de: stinkingness, stench
lx: qurmuunaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: qurmuunaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubatubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba tub ku habboon u doondoonid. Dh: jidayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumburyeyn
m.dh la-mid: tumburid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumburyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) tantoomayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muutamuutayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku ag warwareegid ujeeddo leh oon la badheedhin. Dh: munuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turunturrayn
(Turunturrayn-ta)
Horay u harbin, takhantakhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turunturrayn
m.f.dh eeg turunturree. la-mid: turaanturrayn, turaanturro, turaanturyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) horay u harbin oo takhantakhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turunturyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ama qof xoog isku xejinaya hore u riixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumayn
m.f.dh eeg dumee. la-mid: dumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad abaabulid oo soo ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gujo ku dhufasho. Wayshu way gujayn badan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, liidid oo gun ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majayn
-ta: (magac, dhedig, keli) majo ku haamid. Majaynta heeddu waxay u baahan tahay guus. Dh: goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muufay
(fal) moofo kulul geli oo ku dub oo muufo ka dhig. Dh: moofee, muufee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muujin
(Muujin-ta)
Wax muuqda ka dhigid; tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muujin
m.f.dh eeg muuji. la-mid: muujis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muujin
vl. n. affirmation, basing; revealing, expression, displaying, illustration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muujin
-ta: (n) indication (indikeeyshan)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Muujin
Illustrazione
Illustration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muujin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax muuqda oo saani loo arki karo ka dhigid, Dh: tusid, Li: qarin, khabbayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muujin
de: affirmation, basing; revealing, expression, displaying, illustration
lx: muujin
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: muujin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
muujin
إِظْهَارِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunay
(fal) midabyo qurxoon u samee. Dh: muunaday, qurxi, naqshadee.
muunay: (fal) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawee. Waalidku kolkuu kuu yimaad muunay. Dh: muunaday, xurmee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusan
neg, vl. pron., neg. he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusan
(pronoun plus negative) he..not. Ex: muusan arag; he didn't see ~ muu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusan
de: he ... not = ma + uu + aan
lx: muusan
ps: neg + vpro + neg
xe: He would not have lent it out.
xv: Muusan amaahin lahayn.
key: muusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qujayn
(Qujayn-ta)
Wax ku mudmudid, si cid looga caraysiiyo; daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qujayn
m.f.dh eeg qujee. la-mid: qujays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad iyo aflagaaddo u geysasho. Dh: daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumayn
(Rumayn-ta)
Run u qirid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumayn
m.f.dh eeg rumee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumayn
-ta: (n) the act of believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rumayn
Verificare
Verify
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qirid ictiqaad ah oo maanka laga dhaadhiciyo.
rumayn -ta: (magac, dhedig, keli) war lagu sheegay run u qaadasho; dhab u aqoonsasho. Li beenayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumayn
(Sumayn-ta)
Sun siin, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumayn
m.f.dh eeg sumee. la-mid: sumays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumayn
vl. n. poisoning, infecting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumayn
-ta: (n) the deliberate act of poisoning, contaminating or polluting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sun ku darid, ka dhigid; sumays, sun siin. Sumay buu u dhintay suldaankii shalay la aasay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumayn
cf: sumee, sun
de: poisoning, infecting
initial: s
lx: sumayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sumayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamuun
f.mg1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Meel abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamuun
v. go directly toward a place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamuun
(fal) tuuran oo sida gantaalaha u dhac.
tamuun -ka: (magac, lab, keli) tuuryada xoogga ah iyo xawaaraha uu jaro wax la ganay. Gantaalaha tamuumiyo suntaa tuurista u dhaw e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamuun
de: go directly toward a place
initial: t
lx: tamuun
pd: (tamuumay)
ps: v1=intr
key: tamuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubayn
m.f.dh eeg tubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tub la maro iyo jid u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumayo
m.dh Qare la miiray gufarka ka hara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tummun
(Tummun-ka)
Fallar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tummun
m.l.t (-nno, m.dh) Rubuc laba loo dhigay meel; fallar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tummun
num. one eighth (1/8)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tummun
-ka: (n) one eighth (eeyth) of a pound [1/8]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tummun
-ka: (magac, lab, keli) rubuca nuskii. Tummun sonkora ii soo iibi. Dh: falladh, fallar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tummun
de: one eighth (1/8)
initial: t
lx: tummun
pd: (-ka)
ps: num-m; n2-m
syn: fallar
key: tummun
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tusayn
Tabular
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuujin
(Tuujin-ta)
1. Wax jilicsan ama diisma haya faraha iyo calaacasha xoog ugu qabqabasho.
2. Wax tuuqsama haya sidaas dhacaanka uga soo saarid, uga lisid.
3. Oogo bugta ama daallan qabqabasho, si xanuunka ama daalka ama curuqu uga yaraado.
4. Si jacayl ku jiro oogada u qabqabasho; maraaciyid; salaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuujin
m.f.dh eeg tuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog ku soo saarid wax muuq leh.
tuujin -ta: (magac, dhedig, keli) oogada bugta ama daallan qabqabasho, si xanuunka ama daalka ama juucjuucu uga yaraado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuulan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: tųuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuulan
der. [adjective] loaded, piled up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuulan
a: tuuran
de: loaded, piled up
initial: t
lx: tuulan
pd: (tuulnaa)
ps: adj-der
key: tuulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuuran
Meel la tuurey ama tuurtey; tuunsan; xoonsan; yoobsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuran
tuuran: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax gacanta lagu gamay ahaansho.
tųuran: f.mg4 (-rnaa, -rtay) Wax meel la tųuray ahaansho. la-mid: tuulan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuran
der. [adjective] piled up, headped, loaded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuuran
-tuumaa / tuurnaayeen: (adj) gathered (gatheridh); packed (paakt); crowded (karaaw-didh) ~ tuban