tukaansad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansad
-ka: (magac, lab, keli) tukaan wax ka soo iibsad. Soo tukaansadka ka soo dhaqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansad
(Shukaansad-ka)
Shukaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansad
m.l la-mid: shukaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansad
-ka: (magac, lab, keli) qof dumar ah, hadalo xodxodasho ah, kula hadlid. Dh: koodiin, xodxodasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansi
-ga: (magac, lab, keli) wax soo iibsi; tukaanka marka laga soo adeeganayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaanso
(fal) dukaan tag oo wax ka soo iibso, wax soo iibso ama suuga ka soo adeego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqaansad
m.l la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqaansad
-ka: (magac, lab, keli) hingsho iyo dhaqaaq uu sameeyo noole fadhiya. Dh: ruqaansi, ruqaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaanlay
-da: (magacwadareed) dadka inta iibinta dukaannada shaqadoodu tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tukaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukaangaad
-ka: (magac, lab, keli) awr. gaadhi ama wax kale oo hayin ah oo bukaanka iyo dadka liita lagu qaado. Awr bukaangaad ah dhayal looma bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaanqaad
m.dh (-dyo, m.dh) Sariirta yar ee lagu qaado qofka aad u jirran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukaanqaad
m. n., [compound] ambulance; hospital orderly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukaanqaad
de: ambulance; hospital orderly
lx: bukaanqaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: bukaanqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaansaar
(fal) dukaan ku dar dukaan kale oo meesha sii ahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurbaansad
-ka: (magac, lab, keli) cunto iyo hilib lagu Alla baryo samaysasho. Dh: ducaysi, daraaraysi, qurbaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqaansad
m.l la-mid: ruqaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqaansad
-ka: (magac, lab, keli) hingsho iyo dhaqaaq uu sameeyo noole fadhiya. Dh: rugaansad, ruqaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tilmaansad
(Tilmaansad-da)
Tilmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tilmaansad
m.l la-mid: tilmaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tilmaansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg tilmaamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaanad
(Kaanad-da)
Qori dheer oo madaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonnida ku duwduwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaanad
m.dh Qori dheer oo masaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonida ku duduwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaanad
f. n. rudder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaanad
-da: (magac, dhedig, keli) qori dheer oo madax ballaadhan oo daloola leh, oo shukaanta doonnida afkeeda hore ee fiiqan la gesho, madaxiisa kalana shukuumigu gacanta ku hayo oo doonnida ku duduwo. Wa: kaanado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaanad
de: rudder
lx: kaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kaanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukaan
-ka: (magac, lab, keli) meherad alaabooyinka laga iibsado cuntooyinka qaydhiin laga miisto. Tukaan baan furanayaa. Dh: daas.
tukaan-ta: (magac, dhedig, keli) cayayaan yaryar oo dhiigga jaga. Tukaan ayaa xalay i cuntay. Dh: kutaan, tukhaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansad
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansad
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, dhakhtar, wadaad ama cid kale oo wax dawaysa u geysasho. Dh: baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsad
m.l la-mid: kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsad
-ka: (magac, lab, keli) dib u dhigasho; sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsad
(Taagsad-ka)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsad
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsad
-ka: (magac, lab, keli) awood u sheegad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansad
(Dhaansad-ka)
Dhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansad
m.l la-mid: dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansad
vl. n. fetching of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansad
-ka: (magac, lab, keli) buuxsad oo daf ka siisasho. Dh: dhaansi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansad
a: dhaansasho (/da) [vn6-f], dhaansi (ga) [vn2-m]
de: fetching of water
lx: dhaansad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dukaafad
(Dukaafad-da)
Kobta fiiqa iyo qashinka lagu daadsho; qashinqub; (ama kuddaafad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dukaafad
m.dh (-do, m.l) Meel qashinka lagu daadsho; qashinqub. la-mid: duggaafad, kuddaafad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dukaafad
m.dh (-do, m.l) Meel qashinka lagu daadsho; qashinqub. la-mid: duggaafad, kuddaafad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dukaafad
f. n. garbage dump, rubbish heap, tip
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dukaafad
-da: (n) dump (damp); garbage dump ~ qashin qub, gudaafad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaafad
-da: (magac, dhedig, keli) qashinka la tuuro iyo halka lagu daadiyoba. Dh: guddaafad, kuddaafad, qashin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dukaafad
a: kuddaafad
de: garbage dump, rubbish heap, tip
lx: dukaafad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dukaafad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaanso
(fal) suuqa alaabo kala duwan ka soo iibso. Dh: adeego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Funaanad
(Funaanad-da)
Dhar tolan oo la qaato oo ama jilicsan oo oogada xiga oo dhididka dhawra, ama culus oo dhaxanta laga qaato; garan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funaanad
m.dh (-do, m.l) 1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
funaanad
m.dh (-do, m.l) 1. Feeragashi aan gacmo lahayn oo shaati laga hoos qaato; garan. 2. Hu' jilicsan oo sida shaatiga u tolan oo kulaylaha la qaato. 3. Hu' culus oo kor laga qaato oo badi ahaan ka samaysan dhogor oo dhaxanta laga gashado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
funaanad
f. n. sweater, pullover, jersey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
funaanad
-da: (n) T-shirt, also tee shirt, sweater (swetar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
funaanad
-da: (magac, dhedig, keli) shaadh dharka laga hoos xidho ama keli ahaan ba loo gashado oo dhaxanta laga xidho oo inta badan ka samaysan suuf. Wa: funaanado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
funaanad
de: sweater, pullover, jersey
lx: funaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: funaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunaanad
(Gunaanad-ka)
1. Qofka dhimanaya oo si wanaagsan Quraan loogu sagootiyo; qofka intaan naftu ka bixin, Quraanka lagu akhriyo; yaasiinka oo lagu akhriyo qofka dhimanaya.
2. Dhammaystir; ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunaanad
gunaanad¹: m.l 1. Dhammaystiridda wax la dhamaystiro. 2. la-mid: gunaanadid.
gunaanad²: f.g1 (-day, -dday) 1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iyo wixi lamida dhammaystirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunaanad
gunaanad¹: m.l Dhammaystiridda wax la dhamaystiro.
gunaanad²: f.g1 (-day, -dday) 1. Qof dhimanaya quraan ku akhriyid. 2. Dood iyo wixi lamida dhammaystirid. m.f.dh, gunaanadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunaanad
v. read ~ recite the Koran to a dying person; conclude, summarize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunaanad
-ay: (v) bring to an end; sum up; conclude (ken kuluudh) summarize (samaraayz) —soo gunaanad; make conclusion. 2. last; care for the dying person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunaanad
(fal) qof sii dhimanaya, quraan ku dul akhri.
gunaanad: (fal) hawl socotay soo afjar; hadal ama hawl socotay soo xidh ama soo dabayaagee.
gunaanad-ka: (magac, lab, keli) aayado quraan ah oo lagu akhriyo qof naftu gurayso ama ka sii baxayso, gaar ahaan Yaasiinka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunaanad
bw: yaasiin
de: read ~ recite the Koran to a dying person; [ext.] conclude, summarize
lx: gunaanad
nt: gunaanad (ka) [vn-m]
pd: (gunaanaday)
ps: v1=
key: gunaanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukaasid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog u dilid oo wax weyn la dhicid. Dh: bukaasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransad
(Taransad-ka)
Taransasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransad
m.l la-mid: taransasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransad
-ka: (magac, lab, keli) wax badsadka, taransasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsad
m.l la-mid: ugaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsad
-ka: (magac, lab, keli) dabashada ugaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikaacsad
m.l la-mid: bikaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikaacsad
-ka: (magac, lab, keli) bikaacsasho samayn. Bikaasad baan ku arkay iftiinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansad
m.l la-mid: cawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo iyo taageero ka doonid; xoog iyo ciidan bidid. Dh: cawaansasho, cawaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdansad
m.l la-mid: curdansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furaadsad
m.l la-mid: furaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansad
m.l la-mid: go'aansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansad
-ka: (magac, lab, keli) go'aan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsad
m.l la-mid: hakaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansad
-ka: (magac, lab, keli) soo foorarsasho ama qooraansi. Dh: hoogaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humaagsad
-ka: (magac, lab, keli) si araggeegu cidhiidhi yahay, wax ugu fiirsad. Dh: hummaagsasho, biciriirsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iimaansad
m.l la-mid: iimaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iimaansad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad haysid, ku gancid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaansad
m.l la-mid: irmaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaansad
(Macaansad-ka)
Macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaansad
m.l la-mid: macaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaansad
-ka: (magac, lab, keli) dhadhan jeclaysi raaxo leh. Macaansadka shaahu yaanu ku hodine iska jooji. Dh: macaansi macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadsad
m.l la-mid: muraadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadsad
-ka: (magac, lab, keli) duco muraad laga leeyahay samaysasho. Dh: muraadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaabsad
m.l la-mid: rakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaabsad
-ka: (magac, lab, keli) rakaab urursad. Weli rakaabsad buu ku jiraa gaadhigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marka cagta la qaado, ee socodka la bilaabayo. Dh: talaabsasho. talaabsasho -da: (magac, dhedig, keli) eeg talaabsadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax xadida; wax aan la arkayn ama aan raali laga ahayn xadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukaansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka dukaan hore mid kale lagu daro kaas oo aanay isku wax iibinaynin laakiin wada socon karaan oo wada iibsamayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beekhaansad
m.l la-mid: beekhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukaansocod
m.l (-dyo, m.dh) 1. Qof jirran oo socon kara oo lugtiisa ku taga meeshii uu iska daaweyn lahaa. 2. Bukaansocod-eegto.