travaglio
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
travaglio
s.m. - xanuun fool; walbahaar.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
taglio
s.m. - goysmo; bir afkeeda.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
travail
travail, n.m. - shago maskax ama gacan laga qabto; xanuunka umulidda markay naagtu dhalayso
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Travato
Helay
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bagaglio
s.m. - alaab dhoofe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
lavaggio
s.m. - mayrid (da), dhaqid (da).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tovaglia
s.f. maro miis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meraviglia
s.f. yaab, amakaag.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tovagliòlo
s.m. - aftirtire.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
travailler
travailler, v. - shaqayn maskax ama gacan; wax soo saarid
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
travelling
socod
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
frastagliato
agg. - gogo'aan, aan isku dhegganayn.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
Il bavaglino
Catir/istiraasho
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meravigliato
agg. - yaabsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
meraviglióso
agg. - yaab leh, wanaagsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
travailliste
travailliste, adj. - xisbiga shaqaalaha
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
adagio
avv. aayar, miyir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagid
(Raagid-da)
1. Degdeg iyo fudayd u dhammaan waayid, u idlaan waayid; fil weyn yeelasho.
2. Kolkii la fila hayey dib uga dhicid, ku iman waayid; daahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagid
m.f.dh eeg raag². la-mid: raagis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagid
f. n. delay, postponement, lateness
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Raagid
Ritardo
Lateness; delay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagid
-da: (magac, dhedig, keli) muddo dheer maqnaansho; dib u dhicid oo xilligil caadiga ahaa xilli ka badan qaadasho. Ardaygani waa mid cas ah oo raagid badan. Li: degdegid.
raagid-da: (magac, dhedig, keli) in badan jirid; in badan noolaansho. Raas adduun raagid ma leh.
raagid-da: (magac, dhedig, keli) muddo badan meel ku negaansho. Sharaabka iyo cuntada raagidda ka ilaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagid
de: delay, postponement, lateness Also: raagis (ta)
lx: raagid
pd: (-da)
ps: n-f
key: raagid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagis
(Raagis-ta)
Raagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagis
m.dh la-mid: raagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagis
f. n. act of living long, enduring; being late
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagis
de: act of living long, enduring; being late Also: raagid (da)
lx: raagis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: raagis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsi
(Raagsi-ga)
Raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsi
m.l la-mid: raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsi
-ga: (magac, lab, keli) dheeraysi in badan la sugo wax maqan oo la naawwilayo. Dh: daahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax imaatinkoodu dib u dhacay daahsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagso
v. be impatient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raagso
-raagsaday / raagsatay: (v) feel something has taken longer than expected; feel unable to wait ~ daahso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagso
(fal) dhererso wakhtiga qof ama wax aad sugayso. Dh: daahso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagso
de: be impatient
lx: raagso
nt: raagsad (ka) [vn-m], raagsasho (/da) [vn-f], raagsi (ga) [vn-m] 'being impatient'
pd: (raagsaday)
ps: v3a=
key: raagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raalli
(Raalli-ga)
1. Waxyeello ama gef ama xumaato kale, caradii ama caloolxumadii laga qabey oo caloolsami lagu beddelo; xumaan cid loo qabey oo wanaag loo rogo; cafi; masaamax.
2. Caloolsami, mabsuud.
3. Oggolaanta wax la oggol yahay ama aan la diiddaneyn ama aan laga xumaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raalli
m.l 1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diid-daneyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raalli
m.l 1. R. ah: qof faraxsan oo aan waxba tebeyn. 2. R. ah: qof aan arrin diiddaneyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raalli
m. n. (adj.): satisfaction, being pleased with; loyalty, obedience (of wife to husband); willing, agreeable, in conformity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raalli
-ah: (adj) satisfied (satis-faayidh)-, content (kon-tent); happy (hap 'i). Ex: raalli ma tahay? are you satisfied?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raalli
(tilmaame) mid caloolsan oo mabsuud ah. Dh: masaamax.
raalli-ga: (magac, lab, keli)) oggolaan kal iyo laab wax loo oggolyahay; calool fayoobi ka dambeysa xumaan horay u jirtay. Dh: cafis, saamax, oggol, caloolsami, mabsuud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raalli
de: satisfaction, being pleased with; loyalty, obedience (of wife to husband); [atr.] willing, agreeable, in conformity Alt sp: raali
lx: raalli
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: raalli
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ràggio
s.m. - fallaar, shucaac.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ravage
/raavij/ (v) 1. baabi'in (burburin) 2.dhicid (boobid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ravage
ravage, n.m. - dhibaato aad u weyn; baabi'id katimaada gagaa)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ravage
v.tr., da', ka da'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagid
(Taagid-da)
Wax taagan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagid
m.f.dh eeg taag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagid
-da: (magac, dhedig, keli) dhisidda aqal iyo wax la mid ah. Taagidda gidaarka ku dhaqso.
taagid-da: (magac, dhedig, keli) sare u qaadiddal iyo muujin lagu tusayo sare u qaadid.
taagid -da: (magac, dhedig, keli) wax taagan ka dhigid oo qaabkuu u yaallay laga bedelay ama kor u joojin. Dh: qotomin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taagida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagni
-da: (magac, dhedig, keli) wax taagan ahaan; sare u joogid. Taagni ayuu igula hadlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsi
(Taagsi-ga)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsi
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsi
-ga: (magac, lab, keli) (ku ~ eeg taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taagso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho. m.f.dh, taagsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagso
inch. v. be invigorated, become strong, gain strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagso
(fal) awood jidheed yeelo. Taagso oo cunto fiican cun, wuu taagsaday oo gashi fiican buu helay: Dh: itaalso, xoogso.
taagso: (fal) dhaqaale fiican inaad hesho ku dedaal; shaqada labanlaab si hayntaadu u fiicnaato. Luula waa baayacmushtar oo way taagsatay.
taagso: (fal) wax jiifay ama dhulka yaalay, toosiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagso
de: be invigorated, become strong, gain strength
initial: t
lx: taagso
nt: taagsad (ka) [vn-m], taagsasho (/da) [vn-f], taagsi (ga) [vn-m]
pd: (taagsaday)
ps: v3a=inch
key: taagso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taalib
name-m seeker of knowledge
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taallo
(Taalla-da)
1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey.
2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illaawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey; ~ xusuuseed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illaawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tusaale: “T. xusuuseed”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taallo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis ama wax korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey. 2. Dhis lagu muuneeyo oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh, ama qof, wax weyn oo waxtar ah, oo aan la illawi karin, dadkiisa ama dalkiisa u sameeyey. Tusaale: T. xusuuseed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taallo
f. n. cairn; pile; statue, monument
taallo v., neg., present habitual: it [fem.] is not there
taallo v., rel, present habitual: that it [fem.] is there
taallo v., opt. form: let it [fem.] be there
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taallo
-taallada: (n) monument (mon-yo-menf); statue (istaa-juu); memorial (me-moo-riyaal). Ex: tallada Daljirka Daahsoon; the statue of the Unknown Soldier
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Taallo
Monumento
Monument
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallo
-da: (magac, dhedig, keli) dhis korka la iska saarsaaray oo kor loo dheereeyey.
taallo -da: (magac, dhedig, keli) dhismo qaab gaar ah loo dhiso oo lagu xusuusto wax dhacay oo taariikh leh ama qof weyn oo reebay wax waxtar leh, oo aan la illaabi karin, dadkiisa iyo dalkiisa u sameeyey. Dh: maala.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
taallo
تمثال، نُصب
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taaloo
-ga: (magac, lab, keli) xiirashada iyo habaynta timaha.
taaloo -ga: (magac, lab, keli) qaab timaha loo xiirto oo jeegada la banneeyo. Dh: qoordiid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
taglia
s.f. - cabbir labis; abaalmarin la siiyo qof soo qabta dambiile la raadinayey.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tàvolo
s.m. - miis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tragic
/traajik/ tragically; (adj) 1. murugo-leh (masiibo ah) (adj) 2. masrixiyad ama qiso murugo ku dhammaata.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
travel
/traaval/ (n) 1. safar (socdaal) (v) 2. socdaalid (safrid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
travel
v., dhax, soo dhax, sodcaal, safar; n., sodcaal, -ki, dhoof, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cavallo
s.m. - faras.
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
L’aglio
Tuunta
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaalo
f.mg3 (-aashay, -aalatay) Dhul ku gurguurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramaalo
(fal) dhulka dushiisa ku gurguuro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ravages
/raavijs/ (n) baaba' (kharribaad, burbur).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sbaglio
s.m. - gef, qalad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
svéglio
agg. - soo jeed; foojigan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhulka ama wax kale oo hareerteeda kor uga muuqata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalo
(Tabaala-ha)
(weligeed: koox) waayaha adduunka; sah; xaal; waxtabasho; dhibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaalo
m. n. trouble; financial difficulty; physical weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaalo
-tabaalaha: (n) destitution (des-ta-tuushin); poverty (pover-ti); bad times; misfortune (mis-foor-jin); adversity (adh-veersiti); difficulty (difi-kalti) ~ dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo kadeed laga dhaxlo duruuf nololeed oo adkaata; waayaha adduunka. Tabaalaha adduunku yaanu mabda'aaga tirtirin. Dh: sah, xaal. Li: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaalo
de: trouble; financial difficulty; physical weakness
initial: t
lx: tabaalo
pd: (/ha ~ /da)
ps: n6-m/f
key: tabaalo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tabagie
tabagie, n.f. - meesha sigaarka lagu cabo; meesha sigaarka lagu gado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tagagsi
(Tagagsi-ga)
(dugaag) Gurasho; (ama fagagsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagagsi
m.l Nolol xun oo maceeshaddu ciriiri tahay. la-mid: fagagsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagagsi
vl. n. forage, searching ~ hunting for the necessities of life
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagagsi
-ga: (magac, lab, keli) gurasho ama habka ay dugaaggu wax u gurtaan. Dh: fagagsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tagagsi
de: forage, searching ~ hunting for the necessities of life
initial: t
lx: tagagsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: tagagsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talalid
(Talalid-da)
Jibaadid; madaarid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talalid
m.f.dh eeg talal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawalid
m.f.dh eeg tawal².