toorriyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyee
(fal) toorrey la dhac, marka qof lagu amro in uu xayawaan ama qof ku dhufto bir afaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) toorrey ku dhufasho; toorrey ku gawricid ama toorrey ku mud mudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyeys
-ka: (magac, lab, keli) wax nool oo toori lala dhaco. Dh: tooriyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley toore samayn. 2. Xoolo badan si isdaba joog ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooree
v. go ~ pass along a track, follow a small path
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooree
de: go ~ pass along a track, follow a small path
initial: t
lx: tooree
pd: (tooreeyey)
ps: v2b=tr
key: tooree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toorri
m.dh la-mid: toorrey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toorri
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorri
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorreey, toorrey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorri
-da: (magac, dhedig, keli) eeg toorrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toorri
de: dagger
initial: t
lx: toorri
pd: (-da)
ps: n1-f, n7-f
see: toorrey
key: toorri
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dooriye
Transformer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooriye
-ha: (magac, lab, keli) shey waxii beddela wixii lagu daray. Dooriye ku dar biyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: soor³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooryee
v. entertain, give a feast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooryee
-yey / sooryeysay: (v) cater to a guest; provide food and entertainment; serve as host to a guset
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryee
(fal) sooryo sii; cunto sii. Sooryee odayaasha martidaa. Dh: soor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sooryee
de: entertain, give a feast
initial: s
lx: sooryee
pd: (sooryeeyey)
ps: v2b=tr
key: sooryee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toobiye
(Toobiya-ha)
Waddooyin meel wada taga, tan ugu gaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toobiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toobiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Jid toosan oo aan leexleexad lahayn; waddooyin meel wada taga tan ugu gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toobiye
m. n. short cut, shortest and most direct route; beaten path
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toobiye
-ha: (magac, lab, keli) jid halka aad rabto meel gaaban kaaga doc tuura, kaaga dara oo kuul dhaw.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Toobiye
Garangarta la xiriirta dhuunta kaydka ee alxamaha bensiinka iyo tan holaca daysa ee ku shaqo lch dheeraynta iyo gaabinta holaca baxaya ama soo baxsanaanta middida raando-bireedda. Arag toobiyaha raando-bireedda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toobiye
de: short cut, shortest and most direct route; beaten path (track normally created by animals using the same route)
initial: t
lx: toobiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: toobiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toornee
(fal) marka qof laga rabo inuu biro ku qoro mashiinka toornada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Toorrey
(Toorrey-da)
Abley; billaawe; magli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toorrey
m.dh (-yo, m.l) Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. la-mid: toorri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
toorrey
m.dh (-yo, m.l) Mindi af godan leh oo labada dhinac wax ku goysa, caarad dhuuban, daab xardhan oo gees ama caag ka samaysan iyo gal leh oo raggu qaato. la-mid: toorri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
toorrey
f. n. dagger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorrey
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorreey, toorri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorrey
-da: (magac, dhedig, keli) hub gacmeed bir la tumay ka samaysan. Dh: abley, magli, billaawe, toorrida.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
toorrey
cf: abley, billaawe, golxob
de: dagger
initial: t
lx: toorrey
pd: (-da)
ps: n1-f
key: toorrey
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Tooxiye
Qalabka lagu qaydo cabbirka jajab tobnaalaha ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
torride
torride, adj. - kulul; wax guba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorimee
f.g/mg2 (-meeyay, -meysay) 1. (f.g) Hogayn. 2. (f.g) wax si aan nidaamsanayn u qabin. 3. (f.mg) Cararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorimee
(fal) hilib hab gaar ah oo boorimo la yidhaa u dubo. Hilibka boorimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirriyee
(fal) noqo dhuljiif si aad u dhacdo xoolo aanad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarbiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Cid asluub wanaagsan ku barbaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarbiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Cid asluub wanaagsan ku barbaarin. m.f.dh, tarbiyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarbiyee
(fal) barbaari oo si wanaagsan u kori. Ubadku intay yaryihiin tarbiyee. Dh: tarbiyadee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorreey
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorrey, toorri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyeysan
(tilmaame) qof toorri lala dhacay ama la geliyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boonbiyeed
m.l Ninka tababaradka bilowga ah ku jira ee loo carbinayo sida gammuunka loo gano waxna loogu dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorniiste
-ha: (magac, lab, keli) qofka toornada ku shaqeeya.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Toorray-da
poignard.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tororoglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal badan oo aan macna lahayn sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tororoglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal badan oo aan macna lahayn sheegid. m.dh, tororoglayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tororoglee
v. chatter (on), speak empty words
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tororoglee
-yey / tororogleysay: (v) talk foolishly or idly; jabber (jaabar); babble (baabal) ~ nacnaclee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tororoglee
(fal) hadal tororog ah ku hal. tortor: (fal) qudhmid darteed la muudhmuudh oo mataatax. Caddku wuu tortoray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tororoglee
de: chatter (on), speak empty words
initial: t
lx: tororoglee
pd: (tororogleeyey)
ps: v2b=intr
key: tororoglee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax boor u eyelid; la-mid: boodee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax boor u eyelid. m.f.dh, boorayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booree
(fal) boor dabada ka geli. Saca booree ilmaha ha oggolaadee. Dh: boor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorre
-ha: (magac, lab, keli) maroodiga kiisa labka ah ee da'da weyn. Dh: arbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorri
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boorri
f.mg2 (-iyay, -isay) Ku b.: cid hawl qabashadeda ku guubaabin. m.f.dh, boorrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boorri
v. instill courage; encourage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boorri
-yey say: (v) inspire (inis paayr); motivate (moo ti veeyt); encourage (en- kooreej)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorri
(fal) ku tirtirsii; jecleysii oo ku waani. Ardayda akhriska ku boorri. Dh: guubaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boorri
de: instill courage; encourage
lx: boorri
pd: (boorriyey)
ps: v2a=
key: boorri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Fardo ku ilaala tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyee
v. walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyee
(fal) dooyo samee oo ilaalo ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooyee
de: walk slowly
lx: dooyee
pd: (dooyeeyey)
ps: v2b=
key: dooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoorri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoorri
m.l (-iyo, m.dh) 1. Aqal Soomaali. 2. Qof aad u madow. 3. Dabayl kulul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoorri
m. n. nomad's small hut, cabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoorri
-ga: (magac, lab, keli) wax weynaaday oo gaboobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoorri
de: nomad's small hut, cabin
lx: hoorri
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hoorri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Ka h.: wax, wax kale hortiisa jirid. m.f.dh, horrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horree
v. be first, be in front, precede, be earlier
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horree
de: be first, be in front, precede, be earlier
lx: horree
pd: (horreeyey)
ps: v2b=
xe: This is my first time here.
xv: Waa markii iigu horreysey halka.
key: horree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal). m.f.dh, koorayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooree
v. saddle up, put a saddle on (a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooree
(fal) u diyaari rar ama fuulitaan faras. Dh: heensee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooree
de: saddle up, put a saddle on (a horse)
lx: kooree
pd: (kooreeyey)
ps: v2b=
key: kooree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Meel sare ku sugnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
korree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Meel sare ku sugnaan. m.f.dh, korrayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korree
v. be on top ~ superior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korree
-yey / korreysay: (v) be uppermost part or on the top
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korree
de: be on top ~ superior
lx: korree
pd: (korreeyey)
ps: v2b=
key: korree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Xoolo mooro gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooyee
qr. la-mid: mooyaane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooyee
conj. except (that), excluding, other than
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooyee
(conjunction) unless (an-les) except (ik-sapt); otherwise ~ mooyaane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooyee
(fal) mooye ku tun. Arabikhida inno mooyee oo faracad innooga dhig. Dh: tun.
mooyee: (qurub) mooyaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooyee
a: mooyaane
de: except (that), excluding, other than
lx: mooyee
ps: conj
key: mooyee
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
OOHIYE
(Ohie) S Boscia flavescens Mattei Capparidaceae.
May, S, NFD Maerua denhardtiorum Gilg. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Kaadisokorow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Kaadisokorow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomiye
m. n. diabetes
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomiye
de: diabetes
lx: oomiye
pd: (/ha)
ps: n-m
syn: kaadisokorow, sonkorow
key: oomiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ooriyo
m.dh Hanti ganaax ahaan looga qaado nin mehersaday gabadh nin kale u dooneyd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ooriyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo magadhaw iyo ciqaab looga qaado ninka guursada gabadh nin kale u doonnanayd. Shan halaad oo ooriyo ah ayaa ninkii laga qaaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoorri
-ga: (magac, lab, keli) jaad geedaha xeebaha ka baxa ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Wax qori ku mudmudid. 2. Qof hadal ka raadin.