tummaati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tummaati
(Tummaati-ga)
Nabar waran oo toos iyo gacanqabsi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tummaati
tummaati¹: m.l/dh Nabar waran oo toos iyo gacanqabsi ah.
tummaati²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Waran, mindi iyo wixi lamida iyadoo daabka la haysto qof ku mudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tummaati
m. n. spear-wound
tummaati v. wound with a spear ~ pointed weapon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tummaati
(fal) nabar toos ah oo waran ah ku dhufo.
tummaati -da: (magac, dhedig, keli) nabar iyo wixii la mid ah, toos iyo gacanqabsi la isugul dhufto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumaati
-da: (magac, dhedig, keli) nabar tummaati ah ku dhufasho, kumudid gacan qabsi xoog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qummaati
(Qummaati-ga)
Leexleexad la'aan; si wanaagsan; hagaag; toos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummaati
qummaati¹: m.l.fk 1. Si wanaagsan oo hawl loo qabto. 2. Weecweecasho la'aan; toos.
qummaati²: f.g1 (-iyay, -isay) Qof tilmaan toosan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qummaati
m. n., [abstract] straightness, correctness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qummaati
-ah: (adj) straight (istareeyt); direct (di-rekt). Ex: qummaati iigu jawaab! give me a straight answer!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qummaati
-ga: (magac, lab, keli) si hagaag ah con leexleexad lahayn. Qummaati u fadhiiso Dh: saani, hagaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qummaati
de: straightness, correctness
lx: qummaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m-abs
key: qummaati
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tummaati_1
cf: nabar
de: spear-wound
hm: 1
initial: t
lx: tummaati
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: tummaati_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tummaati_2
de: wound with a spear ~ pointed weapon
hm: 2
initial: t
lx: tummaati
pd: (tummaatiyay / tummaatiday)
ps: v1=tr
key: tummaati_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummaatid
m.f.dh eeg qummaati².
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qumaati
tout droit, directement.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumaati
-da: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo hagaagsan. Qumaati u soco. Dh: saani, hagaag. toos. Li: qalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumaali
m.dh.kh (-iyaal, m.l/dh) T. ah: wax gacan lagu farsameeyay (bir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmaati
m.l.kh F.ah: salab, hu' iyo wixi lamida oo laga furtay qof la diley ama la qabtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmaati
-da: (magacwadareed) xoolaha dagaalka lagu furto ee cadawga laga qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax cid u baacin si loo cabsi geliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hummaaji
v. wound, strike
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaaji
(fal) gacan ama nabar u tag. Dh: gaaci.
hummaaji: (fal) aad u cantuug. Waa la addimee timirta humaaji. Dh: maggaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hummaaji
de: wound, strike
lx: hummaaji
nt: hummaajis (ka) [vn2a-m]
pd: (hummaajiyey)
ps: v2a=
key: hummaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tummaatiyid
(Tummaatiyid-da)
Nabar waran oo tummaati ah ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tummaatiyid
m.f.dh eeg tummaati².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tummaatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) nabar waran oo tummaati ah ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhammaati
m.l Xarig saddex dhudood ah oo wax lagu rarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaagsi
(Hummaagsi-ga)
Hummaagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaagsi
m.l la-mid: hummaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaagsi
-ga: (magac, lab, keli) arag aan fiicnayn wax ku eegid; malluug aan qeexnayn oo durugsan fiirin. Dh: biciriirsasho, hummaagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaajin
(Hummaajin-ta)
Gacan ama nabar u taagid; gaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaajin
m.f.dh eeg hummaaji. la-mid: hummaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) gacan ama nabar u taagid. Dh: waabin, gaacin, hummaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hummaajis
(Hummaajis-ka)
Hummaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hummaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaayti
-da: (magac, dhedig, keli) dheecaan huruud ah oo beeryartu cuntada ku sii dayso. Dh: beertaxaniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maati
m.dh la-mid: maato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maati
f. n., [collective] dependents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maati
-da: (n) disadvantaged people, such as children, women, aged persons ~ maato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maati
-da: (magacwadareed) dhallaan iyo dad aan dagaallami karin. Dh: maato, maxas, birimageyday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maati
de: dependents
lx: maati
pd: (-da)
ps: n-f-col
see: maato
key: maati
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumaal
tumaal¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Qof biraha farsameeya. 2. Sab.
tumaal²: m.dh Naag tumaal ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tumaal
m.l (-llo, m.dh) 1. Qof biraha farsameeya. 2. Sab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Tumaal
m. n. name of a Somali clan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tumaal
m. n. blacksmith
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tumaal
nickname-m blacksmith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tumaal
-ka: (n) blacksmith (balaak-is-miith); smith (is-miith) ~ farsamayaqaan; bir tume
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumaal
-ka: (magac, lab, keli) farsamayaqaan birta tuma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummaag
m.dh Xirmo ah cawska rarada laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummaag
-ga: (magac, lab, keli) xidhmo ah cawska rarada laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gummaad
m.l (-dyo, m.dh) Cunto; gasiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gummaad
m.l (-dyo, m.dh) Cunto; gasiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guraati
m.dh la-mid: guraanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hummaag
m.l (-gyo, m.dh) Muuqaal aan si fiican loo arag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hummaag
m.l (-gyo, m.dh) Muuqaal aan si fiican loo arag.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hummaag
Image
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hummaag
m. n. indistinct dim view, unclear vision ~ sight; image
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hummaag
-ga: (n) 1. image (imeeyj); not real; mental picture of something. 2. unclear view of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hummaag
-ga: (magac, lab, keli) sawirkaaga muraayadda kaaga soo baxa kolkaad isku eegto. Dh: hummaag, sawir.
hummaag-ga: (magac, lab, keli) muuqaal aan kala caddayn. Qofka indhah caad ka saarmo humaag uunbuu arkaa. Dh: muuqaal.
hummaag-ga: (magac, lab, keli) qaab loo adeegsado suugaanta oo isbarbardhig ah, sida jacaylka oo lagu shabbaho kan ka dhexeeya xoolaha.
hummaag-ga: (magac, lab, keli) marka aragtidu ay cidhiidhiga tahay ee si adag loo wax loo fiirsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hummaag
de: indistinct dim view, unclear vision ~ sight; image
lx: hummaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hummaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qummani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qummanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummaan
1. (Rummaan-ka) Geed la beero iyo miro wanaagsan oo la cuno oo ka baxa.
2. (Rummaan-ta) Maro midabyo badan oo la huwado ama garbasaar laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummaan
rummaan¹: m.l 1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaa-dheer.
rummaan²: m.dh Maro midabkeedu isugu jiro madow guduud iyo caddaan ama garbasaar ama guntiino ahaan loo istic-maalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rummaan
m.l 1. Geedgaab la beero oo caleemo balballaaran, ubax iyo miro macaan oo la cuno leh. 2. Miraha geedka rumaanka. 3. Qof xabsi ku jira oo xukun sugaya. 4. Nooc ka mid ah sariirihii hore oo alwaaxda qurxan oo la xardhay ka samaysan, oo leh rukummo kor u dhaadheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummaan
m. n. pomegranate
rummaan: [feminine] n. kind of multicolored cloth
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RUMMAAN
(Ruman) S Punica granatum L. Punicaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rummaan
name-f colorful; pomegranate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummaan
-ka: (magac, lab, keli) geed la beero oo leh miro dhexda guduudan oo la cuno.
rummaan-ka: (magac, lab, keli) midhaha geedka rummaanka.
rummaan -ka: (magac, lab, keli) eedaysane jeelk ku jira oon weli la xukumin. Dh: maxkamadsuge, dibboo.
rummaan -ta: (magac, dhedig, keli) maro midabe badan oo la huwado ama garbasaar laga dhigto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
summaan
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluungoomeedka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaato
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tamaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tammadi
v. target, head directly for; mark someone ~ something as a target
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammadi
(fal) cid kale, ku hiro; u tag, abbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tammadi
de: target, head directly for; mark s.o. ~ s.t. as a target (e.g., a person who could help solve a problem)
initial: t
lx: tammadi
nt: tammadin (ta) [vn-f]
pd: (tammadiyey)
ps: v2a=tr
key: tammadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku t.: meel u socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumnaan
m.f.dh eeg tuman. la-mid: tumnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel tuman ahaan; xoomsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunmaal
-ka: (magac, lab, keli) waa qof tunkiisa rarta ama muruqmaal. Dh: muruqmaal, qalinmaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Turmaag
(Turmaag-ga)
Muuqaal ama malluug kor u yuuban, kor u dhereran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turmaag
m.l.kh T. ah: wax ama qof si toos ah oo aan dhaqaaq lahayn u taagan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turmaag
m. n. person ~ object standing upright and immobile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turmaag
-ga: (magac, lab, keli) muuqaal ama malluug kor u yuuban ama kor u dhereran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turmaag
de: person ~ object standing upright and immobile
initial: t
lx: turmaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: turmaag
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xumaato
f. n., [abstract] wickedness, evil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xumaato
-xumaatada: (n) wickedness (wikidh-nes); vice (vaays); evil (ii-vel) conduct ~ see [eeg] xumaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xumaato
cf: fasahaad
de: wickedness, evil
initial: x
lx: xumaato
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: xumaato
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cammaari
name-m one who is builder, long lived, or preserver of life
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmaato
m.dh Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furmaato
m.dh Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmaato
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis dhex mara labo dhinac oo ku salaysan in dagaalka la joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaani
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lammaani
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku l.: wax, wax kale ku xoojin, ku labayn, raacsiin. m.f.dh, lammaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lammaanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ka q.: cid meel xoog kaga celin. 2. Ka q.:wax meel halis ah ka weecin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qammaadi
v. cause someone to avoid something, make someone turn away from
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadi
(fal) (ka ~) ka fogee; ka dheeree; ka weeci. Xoolaha sunta ka qammaadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qammaadi
de: cause s.o. to avoid s.t., make s.o. turn away from with preposition ka
lx: qammaadi
pd: (qammaadiyey)
ps: v2a=tr
key: qammaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummaysi
m.l la-mid: rummaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tammooti
(Tammooti-da)
1. Neef aan fayoobeyn ama cudur u dhintay oo la qasho.
2. Neefka sidaas ah hilibkiisa; aan dubaax ahayn.
3. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammooti
m.l/dh Neef aan fayoobeen oo cudur dhimanaya oo la qasho.