tudhniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tudhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg tudhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudhniin
-ka: (magac, lab, keli) rudhitaan wax la goosto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tudhitaan
-ka: (magac, lab, keli) tudhidda lafteeda; naxiista iyo dulqaadka iyadoo da' ama awood la xeerinayo. Dh: tudhniin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
alleviation
n., tudhaal, tudhniin, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
solace
n., tudhaad, -di, tudhniin, -ki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quudhniin
-ka: (magac, lab, keli) quudhitaanka laftiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuniin
vl. n. hammering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuniin
de: hammering
initial: t
lx: tuniin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tuniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudniin
(Gudniin-ka)
Wax gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudniin
m.l la-mid: gudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudniin
vl. n. act of circumcision ~ clitorectomy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudniin
-ka: (n) circumcision (ser kom sishiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudniin
-ka: (magac, lab, keli) qof kale, baaro ka goyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudniin
cf: beejo ~ buuryo (male); kintir (female)
de: act of circumcision ~ clitorectomy
lx: gudniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gudniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gudniin
ختان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mudniin
m.l la-mid: mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudniin
-ka: (magac, lab, keli) turqanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubniin
-ka: (magac, lab, keli) tubitaanka laftiisa, koox koox ma xoonxon isu taagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg tufitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunniin
-ka: (magac, lab, keli) dhufaanniinka.
tunniin -ka: (magac, lab, keli) garaacitaanka, ulaynta qof la uleeyo.
tunniin -ka: (magac, lab, keli) garaacniinka, firi buushi laga saaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turniin
m.l la-mid: turaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
turniin
vl. n. leniency
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
turniin
-ka: (n) mercy (meersi); leniency (lii-ni-yansi); patience (peey-shansi); tolerance (toola- ransi) ~ turaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turniin
-ka: (magac, lab, keli) cid tamardaran u dhibrin. Dh: turaal, turriin, turriinsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
turniin
a: turriin (ka) [vn-m]
cf: turriimo
de: leniency
initial: t
lx: turniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: turniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tusniin
-ka: (magac, lab, keli) ka tegidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhniin
-ka: (magac, lab, keli) bidhitaan wax ku qaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhniin
-ka: (magac, lab, keli) fadhidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg fidhni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhniin
-ka: (magac, lab, keli) ladhitaanka wax biiro u baahan ama xoojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhniin
-ka: (magac, lab, keli) xulniin. Kolka garawga biyo lagu shubo madhniinkiisu wuu sahlan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudhsiin
m.dh la-mid: rudsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugniin
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, baryitaan: dadka gacanta hoos dhigitaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuurniin
tuurniin: m.l la-mid: tuurid.
tųurniin: m.l la-mid: tųurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhniin
-ka: (magac, lab, keli) wadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xidhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg xidhitaan.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tudhniin-ta
clémence.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg baadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhniin
-ka: (magac, lab, keli) dhinicii loo socdey maahee dhinac kale u kicid. Baydhniinka jidka iska ilaaliya haddii kale wad lumaysiin. Dh: weecniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feedhniin
-ka: (magac, lab, keli) feedhidda qof kale oo gacanta uu duuban ku dhufasho.
feedhniin -ka: (magac, lab, keli) timaha, saqaf iyo wax kale ku kala saarid.
feedhniin -ka: (magac, lab, keli) jeexjeexniin caw iyo wax la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudhsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) fuud cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg maydhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanka kale uga dusin. Dh: mudbixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg qaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saydhniin
-ka: (magac, lab, keli) 'mici' ku saydhidda lafteeda.
saydhniin -ka: (magac, lab, keli) 'qodax' saydhidda lafteeda; sayrniin.
saydhniin -ka: (magac, lab, keli) 'dareere' saydhidda lafteeda; sayrniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuhunsiin
m.f.dh eeg tuhunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadhniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg xaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhniin
-ka: (magac, lab, keli) yeedhidda lafteeda. Yeedhniin badanidaa i sug!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiin
(Dhiin-ka)
1. Dhacaan layiig ah oo badanaa ka soo baxa miraha dhugca oo aad u bislaada.
2. (midab) guduud aad u guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiin
dhiin¹: m.l 1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iyo wixi lamida 2. Midab aad u guduudan.
dhiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Miro, geedo, nabar iyo wixi lamida dheecaan ka soo bixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiin
dhiin¹: m.l 1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iyo wixi lamida 2. Midab aad u guduudan.
dhiin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) Miro, geedo, nabar iyo wixi lamida dheecaan ka soo bixid. m.f.dh, dhiimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiin
m. n., [collective] juice oozing from ripe fruit; deep red color, reddish-brown
dhiin: v. become red; ooze
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhiin
name-m a deep red color; lit: beautiful with a brighter light-skin. Syn: Dhiimo, Maadhiin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiin
-ka:: (n) 1. crimson; red color ~ casaan, guduud.
dhiin -dhiimay / dhiintay: (v) discolor (dis-kalar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiin
(tilmaame) midab cas leh.
dhiin -ka: (magac, lab, keli) midab lo'du leedahay oo guduud xiga. Dh: casaan, guduud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) hal cunaha buuran.
cudhin -ta: (magac, dhedig, keli) weysada ubbada ah lakabka sare ee cuneheeda ku yaalla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diniin
diniin¹: m.l la-mid: diddin¹.
diniin²: f.mg1 (-nay, -nayd) la-mid: diddin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diniin
v. drop from a container (e.g., the last drops of liquid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diniin
-ka: (magac, lab, keli) socodka dareeraha aant badnayn ee qunyar u soconaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diniin
a: dindin
de: drop from a container (e.g., the last drops of liquid)
lx: diniin
pd: (diniinay)
ps: v1=intr
key: diniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudhin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo ama neef yar naaska ka joojin; naas nuujin ka goyn. Li: nuujin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tihiin
v., pl., present habitual: you are
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tihiin
(personal pronoun plus verb to be) .... you are or are you... Ex: yaa tihiin? who are you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tihiin
de: you are
initial: t
lx: tihiin
ps: v5a-2pl-prhb
xe: You are good farmers.
xv: Beeraley wanaagsan baad tihiin.
key: tihiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiniin
m.l (-nno, m.dh) Imbili dhexda dun laga gashay oo carruurtu ku ciyaarto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tudhid
-da: (magac, dhedig, keli) «u ~» turriimo u gelid, u xeebasho; uga nixid dhib lagu samayn lahaa. Dh: tudhis, turis.
tudhid -da: (magac, dhedig, keli) wax qof dhibaato u keeni lahaa jacayl la jecel yahay naxariis awgeed uga dayn ama uga ilaalin. Dh: dhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukhni
(tilmaame) midab madow ah oo badhax la'. Marada midabkeedu waa tukhni. Dh: guxul, dhuxul.
tukhni -ga: (magac, lab, keli) geed midab iyo iniin madow leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg ugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg uritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadniin
-ka: (magac, lab, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: aadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidniin
-ka: (magac, lab, keli) bididitaanka wax aanad hubin. Bidniin wax kuma qiyaasi kartid.
bidniin -ka: (magac, lab, keli) noole ama wax baad leh bididitaankiisa. Bidniin markay kari weyday bay shimburtu geedka ku degtay Dh: duulniin, lalniin, haadniin.
bidniin -ka: (magac, lab, keli) rifmitaanka timaha. Bidniinkii wuu ka joogsaday timihii gabadha, Dh: rifniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg bulitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg cubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufniin
-ka: (magac, lab, keli) meel gufayn.
cufniin -ka: (magac, lab, keli) walax, adkayn oo wax cufan ka yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg culliin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunniin
m.l God, dab iyo wixi lamida ciid ku aasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunniin
-ka: (magac, lab, keli) cunitaanka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaniin
dhaniin¹: m.l Qoyaan yar oo meel ka dindimaaya. la-mid: dhashiin.
dhaniin²: f.mg1 (-iimay, -iintay) Qoyaan yar meel ka dindimid. la-mid: dhashiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedniin
-ka: (magac, dhedig, keli) gef aad geysatay, midhihiisa khadhaadh u ayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidniin
-ka: (magac, lab, keli) fiditaanka iyo baahista war iyo wax la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqniin
-ka: (magac, lab, keli) fuqidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furniin
m.l la-mid: furid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
furniin
vl. n. divorce; act of opening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furniin
-ka: (n) legal dissolution of a marriage: divorce (divoorsi) ~ furitaan, furriin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
furniin
a: furriin
de: divorce; act of opening
lx: furniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: furniin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godniin
-ka: (n) the act of curving, bending or forming an arc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubniin
(Gubniin-ka)
1. Wax gubid.
2. Saamayska gubashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubniin
m.l la-mid: gubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubniin
vl. n. act of burning ~ setting fire to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubniin
-ka: (magac, lab, keli) wax gubid; gubis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubniin
de: act of burning ~ setting fire to
lx: gubniin
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gubniin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurniin
gurniin: m.l la-mid: gurid.
gųrniin: m.l la-mid: gųrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurniin
-ka: (magac, lab, keli) alaab ama wax kale oo meel ku sugnaa hadba mid qaadid, oo meel kale geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadhiin
(Hadhiin-ka)
Afarta astaamood oo qaybaha turubku u kala baxaan mid kamid ah; saddexda kale waa: Dheemman, isbig iyo karaawil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadhiin
m.l.u Afarta haad ee turubka mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadhiin
m.l.u Afarta haad ee turubka mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadhiin
m. n., [collective] heart ~ hearts (playing card suit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadhiin
-ka: (n) [playing cards] heart (haart) Ex: sida dheemman, isbig, hadhiin iyo karwal; such as diamonds, clubs, hearts, and spades