tumasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tumasho
(Tumasha-da)
1. (bir) samaysasho, garaacsasho.
2. Caweys ka qayb gelid; cayaarid; dheelid.
3. (ku tumasho) qof korki ama wax kale ku durdurin, ku baabbaacayn; cagaha la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumasho
m.f.dh eeg tumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tumasho
vl. n. pounding, beating; dancing; having fun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tumasho
-tumashada: (n) enjoyment (in-jooy-ment); fun (fan)
ku tumasho -tumashada: (n) violation (yaaya-leey-shiri); breach (biriij); the act of breaking or disregarding the law or a promise, the act of trampling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumasho
-da: (magac, dhedig, keli) amley iyo wixii la mid ah, samaysasho.
tumasho -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo sacab isku maaweelin. Tumashiyo ciyaar loo gudaa talo maaha.
tumasho -da: (magac, dhedig, keli) ku joogjoogsasho ama ku isistaagid.
tumasho-da: (magac, dhedig, keli) nin ka sinaysta gabadh aanu qabin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tumasho
de: pounding, beating; dancing; having fun
initial: t
lx: tumasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: tumo
key: tumasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tumasho
رقص
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Umasho
(Umasha-da)
Naf ka bixid; dhimasho; geeryoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
umasho
f. n., [abstract] death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo xaalad geeriyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
umasho
de: death
initial: u
lx: umasho
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: dhimasho
key: umasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humasho
m.f.dh eeg humo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humasho
vl. n. mending (of clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humasho
-da: (magac, dhedig, keli) maro calal ah tolosho. Dh: toltolosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humasho
cf: humo
de: mending (of clothes)
lx: humasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: humasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukasho
(Tukasha-da)
Salaad la imaansho, oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukasho
m.f.dh eeg tuko. la-mid: dukad, dukasho, tukad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tukasho
vl. n. praying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tukasho
-tukashada: (n) the performance of Islamic prayers; the act of praying; prayer (pareeyer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukasho
-da: (magac, dhedig, keli) salaad oogid oo waqtigeeda la tukado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tukasho
cf: salaad; tuko
de: praying
initial: t
lx: tukasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: tukasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tukasho
صلاة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turasho
-da: (magac, dhedig, keli) xulashada wax badan oo lagu doorransiiyo. Dh: xulasho, tayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uumasho
m.f.dh eeg uumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uumasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, abuurasho. Dh: samaysasho, abuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagayn
(Cagayn-ta)
Cag la dhicid; ku tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaantayn
(Dhaantayn-ta)
Dhaanto tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacad
m.dh.u Dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo tumasho u banbaxday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) Tumasho u go'doomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbee
rabbee: f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.
rąbbee: f.g2 (-beeyay, -baysay) Geel wax ku tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) 1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. la-mid: shukulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumco
f.g3 (-caday, -catay) Badar tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunsii
f.g2 (-iiyay, iisay) Ku t.: ku tumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sukulo
f.g3 (-ushay, -ulatay) 1. Wax sukuliye ku tumasho. 2. Badar si isha looga bixiyo aayar u tumasho. 3. Digir duban qob ka qaadasho. m.f.dh, sukulasho. la-mid: shukulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tumo
f.g/mg3 (-untay, -umatay) 1. (f.g) Bir qalab ka samaysasho. 2. (f.mg) Wan dhufanan ka dhigaasho. 3. (f.mg) Qof wuxuu jecelyahay ku raaxaysasho. 4. (f.mg) Ku t.: qof korkii ama wax kale ku durdurin, ku baabbacayn; cagaha la dhicid. m.f.dh, tumasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
flout
/flowt/ (v) ku-tumasho, tixgelin la'aan. e.g. I was surprised that he could flout the law and get away with it.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
orgy
/oorji/ (n) xaflad fisqi badan (tumasho, khamri iwm oo dhan la sameeyo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
override
/owvar-raydh/ (v) 1. ka tillaabsasho qof kale amarkiis, hadalkiis iwm; ku tumasho go'aanno qof kale 2. ka muhiimsan (wax ka ahmiyad badan waxyaabaha kale oo dhan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
playboy
/pley boy/ (n) wiil lawfar ah (wiil tumasho iyo raaxo u go'doomay).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trample
/traampal/ (v) ku tumasho; ku istaagid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
violate
/vayaleyt/ (v) 1. sharci-jebin; heshiis jebin; xad-gudub. (v) 2. burburin; ku tumasho xurmo la'aan ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
baldòria
s.f. - tumasho (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calpestare
v.tr. - cagayn, ku tumasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
divertiménto
s.m. - tumasho raaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmasho
-da: (magac, dhedig, keli) u gurmashada cid dhib haysato. Burmasho haddaannu ka waynay bannaanka hannaga maraan. Dh: gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmasho
m.f.dh eeg furmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xidhnaa furasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmasho
(Gurmasha-da)
Meel dhiillo laga keenay ama shil weyni ka dhacay, degdeg ciidan ugu dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmasho
m.f.dh eeg gurmo. la-mid: gurmad (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmasho
vl. n. act of rushing to the rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiillo ama wax kale ka dheceen taageero degdeg ugu dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmasho
a: gurmad
de: act of rushing to the rescue
lx: gurmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho; meel ku kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa walax meel ka laadlaaddaa ay samayso, Dh: ruxmid, ruxmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxmasho
m.f.dh eeg ruxmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruxmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumcasho
m.f.dh eeg sumco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tu'sasho
m.f.dh eeg tu'so.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tu'sasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad dareemaysao sheegasho; tabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubbasho
m.f.dh eeg tubbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubbasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel soo xoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turqasho
m.f.dh eeg turqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turqasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku mudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuurasho
(Tuurasha-da)
Wax tuuran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurasho
m.f.dh eeg tuuro.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tuurasho
service
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuurasho
vl. n. piling up, getting piled up ~ gathered together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuurasho
-da: (magac, dhedig, keli) mar ridasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuurasho
de: piling up, getting piled up ~ gathered together
initial: t
lx: tuurasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: tuuro
key: tuurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yumbasho
m.f.dh eeg yumbo. la-mid: dhumbad, dhumbasho, yumbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yumbasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo dhex quusid. Yumbashaa kalluun lagu qabtaa. Dh: muquurasho, yunbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) 1. Arrin go'aan ka gaarid. 2. Ku t.: wax filasho. 3. La t.: talo cid la garabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tasho
f.mg3 (-shaday, -shatay) 1. Arrin go'aan ka gaarid. 2. Ku t.: wax filasho. 3. La t.: talo cid la garabsasho. m.f.l, tashad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tasho
v. consider, ponder, think over; make up one's mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tasho
-tashaday / tashatay: (v) make a decision.
soo tasho: (v) make up your mind; choose between two or options or alternatives
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasho
(fal) arrin ama wax kale talo ka qaado; ka feker oo go'aan ka gaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tasho
de: consider, ponder, think over; make up one's mind
initial: t
lx: tasho
pd: (tashaday)
ps: v3a=intr
key: tasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumayo
m.dh Qare la miiray gufarka ka hara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulasho
-da: (magac, dhedig, keli) rajaynta iyo naruurashada wax soo socda. Dh: naawilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bu'asho
m.f.dh eeg bu'o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bu'asho
-da: (magac, dhedig, keli) buqdhabashada ceelka buuxa. Dh: butaacid, buqasho.
bu'asho-da: (magac, dhedig, keli) qof cadhaysan hadal uu ku jarsheeganayo. Aan butaaco sida kararka waa bu'ashadaydiiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucasho
m.f.dh eeg buco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukasho
m.f.dh eeg buko. la-mid: bukood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqasho
m.f.dh eeg buqo. la-mid: buqad, buqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqasho
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho jugi ay keento oo ka daata weel buuxa oo daboolan.
buqasho -da: (magac, dhedig, keli) noqo wax buqanaya, butaacaya oo furka tuuraya, jabsanaya oodda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubasho
m.f.dh eeg cubo. la-mid: cugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cugasho
m.dh la-mid: cubasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cugasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cugad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curasho
(Curasha-da)
1. Bilaabasho; abuurmid.
2. (xoolo) dhalid bilaabid.
3. (roob) di'id bilaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curasho
m.f.dh eeg curo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curasho
f. n. cloud, thundercloud
curasho vl. n. first childbirth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
curasho
-curtay / curatay: (v) [with preposition ku] have a first child or baby.
curasho -curashada: (n) rise (raayz); beginning ~ dhalasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curasho
-da: (magac, dhedig, keli) di'itaanka ugu horreeya ee roobka.
curasho -da: (magac, dhedig, keli) dhalmada ugu horaysa ee noolaha.
curasho-da: (magac, dhedig, keli) bil, soo bixid; bilow; dhalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubasho
(Dubasha-da)
(cunno) dab, raran, kd., ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubasho
dųbasho: m.f.dh eeg dųbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubasho
vl. n. baking, frying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib, xasiid ama wax kale, dab ku solasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubasho
de: baking, frying
lx: dubasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dubasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dubasho
قَلْي قَلْوُ الطَّعَامِ