tu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tu
Wax ama qof dheddig oo keli ah; mid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tu
mu.ac.dh (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tusaale: “Tu wanaagsan baan ku toosay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tu
mu.ac.dh (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo dhaddig ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya; mid. Tusaale: Tu wanaagsan baan ku toosay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tu
pron. - adiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tu
(fal) marka awrka la fadhiisinayo ayaa la isticmaalaa. Dh: juu.
tu-da: (magac, dhedig, keli) cudur xoolaha ku dhaca. Tu'ida: ayaa gashay xoolaha.
tu: (magac'uyaal) tilmaamaya qof ama wax dhedig oo keli ah. Dh: mid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tu
tu, pron. pers. - adiga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaar
(Abbaar-ta)
Sida eg, tusmo; marin; aaddanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addin
(Addin-ka)
1. Lugaha iyo jeenyaha iyo gacmaha middood.
2. Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama aadaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afcelin
(Afcelin-ta)
*Afniqid; turjumaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afceliye
(Afceliya-ha)
Afhaye; afnaqe, turjumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afhaye
(Afhaya-ha)
Qof dadka afaf kala duwan ku hadla, u kala afceliya; afceliye; turjumaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afnaqe
(Afnaqa-ha)
Afceliye; turjumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afweyn
(Afweyn-ta)
Riciraha tunka tan ugu korraysa oo afka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaal
(Afyaal-ka)
1. Madax; horfiiq.
2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.
3. Oodafo; dhacan.
4. Horgalka tusbaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allabbari
(Allabbari-ga)
Eebbe wax-ka-bari; Ilaah-bari; Rabbi-bari; Eebbe-tuug: duceysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaad
(Andaqaad-ka)
Arrin lagu heshiiyey, wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda oo la qaato; eedqaad; xilxanbaar; shaf-u-tun; u qoolnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Andaqaadid
(Andaqaadid-da)
Arrin lagu heshiiyey wixii xil ka yimaada ama eeddii ka timaadda, qaadasho; eed qaadid; xil xanbaarid; isu qoolid; shaf u tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aroorin
(Aroorin-ta)
1. Biyo la doonid; ceel u kaxayn.
2. Hoos u dhigid, u dejin, ku fogeyn.
3. Qof hurda riyo wax ku tusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxamid
(Arxamid-da)
Jimic u gelid; u turid; u naxariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arxan
(Arxan-ka)
Naxariis; raxmad; turaal; jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asluub
(Asluub-ta)
Dhaqanwanaag; anshax; tusmo; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayo
Kuma? Kee? Tuma? Tee?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbacayn
(Baabbacayn-ta)
(geel) orod cagaha dhulka lala dhaco; durdurin; ku tumasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baabbul
(Baabbu-sha)
Timo aad u baxa iyagoo aan la ilaalin; yoofil; tuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-tu
a: -dhu, -du, -shu; Refers to the sentence subject
de: the one [FEMININE DEFINITE SUBJECT]
lx: -tu
ps: det-f-subj
key: -tu
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
ITU
Ururka war isgaarsiinta Aduunka
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tu'
(Tu'-da)
Cudur xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tu'
m.dh 1. Cudur xoolaha ku dhaca. 2. la-mid: tuu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tub
(Tub-ta)
Dhabbe; daw; waddo; marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tub
tub¹: m.dh (-bo, m.l) Dhabbe; waddo.
tub²: m.dh (c.fal.) Jidka ay maraan walxaha samaddu marka ay dulalaatiga dhex jiirayaan iyadoo loo fiirinayo bar la doortay. Tubta dhulku waa jidka uu maro dhulku marka uu ku meereysanayo qorraxda.
tub³: f.g1 (-bay, -btay) Wax badan meel isugu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tub
tub¹: m.dh (-bo, m.l) Dhabbe; waddo.
tub²: m.dh (c.fal.) Jidka ay maraan walxaha samaddu marka ay dulalaatiga dhex jiirayaan iyadoo loo fiirinayo bar la doortay. Tubta dhulku waa jidka uu maro dhulku marka uu ku meereysanayo qorraxda.
tub³: f.g1 (-bay, -btay) Wax badan meel isugu keenid. m.f.dh, tubid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tub
Locus
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tub
Orbit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tub
f. n. path
tub v. pile ~ stock up, amass; assemble
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tub
/tab/ (n) 1. weel godan oo wax lagu shubto. (n) 2. baanyo (musqul-qubeys).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tub
-ta: (n) way (weeyj; path (paath); route (ruut); course (koors) Ex: tubta toosan; the right way
tub -ay / tay: (v) 1. gather (ga-ther); cause to come together; convene; assemble. Ex: xoolihii bay soo tubtay; she gathered the livestock. ~ dhoob, tuur. 2. pile (paayl); stack (istaak)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tub
Via (modo)
Way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tub
(fal) dad xoolo ama wax kale, meel isugu keen. Casar baa la soo tubay sidii cuud nin leeyahay.
tub-ta: (magac, dhedig, keli) dariiq dheer. Tubtay mareen waa toobiye. Dh: jid, dhabbe, daw, waddo, marin.
tub-ta: (magac, dhedig, keli) koox dad ah, horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tuf
(Tuf-ta)
1. Cudur lafaxanuun iyo muruqyaxanuun leh.
2. Karaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuf
tuf¹: m.dh 1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.
tuf²: m.dh (daawo) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada “haemolitic streptococci”. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).
tuf³: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuf
tuf¹: m.dh 1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.
tuf²: m.dh (daaw.) Cudur aalaaba caruurta ku dhaca iyo dhallinyarada wuxuuna ka kacaa infekshin qaybta neefsashada inteeda sare oo uu keeno baktiiriyada 'haemolitic streptococci'. Astaamo: qandho, xubnoholac, marbamarka ka dambeysa xubin saameynaya, baro cascas ee maqaar ka kuuskuus yaryar oo aan xanuun lahayn ama lafo soo baxsan sida xusulka, dhaqdhaqaaq ogaan la'aan oo aan caadi ahayn ee addimada iyo madaxa (chorea) iyo hallamacood wadnaha gufafkiisa iyo xuubka ku daboolan (pericardium).
tuf³: f.g/mg1 (-fay, -ftay) 1. (f.g) Wax afka ku jira dibad u soo saarid. 2. (f.mg) Ku t.: cid u ducayn. m.f.dh, tufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuf
f. n. rheumatism, pain in bones ~ muscles
tuf v. spit (out)
tuf [feminine] n. blessing, benediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuf
-ay / tay: (v) spit (ispit); sputter (ispa-ter); spit out from the mouth
tuf -ta: (n) rheumatoid arthritis (ruu-ma-tooyd aar-tharaay-tas); rheumatism (ruu-ma-tiiz em) ~ riix
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuf
(fal) wax aad afka ku hayso dibadda u soo tuur ha ligine. Li: liq.
tuf -ka: (magac, lab, keli) karaamo, duco la aaminsan yahay in Alle degdeg u aqbalo. Tuf buu leeyahay sheekh daa'uud. Dh: dhaw, karaamo.
tuf-ta: (magac, dhedig, keli) cudur ay muruqyada iyo lafaha aad u xanuujiya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tug
/tag/ (v) 1. soo dhifasho (xoog usoo jiidid) 2. dhifasho (jiidid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tug
(fal) eeg tub.
tug: (fal) sii eeg tudhsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tun
(Tun-ka)
Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tun
tun¹: m.l Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
tun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Badar iyo wixi lamida buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tun
tun¹: m.l Luqunta dhabarkeeda; jeegada hoosteeda.
tun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) 1. Badar iyo wixi lamida buushe ka saarid. 2. Cid ul la dhicid. 3. Wan dhufaanid. 4. Sacab t.: sacab isku garaacid. 5. U sacab t.: cid ballan ka qaadid ama taageerid. m.f.dh, tumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tun
v. beat, strike, hammer, grind, pound; play drum ~ guitar
tun m. n. nape, back of the neck
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tun
-tumay / tuntay: (v) 1. strike (istaraayk.); beat (biit); pound (paawndh) 2. play or perform music. Ex: koox cusub baa caawa, tiyaatarka ka tumaysa; a new band is performing tonight in the theater
tun -ka: (n) nape (niip); the back of the neck; scruff (iska-raaf) ~ qoor, luqun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tun
(fal) farsamo bir ama wax kale, ka samee wixii looga baahan yahay.
tun: (fal) hadhuudh, garaac oo buushiga ka saar ama jejebi. Dh: bukaas, budli.
tun: (fal) wan ama wax kale, xiniinyaha ka saar Dh: dhufaan.
tun: (fal) ciyaar, sacabbada isla dhac. Dh: jaamay.
tun: (fal) cid kale, dil oo ulee.
tun-ka: (magac, lab, keli) luqunta dhabarkeeda: jeegada hoosteeda.
tun -ka: (magac, lab, keli) waa hilib kabaxa qoorta xageeda danbe iyo hareeraheeda. Dh: luqun, gadaad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tun
Dusha fidsan ee cuddadda oo wax lagu kortumo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tuo
agg. - kaaga; (tua: taada).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tur
f.mg1 (-ray, -rtay) U tur: cid u naxariisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tur
f.mg1 (-ray, -rtay) U tur: cid u naxariisasho. m.f.dh, turid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tur
v. be merciful ~ lenient; reduce one's punishment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tur
-ay / tay: (v) [with proposition u] be lenient (bii lii-ni-yant); not be too hard on; go easy; have mercy ~ u tur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tur
(fal) u cees oo qalad uu galay yari darteed ugu saamax. Dh: tudh.
tur: (tilmaame) qabo; tudh.
tur: ciyaar gaar u ah geeljirka oo laga ciyaaro gobollada Shabeellada Hoose iyo meelo kale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tur
de: be merciful ~ lenient; reduce one's punishment (e.g., impose a lighter punishment than expected or deserved)
initial: t
lx: tur
pd: (turay)
ps: v1=
key: tur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tus
(Tus-ka)
1. Uumi kaliileed; hogo.
2. Daliig ama waraaq dhuuban oo kutubta iyo buugagga qoran la dhexgeliyo oo hadba meesha la joogo, lagu calaameeyo.
3. Tusmada ama fahrasada kitaabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tus
tus¹: m.l Humri kulul oo dhaca waqtiga kulaylaha; hogo.
tus²: f.lg1 (-say, -stay) 1. Cid wax farta ugu fiiqid. 2. Is t.: laba qof isu keenid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tus
f.lg1 (-say, -stay) 1. Cid wax farta ugu fiiqid. Tusaale: “Cali ayaa guriga tusay Axmed” 2. Is t.: laba qof isu keenid. Tusaale: “Axmed baa is tusay wiilka iyo aabbihiisa”. m.f.dh, tusid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tus
ditransitive v. show ~ point out something to someone; display; connote
tus m. n. book-mark
tus m. n. build up of heat and humidity at the end of the dry season
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tus
-ay / tay: (v) show (shoow); guide (gaay-dh). Ex: i tus; show me.
is tus -ay / tay: (v) 1. bring face to face; bring together. 2. think about something; imagine (i-maajin)
is tustus -ka: (n) show off, flaunt (faloont); ostentation (os ten teey-shin), boastful showiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tus
(fal) indhaha u saar, qof meel aanu arkayn ama aqoon indhaha u saar ama u tilmaamid.
tus -ka: (magac, lab, keli) kitaab, warqadda ama daliigta xusuus ahaan loo dhexgelsho kolba bogga la marayo ama la akhriyey. Tuska haka saarin buuga.
tus -ka: (magac, lab, keli) uumi kaliileed ama uumi hawadu yeelato marka roob dhaw yahay. Tus ayaa jira. Dh: hogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuu
e.d Juu! la-mid: tu' (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuu
inter. down!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuu
a: tu'
de: down! (command to make a camel kneel down)
initial: t
lx: tuu
ps: intj
key: tuu