towrad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
towrad
-da: (magac, dhedig, keli) kacaan; tawrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawrad
m.dh Isbeddel siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ka dhaca; ka-caan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawrad
m.dh Isbeddel siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ka dhaca; kacaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawrad
f. n. revolution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tawrad
-da: (n) 1. revolution (ravalu shin) 2. (ap raaysing) kacaan uprising
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawrad
-da: (magac, dhedig, keli) kacaan; kacdoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawrad
bw: Arabic
de: revolution
initial: t
lx: tawrad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: tawrad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorad
-da: (magac, dhedig, keli) biraha furinka lagu dubo ee moofada la geliyo. Tooradii furunku way kala jabtay.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) gabal bir ah oo godan oo qof qaadi karo oo ciidda iyo sibidhka lagu qaado oo ka mid qalabka dhismaha. Dh: tawrad.
toorad-da: (magac, dhedig, keli) daasad weyn oo biyaha lagu darsado xoolahana lagu waraabiyo, sida gorofka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tawraad
-da: (magac, dhedig, keli) diintii Ilaahay nebi Muuse (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene) ku soo dejiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
orad
vl. n. act of saying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
orad
-ay / oradday: (v) run (ran) ~ carar, roor.
orad -ka: (n) the act of running ~ orod
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
orad
de: act of saying
lx: orad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: orad
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
toad
n., rah, rihi (the ...).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowad
-ka: (magac, lab, keli) eeg bangi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
corad
m.l (-dyo, m.dh) la-mid: curad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorad
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa am ainta luqunta ka sarraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korad
m.l la-mid: korasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korad
vl. n. waiting, expecting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korad
a: korasho (/da) [vn-f]
cf: koro
de: waiting, expecting
lx: korad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: korad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
towid
m.dh la-mid: tebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowsad
m.l la-mid: bowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowsad
-ka: (magac, lab, keli) looxjiidad iyo sheed wax ka barasho. Bowsadka iska daa oo dugsi gal. bowsasho -da: (magac, dhedig, keli) dhegeysi iyo sheed wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doorad
(Doorad-ka)
Doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doorad
m.l la-mid: doorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doorad
-ka: (magac, lab, keli) xulasho oo wax badan oo meel yaal wixii ku cajabiya kala dhex bixid. Dh: doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowlad
(Dowlad-da)
Maamulka iyo laliska kore oo qaranka; madaxda qaranka u talisa; ahaanta layahay qaran isutalis leh oo madaxbannaan; (ama dawlad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowlad
m.dh la-mid: dawlad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dowlad
m.dh la-mid: dawlad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dowlad
f. n. state, government
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dowlad
-da: (n) government (gavar-ment); governance (gavar-nansi); regime (ri-jiim); state (isteeyt) ~ dawlad, xukuumad, talis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowlad
-da: (magac, dhedig, keli) maamul madaxbannaan oo dal iyo dad uu u taliyo leh. dowladnimo -da: (magac, dhedig, keli) maamul madaxbannaan oo dal iyo dadba leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dowlad
de: state, government
lx: dowlad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: dawlad
key: dowlad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dowlad
دَولة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dowrid
(Dowrid-da)
(ceel, kd.) Dowr noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dowrid
m.f.dh eeg dowr². la-mid: dawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dowrid
-da: (magac, dhedig, keli) wareegid oo kolba meel aadid. Dh: wareegid, doorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foorad
(Foorad-da)
Qaybaha cayaaraha (turub, kd.) la isu tirsado oo lagu kala badiyo, middood; guul; duq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foorad
m.dh Hal mar oo qof ciyaar turub, dubnad iyo wixi lamida. looga dhaco. la-mid: fooro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
foorad
vl. n. winning (of game), win
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorad
-da: (n) [Pl. fooradood] Sports & Games; the deciding points in game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foorad
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha ciyaaraha lagu kala badiyo oo la isku tirsado middood. Dh: guul, duq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
foorad
cf: dhibic, duq
de: winning (of game), win
lx: foorad
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: foorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowrac
(Gowrac-a)
Biraynta xoolaha la bireeyo kolka la qalana hayo, si hilibkoodu xalaal u noqdo; birays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gowrac
gowrac¹: m.l 1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. 2. la-mid: gowricid.
gowrac²: f.g1 (-cay, -cday; -rici) Wax birayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gowrac
gowrac¹: m.l 1. Biraynta xoolaha la qalanayo la bireeyo si hilibkoodu u xalaaloobo. gowrac²: f.g1 (-cay, -cday; -rici) Wax birayn. m.f.dh, gowricid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gowrac
v. slaughter an animal by cutting its throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gowrac
-yey / day: (v) kill animals for food usually by cutting throat; butcher (bujar); slaughter (islooter) ~ qal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gowrac
(fal) dhuunta ka biree si uu u xalaaloobo. Waysha gowrac dibigu ha ku quustee. Dh: qal, biree, gawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gowrac
bw: gawrac
de: slaughter an animal by cutting its throat
lx: gowrac
nt: gowrac (a) [vn2a-m]
pd: (gowracay)
ps: v1=
key: gowrac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horrad
m.l 1. H. ah: neef dhalay oo xeradii ilmuhu ugu jireen u cararaya. 2. la-mid: horrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jowrid
m.dh la-mid: jąwrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jowrid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboodfalka iyo dulmiga cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kowaad
(Kowaad-ka)
Wax is dabasocda ama xiriira ama qoodeyna haya, kan ugu horreeya; kan kowda ah; 1d (ama koowaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowaad
m.l la-mid: koowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kowaad
numeral: first
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kowaad
premier.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kowaad
-ka: (adj) first (farast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowaad
-ka: (magac, lab, keli) kaalinta ugu horaysa; wax is dabasocda ama xiriirsan, kan ugu horreeya. Dh: kow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kowaad
a: koowaad
de: first
lx: kowaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: kowaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrax
f.g1 (-xay, -xday) Hilib iyo wixi lamida oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrax
-a: (magac, lab, keli) hilib iyo wixii la mid ah oo inuu suyaco looga bagayo dabayl u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowsad
m.l la-mid: kowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowsad
-ka: (magac, lab, keli) wax hadda bilaabasho. Dh: kowsasho, kowsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mowjad
(Mowjad-da)
(bad, kd.) hir; waddac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mowjad
m.dh la-mid: mawjad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mowjad
f. n. wave; channel (on radio ~ television)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mowjad
-da: (n) wave (weeyv) ~ mawjad, hir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mowjad
-da: (magac, dhedig, keli) hirar ay biyaha badu sameeyaan markay socdaan. Mowjad xoog badan baa, i muquurtoo, mijihii baan, meel la waayee. Dh: mawjad, waddac.
mowjad -da: (magac, dhedig, keli) hirarka danabaysan ee hawada dhex sabbeeyaa inta ay saray u kacaan iyo masaafada ay goyn karaan xilli xadaysan. Wararka waxad ka dhagaysataan mowjadaha gaagaaban. Dh: hir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mowjad
bw: mawjad
cf: maskar
de: wave; channel (on radio ~ television)
lx: mowjad
pd: (-da)
ps: n1-f
xv: Arabic
key: mowjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qoorad
(Qoorad-ka)
Qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoorad
m.l la-mid: qoorasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qoorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qowjad
(Qowjad-da)
Wax saamays weyn leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowjad
m.dh.kh Q. ah: nin aad u qiimo badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowjad
f. n. impressive thing ~ event, important person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowjad
de: impressive thing ~ event, important person
lx: qowjad
pd: (-da)
ps: n-f
key: qowjad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qowlad
m.dh la-mid: qol.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowlad
f. n. room
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qowlad
-da: (n) room (ruum) ~ qawlad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowlad
a: qawlad, qol
de: room
lx: qowlad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qowlad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qowsad
(Qowsad-ka)
Qowsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qowsad
vl. n. destitution
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qowsad
a: qowsasho (/da) [vn-f]
de: destitution
lx: qowsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: qowsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sowrac
m.l Tilmaan muuqaal ee uu wax gaar u leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taarad
(Taarad-ka)
Taarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarad
m.l la-mid: taarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taarad
vl. n. act of hanging something up (on high); doing a service ~ favor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taarad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel laga laallaadinayo oo meel sare la sudhayo. Dh: taarasho, callaalad.
taarad -ka: (magac, lab, keli) qofku waxaanuu samayn oo lagu raro. Arrintaasi way i taaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taarad
a: taarasho (/da) [vn-f]
de: act of hanging s.t. up (on high); doing a service ~ favor
initial: t
lx: taarad
pd: (-ka)
ps: vn-m
see: taaro
key: taarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaad
m.dh la-mid: dawaad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tawaad
name-m dark in color or black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Tawaad
magac loo baxsho wiil midab madaw leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaad
-da: (magac, dhedig, keli) khadka laga sameeyo dhuxusha ee quraanka lagu qoro.
tawaad -da: (magac, dhedig, keli) madaxa qayb tiisa danbe ce qoorta la xidhiidhsan. Dh: gadaad.
tawaad -da: (magac, dhedig, keli) midab aad u madow oo awrta qooqda kaga samaysma qadaadka.
tawaad-da: (magac, dhedig, keli) weel yar oo ay ardayda Quraanku khadka looxa lagu dhigo ku samaysato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawbad
m.dh la-mid: toobad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawbad
f. n. repentance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tawbad
-da: (n) repentance (ri-peen-tansi); contrition (kon-tara-shin); penitence (pena-tansi) ~ toobad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawbad
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaah u soo noqosho; towbadkeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawbad
bw: Arabic
de: repentance
initial: t
lx: tawbad
pd: (-da)
ps: n-f
see: toobad
key: tawbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobad
(Toobad-da)
Baryo ama cibaado kale oo qof gefey ama denbi falay la yimaado, si Ilaah u cafiyo; Ilaah u noqosho.